Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Hargeysa: Wasiirka Dhaqanka oo Furay Carwada Bandhigga Buuggaagta iyo Dhaqanka
August 23, 2008


Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Hiddaha Md. Cabdirisaaq Waabari Rooble, ayaa shalay furay carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayo buuggaag kala duwan iyo qaybo ka mid ah dhaqanka bulshada Somaliland.

Furitaanka carwadan oo lagu qabanayo xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, golayaasha Baarlamanka, hal-abuurro, qorayaal, aqoonyahanno iyo dadweyne tiro badan.

Ugu horreyn Wasiirka Dhaqanka Md. Cabdirisaaq Waabari Rooble oo hadal kooban ka jeediyey furitaankii bandhig-faneedka, ayaa ka warramay ahmiyadda iyo miisaanka uu leeyahay qoraagu, isaga oo tilmaamay sida loogu baahan yahay dhiirigelinta da’yarta qoraaga ah, si ay u suurtogasho diiwaan lagu kaydiyo sooyaalka taariikheed ee dalka iyo dadka Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in carwadan lagu soo bandhigay buugaagta ay qoreen qoraayaasha Somaliland ay tahay mid faa’iido weyn u leh, gaar ahaan da’yarta ee barbaaray intii dalku burbursanaa.

“Arrintani waa mid bulshada dambe u noqon doonta dhaxal, waad ogtihiin dalkani wuxuu soo maray burbur meelihii dhaqanku hore ugu mari lahaayeen oo dhan waa la dumiyey, sida Tiyaatarkii Qaranka oo dawladdii halkan xukumaysay baa madaafiic la dhacday, aqalkii masxafku sidoo kale wuu burburay ee maanta wax waliba ay inoo ooli lahaayeen,” ayuu yidhi Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble.

Wasiirka Hiduhu waxa kale oo uu ka waramay dadaalka ay xukuumadda uu ka tirsan yahay ku doonayso inay dib ugu dhisto goobihii fanka ee burburay, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan aad ugu faraxsanahay dadaalka xukuumadda Somaliland ay ku jirto, iyada oo dariiqad kasta u maraysa sidii ay u dhismi lahaayeen goobahaa muhiimka qaranka u ahi, annaga oo rajaynayna in Tiyaatarkii Qaranku uu muddo lix bilood ah ku dhismo. Waxa kale oo aannu rajaynaynaa Guriga masfaxka oo ah meeshii taariikhdeenu ooli lahayd in isna aannu u heli doono cid aannu kala kaashano oo dhista.”

Md. Waabiri waxa uu bulshada reer Somaliland kula dardaarmay inay dhaqankeeda iyo hidaheeda ku dhaqanto oo ay adkaysato kuna faanto, isla markaana ilaashato nabadda oo uu sheegay inay tahay aasaaska horumarka Somaliland ee dhinac kasta.

Qoraaga Jaamac Cali Jaamac oo isagu leh qabanqaabada bandhiga buugaagtan, isla markaana ah qoray qaar ka mid ah buugaagta la soo bandhigay, oo isna halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada bandhigan oo uu sheegay inay ugu talogaleen sidii bulshada loogu baraarujin lahaa inay arkaan oo ay akhriyaan buugaagta ay qoreen qoraaga Somaliland, kaas oo ay ku soo bandhigeen ilaa 200 buug oo kala nooc ah, kuwaas oo dhammaantood ay ka hadlaya taariikhda dalka iyo bulshada Somaliland.

Jaamac Cali Jaamac, waxa kale oo uu tilmaamay in bandhigan qoraaga Somaliland uu yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto Somaliland tan iyo markii ay xorrnimadeeda dib ula soo noqotay.
__

Source: Jamhuuriya






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp