Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Seyoum Musfin, Wasiirka Arrimaha Debeda ee Ethiopia oo Si-ba'an u Dhaleeceeyey Abdillahi Yussuf iyo Ra'iisal-wasaare Nuur-cade
August 22, 2008


Wasiirka Arrimaha Debeda u qaabilsan Dawlada Itoobiya Seyoum Musfin ayaa waxaa uu dhaleeceyn dusha uga tuuray Madaxda sar sare ee kooxda Imbaghati gaar ahaan Abdillahi Yussuf iyo Ra'iisal-wasaare Nuur-cade.

Seyoum Musfin ayaa waxaa uu sheegay mar uu wareeysi siinayay Jariidada Finanacial Times in uu Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ku dhaliilayo sida ay ugu guuleeysan waayeen in ay dhameeyaan Khilaafka dhexdooda yaal.

Kumanaan kun oo Ciidamada Itoobiya ah ayaa Soomaaliya fargeliyay Dhamaadkii sanadii 2006-dii si ay gacan u siiyaan Dawlada uu Cabdullaahi Yussuf hogaamiyaha ka yahay, laakiin miisaankeeda Awoodeed iyo keeda siyaasadeed ayaa ah mid aad u taag daran, waxaana wiiqay oo dhulka galiyey intii ay Hogaanka haysay Xoogaga Muqaawamada ee dagaalka kulul kula jira, dagaalada Qabaa'ilka iyo weliba Barakaca baahsan ee dadka Shicibka ah soo gaadhay.

Mr.Musfin oo sii watay hadalkii uu siiyey Wargayska Finacial Times ayaa yidhi Khilaafka iyo Muranka mar walba ka dhex-oogmaaya Mr.Yussuf iyo Ragga uu u doorto jagada Ra'iisal wasaare-nimada ayaa ah Caqabada ugu weyn ee haysata Dawlada Federalka.

"Arrinta ugu darani ma aha sida ay yidhaahdaan Cadawgu, Cawdawga uu sheegayaa waa (Xoogaga Hubeysan) ee waa Khilaafka gudahooda ah ee ka hortaagan in ay gutaan Hawlihii loo doortay oo laga sugayo in ay Fuliyaan" Sidaas waxa yidhi Seyoum Musfin.

Mr.Musfin waxa kale oo hadalkiisia ku jiray Alshabaabka oo uu ku tilmaamay kuwo Awoodoodi la wiiqay in kastoo ay Dadka wax indha-indheeyaa ku sheegeen in Awoodooda ciidan ay sii kodheeyso maalinba maalinta ka dambeeysa, Waxana uu yidhi " Alshabaab ma sii jiri karaan, xataa haddii Dawladu burburto ama kala tagto".

Hadalka Wasiirka Arrimaha Debeda Itoobiya Seyoum Musfin ka soo yeedhay ee Dhaliilaaya sida ay wax u wadaan Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaruhu ayaa ah mid ku sifoobay in dawlada Ethiopia ay ku khasaartay taageerada laxaad-ka leh ee ay siinaysay kooxda Mr.Yussuf iyo kooxdiisa.

__

Source: Qaran News






 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp