Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Lama Tartamayo Axmed-Siilaanyo, Balse Waxaan Doonayaa in aan Nasiyo’
August 19, 2008

Xildhibaan Maxamed Cali oo faahfaahiyey sababaha ku kellifay murrashaxnimada Madaxweynaha KULMIYE dhexdiisa

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyey sababaha ku kellifay inuu waqtigan isu sharraxo jagada Madaxweynimada xisbiga KULMIYE dhexdiisa uga qaybgeli doona tartanka doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Shir-jaraa’id oo Md. Maxamed Cali Xirsi ku qabtay shalay xarunta Golaha Wakiillada ee magaalada Hargeysa, waxa uu ku sheegay in aanay ujeeddadiisu ahayn mid uu kula tartamayo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), balse yahay qorshe ku doonayo inuu ku nasiyo, maadaama uu waqti dheer ku soo jiray hawlaha siyaasadda, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay soo baxaan siyaasiyiin cusub.

“Lama tartamayo Axmed-Siilaanyo, balse waxaan doonayaa inaan nasiyo, waayo muddo badan ayuu siyaasadda ku soo dhex jiray, waxana loo baahan yahay in la helo siyaasiyiin da’yar oo ku soo biira masraxa siyaasadda Somaliland,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali.

Xildhibaan Maxamed Cali oo ay ka muuqatay kalsooni weyn, waxa uu shirkaa jaraa’id ka akhriyey qoraal kooban oo uu ku soo bandhigay waxyaabaha ku dhaliyey inuu ku dhawaaqo murrashaxnimadiisa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE gudihiisa uga qaybgeli doona tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto horraanta bisha March ee sannadka 2009.

Qoraalkaas oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:

“Ugu horreyn waxaan jecelahay inaan halkan ka salaamo dhammaan dadweynaha reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba.

Mar labaad waxaan halkan ummadda uga sheegayaa ama uga xaqiijinayaa in aan ahay musharrax jagada madaxweyne, kana dhex tartamaya xisbiga KULMIYE.

Sidaa waxa ina farayaa dumuqraadiyadda ka ha-naqaaday dalkeenna, iyada oo qofku la dooran karo isna wax dooran karo sida xusan qodobka 22aad Dastuurka Qaranka.

Haddii aan in yar ka taabto asbaabihii igu kellifay in aan isa soo sharraxo waxa ka mid ah:

Markaan arkay: soo jeedimo badan oo igaga yimi bulshdada qaybaheeda kala duwan, dhallinyaro, culumaa’udiin, siyaasiyiin, waxgarad iwm.

Markaan arkay: xaaladda siyaasadeed, dhaqaale bulsho ee dalku ku jiro iyo hoggaaminta guud ee dalka.

Markaan arkay: in xisbiyada siyaasaddu u baahan yihiin wejiyo cusub oo wata barnaamijyo siyaasadeed oo la jaanqaadaysa sida axsaabta dunida xorta ah.

Markaan u arkay: in loo baahay yahay in la dardargeliyo soo nooleynta rajadii shacbigu ka qabeen xisbiyada mucaaridka ah.

Markaan tixgeliyey: aragtida rayal-caamka ee bulshada Somaliland in ay indhaha ku hayso in isbeddel siyaasadeed oo u sameeya nolol cusub.

Markaan garwaaqsaday: baahida loo qabo murrashaxiin da’yar oo bulshada u horseeda horumar iyo badhaadhe:

Waxay ila noqotay in xisbigayga ay ugu badinayso musharraxnimadayda.

Waxay ila noqotay in dhammi reer Somaliland ay u tahay guul in la helo wejiyo cusub oo la jaanqaadi kara adduunyadan xawaaraha ku socota.”

Intaa kadib su’aalo tiro badan oo suxufiyiintu ka weydiiyeen dhinacyo kala duwan iyo jawaabihii Md. Maxamed Cali Xirsi ka bixiyey waxa ka mid ahaa:

Su’aal: Xildhibaan xisbigan waxa ka sharraxan nin culus oo siyaasi iyo halgamaa ah, isla markaana aasaasayaashii xisbiga ka mida ahaa, haddabna rajo intee le’eg ayaad ka qabtaa inaad u babacdhigto, se ma ku qanci doontaa xulista murasharaxiinta uu xulayo Golaha Dhexe?

Jawaab: Waa oggol yahay in aan la tartamayo nin aad u awood weyn oo miisaan leh, anigu odhan mayo waan la tartamayaa, laakiinse anigu waxaan leeyahay waan nasinayaa, wixii Golaha Dhexena soo saarana waan ku qanci doonaa.

S: Waxaad tahay siyaasi da’yar, dhawaana Golaha Wakiillada ku soo biiray, inta badanna aan dalka joogin, markaa dad badan baa aamainsan ololaha aad wado inuu ka dambeeyo xisbiga UDUB si uu meesha uga saaro hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE?

J: Horta arrintaa waxba kama jiraan, UDUB-na iyo UCID-toona imay soo dirin in aan murashax noqdo ee hamigaygaaa ah, waxa xisbi horumarin karo hoggaamiye da’yar oo firfircoon fahansana marxaladda dalku ku jiro.

S: Waxa lagugu tiriyaa ragga aan in badan ka soo daahirin Golaha Wakiillada, markaa masuuliyadda taa ka weyn sideed ku qaadi kartaa?

J: Anigu dalka markaan joogo waxaan ahay qof waxqabad muuqada leh, markaan dalka dibedda ugaga maqanahayna danta dadka iyo dalkaan ka shaqeeyaa, waxaanan ka qaybqaataa ololaha qaddiyadda Somaliland

__

Source: Jamhuuriya




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp