Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Khilaafaadkii Ka Dhasay Doorashadii Musharaxiintii Xisbiga Kulmiye Oo Heshiish Hordhaca Laga Gaadhay
August 28, 2008


Khilaafaadkii ka dhashay shirki Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dhawaaan ku soo gabagaboobay magalada Burco ayaa waxa ay Labadii dhinaca ee khilaafaadku ka dhaxeeyay ka gaadheen heshiis hor dhac ah.

Heshiiskaas oo ay ku saxeexan yihiin Gudid ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac ah waxa uu dhignaa sidatan:

Shirkii kalfadhiga kowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee ku qabsoomay magaalada Burco 24-6 Augaust 2008 , waxa ka soo baxay khilaafaad si loo xaliyo wada hadalana loogu dhameeyo khilafadkaa waxa dadaal aad u balaadhan ka sameeyay odayaal iyo waayel Reer Burcaa waxaanay gogol ay ku wada hadlaan u fidiyeen masuuliyiinta xisbiga ee khilafkaasi khuseeyay sidaasna waxa ay ku suurta galiyeen in ay Masuuliyiintaasi iskugu yimaadaan wada hadal iyo wada tashi 27-28 Autast 2008 .

Wada tashi iyo wada hadal dabadeed waxa ay isku afgarteen kuna heshiiyeen qodabadan hoos ku qoran:

1.In uu sii socdo wada hadalka iyo wada tashigu
2.in si wada jira loo ilaliyo loona adkeeyo midnimada iyo wada jirka Xisbiga
3.Khilaafaadka iyo dareemada ka dhashay shirkii Kalfadhiga kowaad ee golaha dhexe ee Kulmiye oo lagu qabtay Magaalada Burco in lagu xaliyo wada hadal iyo wad tashi .
4.Inta wada tashigu socdo waxa ka reeban dhinackasta in la faafiyo dacaayado iyo brabogaando warbaahinta lagu faafiyo waxii warbixin ah ee arintan ku saabsan waxa faafinteeda go,aan wada jir ah ka gaadhaya gudiyada wada hadalaysa.
5.Kulanka wada hadalka u horeeya waxa lagu heshiiyay in lagu qabto Hargeysa Maalinta salaasada ee 2da Septemper 2008 . Xidhiidhka kulamada waxa ka masuul ah Axmed Maxamed Siilaanyo , Cabdirahmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X Cali Cadami.

Magacyada Masuuliinta Heshiiska Dhexmaray

1.Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Gudoomiyaha xisbiga
2.Muuse Biixi Cabdi ( Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga
3.Cabdiramaan Aw Cali Faarax
4.Axmed X Cali Cadami
5.Maxamed Kaahin Axmed
6.Ibraahin Cabdilaahi Dhagaweyne
7.Maxamed X Maxamud Cumar Xaashi
8.Cumar Cilmi Dixood
9.Maxamed Cabdi Iskeerse
10 Dr Cabdi Aw Daahir Cali
11.Xuseen Axmed Caydiid
12Maxamed X Yuusuf Waabeyo
13.Ibraahin Jaamac Cali dheere(Rayte)
14Dery Maxamed Cilmi

Heshiiskan hor dhacaa ee ay wada gaadheen Masuuliyinti khilaafku soo kala dhexgalay ee Xisbiga Kulmiye waxa ay noqonaysaa talaabadii u horaysay ee horumar lagaga gaadho khilaafaadka ka dhashay Doorashadii Musharaxiinta xisbiga ee uga qaybgalaayo tartanka doorashooyinka ee 2009 dalka ka dhacaaya.

__

Source: Hadhwanaag News







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp