Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Beebkii Biyaha Berbera Ee Ceelasha Dubaar Oo 150 Sano Jiray Oo La Badelayo
August 22, 2008


Wefti balaadhan oo Hay’ado badan Qaramada Midoobay ah oo ay horkacayso hay’ada UNICEF ayaa Berbera u yimid eegida Mashruuca lagu badelayo beebka Biyaha Berbera keena ee kasoo qaada Ceelsha Dubaar, beebkaas oo sida la sheegay ay hirgalisay Boqortooyadii ingiriiska kudhawaad 150 sano ka hor ayaa markii u horeysay hawsha bedelidiisa laga wadaa xarunta keydka biyaha ee Dubaar, Mashruucan ayaa logu magacdaray (Berbera Water Project System of Dubar Spring Water Funded By EU”

Weftigan heerka sare ah ayaa kasoo degay madaarka Berbera halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Maayarka Berbera Badhasaabka iyo madaxkale oo gobolka ah, waxay weftigu si toos ah u tageen xarunta keydaha biyaha Berbera ee Ceelsha Dubaar halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen raxan ururada bulshada gobolka ah iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Cabdiraxmaan Cartan waxaan kormeeray qaatay mudo iyo badh ah halkaasi ku eegeen sida hawshu u socoto iyo beebka la badelay iyagoo weftigu ka istareexay sida hawsha badan loo fuliyo mudo labo bilood ah.

Maayarka Berbera Cabdale Maxamed Cali ayaa kormeer intii lagu jiray la hadlay weftiga waxaanu yidhi “Waxaan si balaadahn idiin ku soo dhaweynayaa degmada Berbera iyo mashruucan qiimaha leh ee aad wadaan anigoo ku hadlaya magacayga kan Golaha iyo ka Berbera waxaan leeyahay UNICEF waad mahadsantihiin hawsha mugaas leh mana aha mid aanu ilaawi doono reer berbera ahaan waxaan qabaa inaad tihiin saaxiibo waxyaabo badan nagala shaqeeya sida mashaariicda saxada, waxbarashada, deegaanka, Caafimaadka iyo horumarka guud ee magaalada Berbera oo aad mashaariic badan ka fuliseen, waxay ila tahay mashruucan oo kale baahi weyn ayaanu u qabnay waad arki kartaan sidaanu isugu duubanahay madaxda Gobolka, Hayadaha Dawlada, Bulshada Rayidka ah, iyo Wakaalada Biyaha Beebkan Berbera geeya biyaha oo ah ilaa 11km waxa uu ahaa mid aad waana shaqo loo baahnaa oo xiligeedii la qabtay waxa biyaha la gaadhsiin doona si cusub Xaafadaha Jaamalaaye iyo burco sheikh oo beeb halkan ka tagi doono la geynayo hawshiisuna socoto”

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Saaxil Maxamed Cabdilaahi oo isugu kalmad mahadnaq ah uun yidhi “Waxaan idinku soo dhaweynaynaa Gobolka Waanad ku mahadsantihiin hawshan”

MAareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Cabdiraxmaan Cartan ayaa yidhi “Badelida Beebkan baahi weyn ayaanu qabnay maadaama beebkii hore oo aad u weynaa uu daxalaystay beebkaas oo jiray in badan waxaan leeyahay hawl adag ayey Unicef inoo qabatay”

MAdaxa UNICEF ee Somaliland/Somalia oo ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ka mahadnaqayaa si wacan ee naloogu soo dhaweeyey Berbera iyadoo aan naloo kala hadhin madax iyo bulshadii oo ay dumarkiina ka dhexmuuqdaan waxaan leeyahay Madaxda Magaalada waad mahadsantihiin waxaanu ka koobanahay wefti sare oo kala ah aniga madaxa UNICEF ee Somaliland/Somalia iyo Madaxa UNICEF Water Project oo ah haweenayda iyo madax kale oo ka socoto hay’ado kale oo dhawr ah”

Mashruuc balaadhan oo fulinayso Hay’ada UNICEF oo kaashanaysa ururka CCG, Dawlada hoose Berbera iyo Wakaalada Biyaha Berbera oo wadashaqeyni ka dhaxayso waxaana maalaglinaya Midowga Yurub.

Weftiga oo Booqday Dekeda Berbera ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabiley

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng, Cali Cumar Maxamed oo aad ugu mahadnaqay weftiga UNICEF kuna soo dhaweeyey Dekeda Berbera waxaan ka mid ahaa hadaladii maareeyaha “Waxaan aad idiinka kaga mahadnaqaa mashruuca biyaha ee aad fuliseen ilaa saakana heegan baanu idiinku jirnay waxaanu ku hawlanayn soo dhaweyntiina taasina waxay keenay waxqabadkiina iyo ka shaqeynta horumarka Berbera waxaan leeyahay UNICEF mashruucan waanu idiinka mahadaqaynaa”

Waxay socod ku mareen isla markaana Maareeyuhu tustusay Marsada Dekeda Berbera oo waxbixin kasiiyey kadibna madaxda Magaalada iyo weftigu waxayq ado sharaf ku yeehseen Hotel maansoor Berbera isla markaana weftigu way anbabexeen.

Inta Lagu Jiro MAshruucan waxa la dayactiri doonaa 500 mitir oo Beebka Ceelasha u kala gudba ah iyo 11 Km oo ah Beebka la badelay ee Berbera taga, Xaafadaha Burco sheikh iyo jaamalaaye oo laga sameyn doono sedex gobo biyood oo cusub oo beeb cusub u qaadayo biyaha mashruucan waxa uu socday labo bilood wuxuu socon doonaa ilaa lix bilood.

__

Source: Qaran News





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp