Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

KULMIYE..Shikiisii oo khilaaf ku dhamaaday
August 26, 2008


Waxa saaka 129 cod kahelay Golaha Dhexe ee Kulmiye Mudane Axmed M. Siilaanyo oo loo doorto in uu noqdo musharaxa Kulmiye ee jagada Madaxweyne u tartami doona . Waxa isaguna 123 cod shirkaa ka helay mudane C/rahmaan Saylici oo loo doortay inuu noqdo murashaxa Kulmiye ee u tartami doona jaggada Madaxweyne-Ku-Xigeenka. Waxaa shirka ka maqnaa sida warbaahinta qaarkeed sheegeen 63 xubnood oo ahaa taageerayaashii Mudane C/rahmaan Aw Cali Faarax iyo Mudane Axmed Cali Cadami oo labaduba u tartamayey jagada Madaxweyne-Ku-Xigeenka .

Waxa shirkaa lagu ansaxiyey xeer hoosaadkii Golaha Dhexe iyo badel dastuurka xisbiga lagu sameeyay oo dhigaya Gudoomiyaha Xisbiggu markuu ku guuleysto doorashada Madaxweynanimada, ayuu bil dhexdeed xilka gudoomiyanimada ku wareejinayaa Gudoomiye-Ku-Xigeenka ee xisbigga.Waxax kale oo la ansaxiyey 29 xubnood oo noqondoona Gudiga Fullinta ee xisbigga oo lagu daray Mudane C/rahmaan Aw Cali Faarax, Axmed Cali Cadami iyo xubno ka tirsab taageerayaashooda .Mudane Axmed Cali Cadami oo laanta Af Soomaaliga ee BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay tiradooda qaadacday shirka in ay ahayd 170 xubnood; isagoo raaciyey in caded fortari ah la samaystay si kooran been ah loo gaaro.

Mudane Cadami wuxuu sheegay in ay gudiyo dhisayaan kuna tala jiraan in ay shirkale qaban qaabiyaan oo lagu saxo afduubka, gacan maroojiska iyo dimiqraadiyada lagu xadgudbay ee halkaa ka dhacday. Mudane C/rahmaan Aw Cali Faarax, Mudane Ibraahim Dhago Weyne iyo Mudane Dr. Cumar Dixood oo uu weriyah BBC-du isku dayey inuu waraysto ayaa ugu jawaabay, intaa Cadami ayay noogu dhantahay. Intii aynu galay marxallada xisbiyada tirada badan, ma dhicin xisbi khilaaf culeyskaa lihi dhexdiisa ka dhacay.

Hadii laga tegiwaayo, shirweynihii lagu aasaasay xisbigga UDUB, markii lagu dhawaaqay Golaha Dhexe iyo Gudida Fullinta ayey 2 wasiir iyo dhawr xubnood oo ergeda shirka ka mid ahaa, ayka dareereen shirkii; taas oo aan saamayn ku yeelan dhismihii xisbigga UDUB.


Somalilandhorta






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp