Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

138 Arday Oo Ah Dufcadii 7-aad Ee Ka Qalin-jabisa Jaamacadda Camuud Ee Gobolka Awdal Oo Maanta Shahaadooyin La Guddoonsiiyay
August 21, 2008

          


138 Arday oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Camuud ee Magaaladda Boorama ayaa maanta Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Xaflad lagu qabtay Xarunta Jaamacadda. Isla markaana dufcadan oo ah tii todobaad ee ka qalin-jabisa Camuud ayaa wax ka bartay Kuliyadaha Caafimaadka, Beeraha, Ganacsiga iyo Waxbarashada.

Munaasibad qalin-jabinta Ardaydan loo sameeyay oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Camuud ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha iyo Wasiirul dowlaha wasaarada Waxbarashada,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Guddoomiyaha Academiyada Nabada iyo Horumarka,Guddoomiyaha Jaamacada Burco, Maayarka Magaalada Borama, Badhasaabka Gobolka Awdal,Wariye Axmed Xasan Cowke , Hayadaha Caalamiga ah ee European Commission iyo African Education Trust, Hayada Progressio, qurbo jog , salaadiin, Culimo, waalidiin iyo dadwayne kale.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan X.Maxamuud Warsame oo munaasibadan ka hadlay ayaa tilmaamay inay maanta farxad wayn u tahay jaamacada Camuud iyo bahda waxbarashada ee dalka, waxana uu xusay in ardayda ka qalinjabisay maanta jaamicada Camuud ay qayb ka tahay qorshayaasha ay dowladu ugu talo gashay waxbarashada.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Md.Aadan Axmed oo munaasibadan ka hadlay ayaa markale u mahadnaqay kuliyada Beeraha Jaamacada Camuud, waxana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ardaydan ka qalinjabisay kuliyada oo ay ku jiraan 7 gabdhood oo uu tilmaamay inay yihiin ee dalka wax ku barta ee barta arrimaha beeraha , waxana uu balan qaaday inay shaqooyin deg deg u raadin doonaan.
Sidoo kale wasiirka wasaarada Caafimaadka Md.Cabdi Haybe oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay ardayda qalinjabisay iyo maamulka jaamacada Camuud.

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo munaasibadan hadal taariikhi ah ka jeediyay ayaa ka waramay taariikhda ku duugan tobonkaasi sano ee la soo maray waxa uu tilmaamay inay taariikhdani tahay mid aanan sinaba loo iloobayn intii ka qayb qaadatay aasaaska jaamacada Camuudna ay yihiin kuwo mudan in loo mahad naqo.
Waxaa kale oo uu tilmaamay professor ku in aasaaskii jaamacada intii ay ku howlanaayeen ay soo mareen dhacdooyin mararka qaar hakad galin karayay fikirka ay wataan waxana isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yidhi “waxaa la kulanay mid ka ah dadkii deganaa Borama wakhtigaasoo aanu ka doonaynay in taageero ka gaysto jaamacada waxana uu nagu yidhi oo jaamacadi miyaanay tii aan ogaa ahayn markii aan waydiinay tii uu yaqaanayna waxa uu na yidhi jaamacadi miyaanay tii dabaqyada dhaadheer ee aan Abu dubay ku arkay lahayd ahayd,….

Isagoo hadalkisii sii wata oo dhoola cadaynaya ayaa waxa uu yidhi tobonsano ka dib dabaqii ugu horeeyey ayaynu maanta dhisanayna waxana mahada iska leh Rod Hicks o oa ka tirsay hayada ET.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay in mudadaasi 10 sanadood ah ay awooda iskugu geeyeen lix kuliyadood oo shaqeeya oo ay maanta ugu fac fac roon yihiin labadii ugu dambeeyey oo ah kuliyadaha beeraha iyo Caafimaadka.

Xafladan oo ay maanta ka qalinjabinaysay 138 Arday ayaa waxaa 34 ka mid ahi ay ka qalinjabiyeen kuliyada Beeraha, 23 ka mid ahina ay ka qalinjabiyeen kuliyada Maamulka iyo Maaraynta, halka 81 ka kale oo ay 9 sagaan ka mid ahi yihin ardayda Degree ah iyo 72 Diploma ahi ay ka qalinjabiyeen kuliyada Waxbarashada.

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu xusay in mudadaasi 10 sanadood ah ay sameeyeen xidhiidho caalami ah iyo kuwo gudoba waxana uu yidhi oo ay ka mid yihiin jaamacada Geeska Africa iyo jaamacada oo dhan.

Gudoomiyuhu waxa uu si gaar ugu mahad naqay hayada European Commission oo uu tilmamaay in madaxa hayadaas Dr.Mansred uu yahay saaxiib si joogto ah ugu xidhan jaamacada Camuud, sidoo kale waxa uu tilmaamay in Dr.Rod hick oo ka socda hayada AET iyo Dr.Aadan oo ka socda hayada Progresio ay yihiin hayado 10 kaasi sano ee la soo dhaafay hiil iyo hooba la garab joogay Jaamacada Camuud.

Gudoomiyuhu mar uu ka waramayay xidhiidhka ka dhexeeya Jaamacada iyo xukuumada ayaa waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay wasiirka wasaarada Waxbarashada uu tilmaamay in mudadii uu xilka hayay ay u suurto gashay jaamacadu inay fuliso mashaariic dhinaca waxbarashada ah oo dalka oo dhan ku baahsan.
Waxa uu xusay in wasiirka wasaarada beeruhuna uu yahay shaqsiyad garab wayn ka gaysatay inay kuliyada Beeruhu howlaheeda gudato.

Mar uu ka waramayay xidhiidhka dhexeeya jaamacada iyo dadwaynaha reer Awdal ayaa waxa uu tilmaamay inuu u mahad naqayo shirkada Shaba iyo dowlada Hoose oo labadooduba miisaaniyad kab ah ugu deeqay jaamacida.

Daahir Aw Cilmi oo ah Gudoomiyaha Golaha sare ee Jaamacada ayaa ugu horeyntiiba hadal mahadnaq ah halkaasi ka jeediyay isla markaana la dardaarmay ardayda qalinjabinaysa isagoo farta ugu fiiqay mudanayaashii Ajaanibka ahaa ee madasha fadhiyay isla markaana ku yidhi “ku dayda inay dadkiina wax u qabtaan ayay dalal shisheeye uga yimaadeen idinkuna ku dhiirada inaydaan waxqabadka dadkiina ka daalin.

Sidoo kale waxa uu xusay in qurba jooga reer Somaliland gaar ahaan ka reer Awdal ay yihiin dad jaamacada ka soo saaray wakhti adag ilaa maantaba u heelan inay garab siiyaan.

Gudoomiyuhu waxa uu maanta si balaadhan ugu dhawaaqay ardayda qalinjabinaysa sifooyinkii ay ku qalinjabiyeen waxaa uuna taxay qodob tiro badan oo ku jira dastuurka Somaliland iyo shuruucda jaamicada oo u ogolaaday ardaydan inay qalinjabiyaan isagoo ka waramaya waxa uu yidhi “Ka dib sharciyadaasi dastuuriga ah ee aan soo sheegay markii aan arkay warqada uu 17 bishan ii soo gudbiyay diiwan galiyaha jaamacada Camuud waxa aan ka marag kacayna in ardayda tiradoodu ay dhan tahay 138 maanta ina horjooga ay sifo sharci ah ku qaateen Degree iyo Diploma waxii ay baranayeen.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in jaamacida Camuud ay kaga fiican tahay ta Hargeysa ku xidhnaashaha Bulshada wada shaqaynta ay leeyihiin, waxaa kale oo uu cadeeyey in Xisbiga Ucid hadii ay ku guulaystaan doorashada Madaxtooyada in xaga dhaqaalaha Miisaniyada 20% ay ugu dari doonaan xaga waxbarashada, halka 20% kaleba ay ugu dari doonaan Caafimaadka, waxuuna kula dardaarmay ardayda ka qalinjabisay maanta jaamicada Camuud inay aqoobtooda uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dalkoodaba.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay wariye Axmed Xasan Cowke oo ka tirsan wariyeyaasha heerka Caalami ah waxuuna ka soo sheekeeyey in wakhtigii ay camuud Secondary ahayd uu wax ka dhigan jiray in kastoo uu tilmaamay in wakhtigaasi uu niman cadaan ah ay macalimiin ka ahaayeen halka Prof Saleebaan ooo kaliya uu Somali ka ahaa waxana Secondary ka horna aan ka baxay ayuu yidhi Intermediate Camuudeen , noloshayda oo dhan waxa lagu tilmaami karaa Camuud inkastoo reer Wajaale ahaa.

Waxaa kale oo uu xusay in madadii shanta maalmood ee uu Borama joogay uu sugayay qalinjabinta sida uu uga qayb gali lahaa waxuuna farta ku fiiqay inuu ku faraxsan yahay meeshii uu lixdankii ka hore uu dugsigii, dhexe iyo kii sareba uu ka dhigan yahay uu maanta la kowsado uu intaasi ka sano ka soo wareegtay in jaamacida Camuud lagu tilmaamo waxaan u hambalyaynayaa dhalinyarada tirada badan ee Gabdhaha iyo wiilasha leh ee maanta ka qalinjabinaya waana arrinta taariikh iyo magaca u yeelaysa dalka Somaliland iyo xukuumadiisaba.

Balse Cowke intii hore dadku may garanaynin halka markii uu khudbada bilaabay kuwii dibada iyo gudaha joogay ay sawaxan iyo qaylo mar kaliya ku dhawaaqeen mar kaliya waa cowke , iyadoo sacab iyo sawaxan lagu soo dhaweeyey taasina ay dhiiri iyo Maamuusba u yeeshay jaamacada Camuud oo ku martiqaaday kulankaasi qalinjabinta iyo sanadguurada ah.

__

Source: Hadhwanaag News




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp