Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Madaxweyne Rayaale Oo Ka Door Biday Inuu Ka Qeybgalo Qalin Jabinta Jaamacada Hargeysa inuu Macalimiin Shahaadooyin Gudoonsiiyo
August 20, 2008


Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta ka qayb galay xaflad loo sameeyey macalimiin ka qalin jabisay jaamacadaha dalka oo dhamaysatay laba sanadood oo tababar macalinimo ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee Magaalada Hargeysa. Isla markaana waxa uu Rayaale halkaasi shahaadooyin ku gudoonsiiyey Shantii ardey ee Ugu sareeyey shan Jaamacadood ee dhisan dalka .

Munaasibadan waxa ka soo qeybgalay Wasiirada Arrimaha gudaha, Duulista iyo hawada, Hawlaha guud, Macdanta iyo Biyaha, xildhibaano labada Gole Barlamaan [Guurtida Iyo Wakiillada], qaar ka mida qurba-jooga Somaliland, hay’adaho kala duwan, Masuuliyiin kale iyo marti sharaf badan, waxaana Xafladan soo qabanqaabisay Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo uu hormood ka yahay Wasiirka Wasaaradaasi.

Madaxweynaha Somaliland. Md. Daahir Rayaale Kaahin oo Halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay xafladan Qiimaha leh ee muddada sanadaha ah soo socotay, run ahaantii waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa dhamaan inta wasaaradu u soo jeedisay ee kala shaqaysay, hay’addaha kala shaqeeyay.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan is-leeyahay run ahaantii in Macalinka la tababaraa ay tahay aasaaska waxbarashada haddaanu tabobar lahayn Dugsiyadu waxay noqonayaan meelo la tago oo laga soo noqdo oo Ardaygii oon wax baran ka soo noqonayo,”

“Madaxweyne ahaan barnaamijkan anigu ma moogi wasaaraddu kolba halka wax marayaan way ila socodsiinaysay, waxaa jirtay siyaasadiisa markaanu isla eegnay in Koolaj la furo oo Gobollada dadka inta laga soo uruuriyaa oo, lagu xareeyaa faa’iido aanay lahayn, waxaananu u aragay Macalin, Buug, iyo fasal in halka ay yaallaan ay yihiin Jaamacadaha, taasina ay keentay in tabobarada ay ku qaataan Jaamacadaha gudahooda,”ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

“Ardayguna meesha ugu haboon ee uu wax ku baran karaan ay jaamacadaas tahay. Iyo mida labaad oo ah in Jaamacadaha laftooda lagu xoojiyo oo aanay dhexda ka jabin, aad baan ugu faraxsanahay natiijada ka soo baxday,”ayuu intaasi raaciyey hadalkiisa.

Md. Rayaale waxa uu balanqaaday in shaqo la siindoono dhamaan Hablihii ka soo qalinjabiyey Jaamacada, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanan aad u taageer-sanahay in gabdhaha xoogga la saaro, waxaanan ballan qaadayaa in gabdhaha ka soo baxay ay dhamaantood wasaaradu shaqo siiso.”

Madaxweynaha Somaliland Mar uu ka hadlayey waxa ay Xukuummad ahaan ka yeelayaan Manhajka Waxbarashada ee dalka u yaala waxa uu yidhi “Dugsiyadda gaarka ah bay inta badan macalimiintu tagaan siyaasada aanu dawlad ahaan wasaaradda isku ognahay waxa weeye in dugsiyada gaarka ahi haddii ay ku shaqayn waayaan manhajka dalka u yaala aan la aqoonsan doonin shahaadada ay bixinayaan, waa in Manhajka waxbarashada ay ku shaqeeyaan oo aanay meeshu noqon meel ganacsi loo furto, mid kastaana aanu odhanin shahaado ayaan bixiyay berrina tayadu halkaa ku xumaan.”

Md. Rayaale waxa uu ku dooday, isla markaana sheegay in dadku ka warqabaan in dowladdu Resource badan oo ay macalimiinta siisaa inaanu jirin,

“Meelo badan baan tegey oo aan kala hadlay sida EU-da oo kale sidii ay macalinka gacan uga gaysan lahaayeen dhaqaalihiisa, waana arrin taalla oo u baahan in la iska kaashado Waalidka, Xukuumada iyo hay’adaha deeqaha bixiyayaasha ah sidii ay suurto gal u noqon lahayd in macalinku dhaqaalle ku filan helo oo uu tuullo kasta wax ka dhigi karo, waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa jaamacadihii ardayda tabobarka siiyay waxaanan leeyahay dadaalkiina halkaa ka sii wada xukuumadduna way idinku garab taagan tahay,”ayuu yidhi president Rayaale.

Madaxweynaha Somaliland waxa hoosta ka xariiqay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada macalinka oo uu gudbin karo waxa uu bartay.

“Waxaanan aaminsanahay haddii barnaamij la sameeyo in guul laga gaadhi karo, wasaaradaha kale waxaan kula talinayaa in hay’adaha la shaqeeya ay sida wasaaradan oo kale ka faa’iidaystaan.” Ayuu yidhi Rayaale.

Madaxweynaha Somaliland waxa sababeeyey sababtaa uu markasta ugu noqnoqdo Wasaarada Waxbarashada, ee uu u tagi-waayey Qalinjabinaha Jaamacadaha dalka, waxaanu yidhi “Wasaaradda waxbarashada markasta waan imaadaa, waxaana laga yaabaa inaanan baryahan danbe jaamacadaha tegin, oo waxa la is weydiin karo madaxweynuhu muxuu jaamacadaha u tegi waayay?, oo ahayd inaan tago. Halkaa waxayaabahaan u tegi waayay ee aan ku diiday inay tahay in jaamacaduhu yihiin meelo siyaasada ka reeban, waxaanay hadda noqdeen meel xisbiyaddu hadda ku yooyootameen oo siyaasada lala yimaado”

Mar uu madaxweynuhu la hadlayey Gudoomiyayaasha Jaamacadaha waxa uu yidhi “Waxaan kula talinayaa madaxda jaamacadaha inay ka ilaaliyaan, wey ku Marti qaadi karaan Xisbiyadda laakiin kaliya ay ku Marti qaadaan inta Tacliinta ka hadlaysa. Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”

Intaa Ka Dibna Waxa uu Madaxweynuhu dadkii Mutaystay Gudoonsiiyay Shahaadooyinka.

Madaxweynaha ka hor waxa isna halkaasi ka ahadlay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada Cali Cabdi Odowaa oo ka waramay u jeedada xafladdan ay u sameeyey, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne waxaan aad iyo aad kuugu mahad naqayaa sida qiimaha leh ee aad wakhtiga noogu siisay inaad nagala soo qayb gasho xafladan qiimaha leh ee ku waajahan 2000 oo macalin oo dhamaystay tababarkoodi iyo 1500 oo macalin oo kale oo galaya tababar cusub oo laba sano ah.”

Waxa kale oo uu intaa hadalkiisa ku daray,“Madaxweyne 2000 ee dhamaystay tababarkani macalinimo waa wajigii hore ee mashruuca 1500 ee kalena waa wajigii labaad ee mashruuca, mashruucaas oo magiciisa la yidhaa SCOTT ahna mashruuca xoojinta tababarka macalimiinta waxana inaga caawiyey EEC-da, Mudane Madaxweyne gacan weyn waxa ka geystay ninka magiciisa la yidhaa Dr. Manaxeip oo maanta halkan inala fadhiya.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadu isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne mashruucan fulintiisa waxa ku bahoobay shan hay’adood kuwaas oo kala ah Save the Children Uk, Save the Children Denmark, Care international, WFP, NRC, kuwaas oo meel isugu geeyey kharashka tababarka macalimiinta lana baxay (Consolation group. Tirada loo qoondeeyey mashruucan labadiisa waji waxa uu dhan yahay 3500 oo macalin oo ah kuwa primary schoolka wax ka dhiga, markaa iyana waxa jira macalimiin kale oo algu tababarayo Camuud oo ah kuwa wax ka dhiga dugsiyada sare (Secondary Schools), waxa jira macalimiin Graduate ah oo ka soo baxay kulliyadda Lafoole oo wax ka dhiga Dugsiyada sare iyo Jaamacadahaba.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Madaxweyne macalimiinta Scott waxay waxay tababarka ku qaataan afar jaamacadood oo kala ah Hargeysa University, Camuud University, Golis University, iyo Burco University”

isagoo Agaasimuhu ka waramaya natiijadii imtixaanka ee 2000 ee macalin ay u fadhiisteen oo soo baxday waxa uu yidhi “Madaxweyne natiijadii Imtixaankii laga qaaday macalimiitaas waxa baas-gareeyey 82.5% waxa ku noqon doona 17.5% oo haysta wali fursad mar labaad, madaxweyne xuskan maanta waxay Wasaaraddu u samaysay dhiiri-gelin sababtoo ah weli ma dhicin 2000 o macalin oo mar qudha wada qalin jabiyey.”

Waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasan-Gadhweyne] oo faahfaahin ka bixiyey dedaalka ay Wasaaradu ugu jirto sidii u horumarin lahayd tayada Waxbarashada, iyo weliba taabo-gelinta tacliinta waxaanu sheegay in wasaaraddu mar walba dadaal ugu jirto hawlaha waqabad iyo horumarineed ee waxbarashada, tan maantuna ay tahay halkii salka u ahayd haddaan Macalinka tabobar la siinina aanay jiri lahayn tarbiyad iyo horumar waxbarasho oo ardaygu ku tallaabsado.

__

Source: Hadhwanaag News







 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp