Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Aqalka Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyey Labada Xeer Ee Shaqaalaha Rayidka Ah Iyo Xeerka Dhulka?
August 18, 2008


Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyada ku meel mariyay labada xeet ee kala ah xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo xeerka maamulka dhulka.

Fadhigan oo uu Shirgudoominayay Gudoomiyaha golaha wakiilada mudane:- Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (ciro) madashan maanta ee golaha wakiilada oo ay ka soo xaadireen 42 mudane ayaa gudoomiyaha golaha wakiiladu ku wargeliyey mudanayaasha wakiiladda cod u qaadaan labadan Xeer, waxana uu guodoomiyuhu cod galiyey xeer ka Shaqaalaha Rayidka kaas oo ay mudanayaashu cod caqlabiyad ah ku meel mariyeen waxa ogalaaday 36 mudane 4 mudane ayaa ka aamusay halka uu ka diiday 1 mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

Sida oo kale waxa xildhibaanaddu meel mariyeen xeerka dhulka Xeerkan dhulka ayaa aqalka golaha wakiiladu hore u ansixiyeen waxanay u gudbiyeen golaha guurtida sida uu sida uu sharcigu dhigayo, kuwaas oo wax ka bedel ku soo sameeyey qodobada 28-29 ee xeerkan dhulka waxa ka bedelkaas ay golaha guurtidu ay ku soo sameeyeen labadan qodob ayey mudanayaasha golaha wakiiladu ayey mid mid u ansixiyeen ka dib markii ay u arkeen in wax ka bedelka guurtidu sax yahay intaas ka dibna gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md ciro ayaa xildhibaanadda u sheegay in cod guud loo qaado xeerka, waxana ogalaaday 36 mudane halka ay ka diideen laba mudan iyaga oo ay ka aamuseen shan mudane Gudoomiyuhuna muu codayn

Sida oo kale waxa uu gudoomiyuhu u sheegay xildhibaanadda golaha in uu sidaas ku soo dhamaaday kal-fadhigii 7-aad ee golaha oo uu fasax yihiin mudanayaashu maanta laga bilaabo mudo sideed week ah si ay bisha ramadaan u gudtaan waajibaadka cibaada ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Ciro.

__

Source: Qaran News





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp