Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Wafti Ka Socda Hay'ada World Vasion Ee Dalka Ireland Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland?
August 19, 2008


Wafti uu hogaaminaayo madax hay'ada Worl Vasion ee dalka Ireland, Mr Graham ayaa galabta booqasho ku soo gaadhay Somaliland.
Waftigan markii uu soo gaadhay madaarka caalamiga ah ee Egal Inter Airport ee magaalada Hargeysa waxa si diiran ugu soo dhaweeyey safiirka somaliland u fadhiya dalka Ireland Md Cabdifataax Siciid Axmed intaas ka dibna markii ay in yar ku nasteen ka qolka nasashadda ee Madaarka waxay u soo baqooleen dhinaca hotelka Amassador halkaana waxa waftiga hay'adda World Vasion ee dalka Ireland iyo safiirka somaliland ee dalkaas u fadhiya ku dhexmaray kulan gaaban oo ahaa soo dhawayn, waxana ugu horeynba safiirka somaliland ugu xog-waramay xaaladdihii ay somaliland soo martay iyo halka ay maanta marayso isaga oo u sheegay waftiga nabada iyo horumarka balaadhan ee ay ku talaabsatay dalkan yar ee curdin ah ee Somaliland, waxana xubnaha waftigu halkaa ugu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dalka Somaliland soo booqdaan sida fiican ee xukumada iyo shacaba.

Sida oo kale waxa isna halkaa ereyo kooban ka soo jeediyey madax hogaaminaayey waftiga Mr Graham waxayna halkaa ka sheegeen sida fiican ee xukumad iyo shacaba loogu soo dhaweeyey dalka in ay ku faraxsan yihiin, hay'ada World Vasion ee dalka Ireland ayaa ah mid u qaabilsan wadamada geeska Afrika, hayadan ayaa noqonaysa hay'adii ugu horeysay ee Ireland ah ee booqasho ku timaada somaliland tan iyo wakhtigii ay somaliland xoriyadeeda la soo noqotay sanadkii 1991-kii, waxana mudada ay joogaan kulamo kale duwan ay la yeelan doontaa masuuliyiinta sarsare ee xukumada Somaliland. hay'adan ayaa iyadu ah mid dhinacyo badan oo dalalka geeska Afrika ah ka hawl gasha Mr Graham oo ah madax waftiga hay'ada waxa uu sheegay in uu rajaynaayo in dalkan wax badan ka qaban doonaan taasna ay xukumada Somaliland kala hadli doonaan.

Imaatinka Somaliland ee hay'adan ayaa ka dambeeyey casuumad uu u soo fidiyey Amassadorka Somaliland u fadhiya dalka Ireland Md Cabdifataax Siciid Axmed, oo isagu mudo bil ah ku sugnaa dalka waftigan ayaa sida uu u xaqiijiyey Amassodor Cabdifataax waxa ay ka soo ambabexeen magaaladda Nairoobi ee dalka Kenya

__

Source: Qaran News




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp