Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

KULMIYOOW SOMALILAND HA KALA GOYN - QAYBTII III
August 18, 2008


Waa qaybtii seddexaad ee jawaabtii "Galbeedoow Somaliland ha ka la Goyn." Dareenka Ibraahim Gaagaale ka bixiyey sida ay u dhacay doorashadii madaxtooyada ee bishii April 14, 2003, ma aha mid kelidii ku kooban ma aha e waa mid dhammaan ay ka simanyihiin, waxana ka markhaati ah in bishii Juun 9, 2003 markii Axmed Siiraanyo yimid, shir doceedkii u horeeyey su'aashii shirka in badan lagaga doodey waxay ahayd: "Axmedoow madaxtinimadaadi waxa is hortaagay codkii beesha heblaayo ee Hargeysa!?" Dareenka noocan ihi wa mid ilaa maanta la aaminsayahay waana arrin xaqiiqada aad uga fog; jawaabteedna waxa la arkidoona marka Xaaji Axmed oo madaxtinimo doonayaa Hargeysa iyo Gobollada Galbeed hor yimaado. Maalintaas ayaa lagala xisaabtamiye dadka sida Ibrahim Gaagaale aaminsani samir ha u yeeshaan. Dakda ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed, Galbeedka, Waqooyiga, iyo Gobolka Gabiley ee shan iyo labaatan sannadood degta ku sida Xaajiga mardambe codkooda ku shubimaayaan god madow iyo Xisbi lahaanshihiisii reer isasiiyey. Xisbiga Kulmiye lafdhabarta taageeradiisu waa deegaanadaa an hore u soo sheegay. Gebi ahaan dalka meel cod intaa le'eg Kulmiye ka soo hoyn karaa ma jirtaa? Jawaabtu waa maya. Ibraahim aar-boodoow ogsoonow jiritaanka Kulmiye waxa inaga xigta inta doorashada ka hadhsan. Ku tala gal ballantu waa inoo doorashada madaxtooyada markaas ayaad ogaandoontaa in Gobollada Galbeedku Xaajiga hagradeen iyo in kale.

GAAGAALE SHEEKADA HADDAAN GUN UGA FAALOODO WAXA LAABTA KAA GUBAY XUMAAN AAN LA GARANAYNE WIXII AAN GARGAARIYO WANAAG KUGU GUNAYNAAYAY GUUTOOYIN HEEGANA RAGAY GAAJO KARIWAYDAY GAASHAAN BIRIYO WIILASHII GAADHKA HORE JIIFAY GABAL DHACIYO WAAGABA RAGII JOOGAY GARABKAAGA GAAWAHA WIXII AAN U CULAY WAA LA GEES MARAYE DEEQDII GALBEED IYO ADAA GABAY ABAALKIIYE GALBISYADA SULDAANADA MARKUU GOLAHA KEENAAYAY EE UU IBLAYSKA U GALEE GACANTA SAARAAYAY MUU GARANIN XAAJIGU HALKII GOBO'DU AY TIIL E ADDUUNBAA GADAAL EEGAYEE LOOGA KALA GUURIYE GEEDIGA WAXAA LOO LALABAY GURI BARWAAQAADE ISKA GAABSO XAAJADAN HORAA LOO GUDOONSADAYE

16: Samir, dulqaad, iyo saan adag nimaan lahayn inuu siyaasad ka dhex botoriyaa meesha ma taal. Gobollada Galbeed xukun ay isku dhejinayaan oo isasiiyeen majirto. Dowladnimada iyo xukunka dalka waa loo simanyahay cid la duudsiyeyna haba sheegin sidaan hire usoo sheegay. Jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland waxa difaac adag u ah ciidanka Qaranka oo isugu dhaffan lixda gobol ee dalka; goorma ayaa difaacii dalka Bari ku keliyeystey. Derbiga soomadaaye ninkan waardiyaha ka ahoow intaad dumis, dhinacna uga joogso juujwama'juujka iyo cadowga soo qamaamaya. Nin duda iyo mid Somaliland samir u yeelanwaayoow halkaad wax ku ogtahay jidka loo maro iyo toobiyaha halabso. Dadweynaha Gobollada Barigu dalkooda iyo dowladoodba wey ku kalsoonyihiin, ninkiise balaayo kale u gawaameysaa fallaadhaha qoraxda ha soo taabto. Xiligii Beelbaa dudeysa ama hebelbaa wax derdereya la isku maaweelinjirey geedi dheer ayeynu ka soo hayaanaye yaan dib wax loo gocan.

17: Haddaan la is inkirahayn, waxa gef qaranimada Somaliland la barbar dhigo Afrikada xukun jacaylku ragaadiyey ee cid kala furdaamisa la la'yahay. Maalintii Allah ha u naxariiste Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal geeriyoodey distoorkii dalku siduu dhigayey ayaa la raacay. Adduunweynihii waxay ku noqotay fajac iyo mucjiso aan Afrika hore u soo marin. Maanta oo taariikhdaa lix sannadood ka soo wareegtey ninka burbur iyo balaayo saadaalinayaa badda haka cabo. Magaalada Hargeysa ee Ibrahim sida gaarka ah fart ugu fiiqayaa ma geydo hadal uu ka dhawaajiyey, Xisbiga aad u ololaynaysana taageerada uu dalka ku leeyahay 40% wuxu ka helay Gobolka Maroodijeex. Shanta Gobol ee kale midna taageero ta Hargeysa u dhiganta kama soo hoyn.

Hadaba hadday Hargeysi noqotay hoyga kelitalisnimada, ogsoonow in Kulmiye lumiyey taageeradaasi intii ka dambeysey Shir Beeleedki lagu qabtay Ambassador Hotel Bishii March 29-31, 2008. Kooxdii isbedeldoonku maxay shirweynihii xisbiga kulmiye ku tilmaameen? Waxay ku tilmaaneen in ay madashii shirku isu bedeshey beelaysi qawaan markii ay caddaatay in jagooyinkii lambaro lagu bedeley mudnaanta siinaya beelaha, sida kaalinta koowaad= Beel Heblaay; kaalinta labaad= Beel hebla; kaalinta sedexaad= beel hebla iwm. Waxana nidaamka dalka ugubka ku ah laga soo xigtay sidii mustacmarka Franciisku kula dhaqmi jirey dalka Jabuuti!

18: Hal yar oo tusaala ah an ka idhaahdo doorashadii April 14, 2003. Taageero iyo codbixin markay noqoto, gebi ahaan Gobollada Galbeedku si hagar la'aan ah oo gobonimo leh ayey Xaajiga ugu xaqsooreen. Reer Galbeed si Allah ogyahay ayey odeyga ugu loogeen. Xaqiiqadu waxay tahay: BARIBAAN SI FIICAN DUQA LOOGA SOORYEYN! Waxan uga socdaa Bal hada isbarbar dhig Bari iyo Galbeed midkasta codkii Xisbiga Kulmiye uga soo hoydey doorashadii madaxtooyada:

Galbeed
Hargeysa: 81,585
Saaxil : 10,271
Awdal : 16,607
Wadar : 108,463 108,463/205,515 = 52.78%

Bari
Togdheer : 63,506
Sanaag : 27,830
Sool : 5,524
Wadar : 97,5260 97,052/205,515 = 47.22%
Codki doorashadii Golaha Wakiiladuna waa sida oo socota:
Gobollada Galbeed: 135,073/228,328= 59.16%
Gobollada Bari : 93,255/228,328 = 40.84%

Walaalkeen Ibraahim Aar-Boode ha ogsoonaado in jiritaanka xisbiga Kulmiye ay ku dhisantahay taageerada Gobollada Maroodi Jeex iyo Gabiley. Dadka codka bixinayaa Xisbi iyo shakhsi midna uma rahmana e hadba halka ay dantoodu ku jirto ayey ku tashandoonaan. Shalay halkii lagu hungoobay dib loogu noqon maayo. Wadankuna seddex nin iyo seddex xisbi oy boorsooyin ay ku sitaan u afduubnaanmaay. Maxaa isdaba mariyey doorashooyinkii deegaanada iyo tii madaxtooyada? Waxa la isu weydaarshey seddexda Guddoomiye ee seddexda xisbi qaran ayaa heshiis ku galay in ay dalka kooto ku heystaan. Kootadii adhiga loogu xidhay maal qabeenka Sucuudiga ah ee Saleebaan Al-Jaabiri cawaaqibkeedii sow ma aragno halka uu marayo. Kooto siyaasadeed iyo mid ganacsitoona dalkani uma baahana e ummaddu aayeheeda haka tashato. Haddii loo xisaabtamo sida Gaagaale, ogsoonoow laba nin oo reer Galbeed ah aya tartanka ku jirey. Faisal Cali Faarax oo reer Hargeysa ah miyaan Siiraanyo laga hormarin, halkay xisaabtu kaa dhaaftay. Sidaad nin Bariyoow u hadleyso, macneheedu waxa weeye taageeradii Gobollada Galbeed Axmed Siiraanyo siiyeen sow tacab khasaar ma aha?

19: Gunt iyo Gebo gebadii, haddii inuun meesha libin laga soo hoyn lahaa, Gaagaaloow miyaan Xaajiga ilmaadeeradii sutida u qaban oon hadh cad codkii beesha sidaad ogtahay wado cad looga marin? Waar miyaan Maxamed Kaahin oo gaadhigii Siiraanyo watta Caynaba dusheeda lagaga dejin? Magaalada Burco miyaaney Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Gaal gacanta isula tegin? Ta kale ee ka sii daran xiligii ololaha wixii adduun xisbiga ganacsatada iyo jaaliyadaha debedu ugu deeqeen ma ogtahay in aan haba yaraate hal shilin looga loogin Gobollada Galbeedka. Waar nin yohow adigaa iska bowbowlehe, bal is hubso qashinka aad kor fadhido haddii daboolka laga qaado nafluhuba wuu le'ane. Sheekado bari iyo galbeed ma joogta ee runta ha la isu sheeg:

DALKA HADDI LA DOONAYO INUU HORE USOCDO SEDDEXDA HOGGAAN EE XISBIYADA QARANKA HA LA BEDELO; HOGGAN CUSUB OO HANAN KARA KALSOONIDA UMMADA DALKANA BADBAADIYA. RAGGII SHALAY FASHILMAY MAANTA GUUL MAY SOO HOYNAYAAN. HADII TAA LA WAAYO WAA RIYAALE IYO MAAMULKIISA OO SHAN SANNADOOD OO DAMBE INA HOR FADHIYA.

Dhammaad,
Rashwaan Y. Muxumed
Rashwaan1967@yahoo.com



 


KULMIYOOW SOMALILAND HA KALA GOYN - QAYBTII  I

KULMIYOOW SOMALILAND HA KALA GOYN - QAYBTII  II




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp