Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Wax-soo-saarka Dalaga Beeraha Iyo Dhibaatada Hay'ada WFP
August 27, 2008


Tan iyo intii aynu la soo noqonay madaxbanaanida dalkan jamhuuriyada Somaliland wax soosaarka dalaga beeruhu hadba heer ayuu marayaay Dagaaladii qadhaadhaa ee xornimada lagula soo noqday oo sababay bur bur xoogleh ayaa keenay in heerka abuurka beeruhu gaadho meel aad u hoosaysa ayuu marba marka ka sii danbaysana sare u sii kacaayay, dadaal ay muwaadiniinta reer soomaaliland sameeyeen ayaa kor loogu soo qaaday abuurka beeraha ilaa heer wanaagasan Sanadihii ugu danbeeyay waxa isa soo tarayay hoos udhac ku yimi falashadii dalaga beeraha oo ay sabab u tahay qiimaha lagaga iibsanayo midhaha oo aad u hiiseeya arintani waxay saamayn ku yeelatay dhaqaalihii beeralayda iyo dad badan oo ku nool magaalooyinka oo dhaqaalahoodu ku xidhnaa hadba waxay tabcaan beeralaydu.

Hoos u dhacan ku yimi falashada dalaga beeraha ayaa in badan oo ka mid ah bulsha waynta Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinku u aanaynayaan hayada WFP. Hayada WFP waxa lagu yaqaan qaybinta raashinka wakhtiga tabaca beeruhu soo go''o Arintan ayaa sababtay in beeralaydii sanadka oo dhan tabcaysay ay midhihii ku iibiso qiimo riqiisa. Arintan ayaa keentay in marka suuqii raashin badani soo galo qiimihiisii is jabiyo, beeralaydiina ku khasaarto, taasi oo niyad xumo iyo dhabar jab ku noqota beeralayda Somaliland, hadaba arintan ku waajahan qaybinta raashinka ee WFP ayaa siyaabo kala duwan loo arkaa , halka dadka qaarkii ay u arkaan mid xuryaamin ku ah beeralayda Somaliland iyo guud ahaan afrikaba halka dadka qaarna u arkaan deeq bixiyaal caawiya dadyawga dabaalaysan ee ay la daadagtay abaaraha iyo xooladuhu.

Intaa waxaa dheer beeralayda Somaliland may helin wax taageero ah iyo wax dhiirigelin ah ee dhinaca wax soosaarka tabaca beeraha arintan oo noqotay mid si wayn loo hadal hayo iyadoo hoosu dhaca tabaca beeraha si wayn looga dareemay suuqyada ayaa hadana aanay muuqan wax dhaq dhaqaaqa dhinaca wasaarada beeraha oo arintani ay qusayso.

Wasaarada beeraha o ah hayada kali ah e ugu masuulka ah dawlada horumarinta beeraha ayaad moodaa inay garab marsan yihiin shaqadooda , halka ay wasaaradu xooga ka saarto xafladaha sida maalinta cuntada aduuunka, iyo xaflado badan oo noocaas oo kale ah Hadaba wasiirka wasaarada beeruhu miyuu iska indha saabayaa arintan mise maba oga Wasaaradu iyadaa dawlada uga masuula la xisaabtanka hayada WFP. Wasiirku ma raali ayuu kala yahay mise inuu dawlada masuul uga yahay maba oga la xisaabtankeeda .

Wax soosaarka falashada beeruhu wuxuu ku xidhan yahay xili roobaadka oo ah wakhtiga guga hadaba abaarta oo sanadka dheeraatay ayaa dib u riday falashadii beeraha taas waxaa dheer balanqaadkii ay samaysay guud ahaan dawladu gaarahaana wasaarada beeruhu ee ahaa taageerida iyo kor u qaadista wax soosaarka dhulka oo an ilaa hada waxba ka fulin balanqaadkaasi Hadaba wakhtigan aynu ku jirno oo ah wakhti roobaad dadku ku mashquulsan yihiin tabaca beeraha ayaa waxay u baahan yahay taageero dhinac walba leh intaas waxa dheer abaaraha iyo raashin yaranta dalka ka dhacaday oo intabadan ay sabab u tahay roob yaraan iyo sixir bar ayaa beeralaydu sanadkan xoog u tabceen iyagoo intaban dhulkii beeray hadaba waxa laga cabsi qabaa in wakhtiga beeruhu soo go''ayaan ay ku soo beeganto wakhti ay raashin badan soo dayso WFP Hadaba su''aasha la is waydiinayaa waxay tahay wasaaradani ma tahay mid u adeegaysa danaha umada Somaliland mise waa ku lidi WFP door intee leeg ayay ka qaadatay abaarihii dalka ka dhacay wax raashin ah ma qaybisay wakhtigii abaaruhu dalka ku dhufteen oo macaluul dadku ugu bakhtiyi gaadheen meelo badan? Jawaabtu waa maya Hadaba maxay wasaaradu wax uga qaban laada''ay hagardaamada bulshada ay ku hayso WFP oo loo arko mid curyaaminaysa wax soosaarka dalaga beeraha
 

Qore:Mohamed Abdi Omer
Mobile: 4423191 Email: bayono2@hotmail.com






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp