Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Xafiiska Isku Xidhka Telefoonada Somaliland Oo La Isku Haysto
August 17, 2008


Eng: Cali Ibraahim Axmed (Ardaale) oo gacanta ku hayay hirgelinta mashruuca isku xidhka shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo shirkada INTERCELL ay maal-gelinayso ayaa ku eedeeyay madaxa xafiiska shirkadaasi ee Hargeysa Cabdiraxmaan Ibraahim Waaberi inuu doonayo qaab aan sharci ahayn oo qarsoodiya inuu ugu tagri falo qaybo ka mid ah qalabka isku xidhka Is-gaadhsiinta.

Eng. Cali oo wargeyska Ogaal la soo xidhiidhay waxa uu sheegay in mudooyinkii ugu danbeeyay-ba uu hortaagnaa in shirkadaha Isgaadhsiinta laga iibiyo qaar ka mid ah qalabka Shirkadaasi doonaysay inay ku fuliso isku xidhka isgaadhsiinta dalka. isla-markaana muranka arrintaa ka aloosani uu keenay in Sadex Quful lagu xidho Xafiiska Shirkada oo ku yaala xarunta wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta.

Eng: Ardaale waxa uu sheegay in Xafiiska shirkadan INTERCELL oo mashruuca isku xidhka Isgaadhsiinta gudaha iyo hawl-gelinta nidaamka Isgaadhsiineed ee Caalamiga ah (International Gageway) ay ku wareejisay Shirkada TDI oo Xukuumadda Somaliland hore heshiis ugula gashay uu ku kacayay lacag lagu qiimeeyay saddex Milyan oo Doollar ($3,000,000) oo ay bixinaysay Shirkada TDI oo faa’iidada Mashruucaa ka soo baxda heli lahayd 35%, halka dawlada Somaliland ka bixinaysay Dhulka, Xafiisyada, Cashuur-dhaafka Qalabka iyo inay shirkadaha wadaniga ahi ku xidhnaadaan Furaha Shirkadani samaynaysay, taasoo bedalkeeda ay dawladu faa’iidada lahayd 65%.

Engineerku waxa uu sheegay in bishii August 2005-tii ay Shirkada TDI si toos ah u bilawday hawleheedii, iyadoo keentay qalab qiimihiisu dhan yahay $150,000 oo Doollarka Maraykanka ah. “Mashruucan waxa Madax ka ahaa Cabdiraxmaan Ibraahin Waaberi, Ana waxa la ii qaatay Engineerka hawlaha farsamo. Dawlada Somaliland way fulisay dhamaan shuruudihii laga rabay dhinaceeda, sidoo kale Wasaaradda Boosuhu wada-shaqayn fiican ayaa na dhex martay, Hase ahaatee, iyada oo ay hawshu meel fiican marayso ayay Wasaaradda Boostu Shirkadaha wadaniga ah ula dhaqantay si aan dhiirigelinayn, taasina waxay keentay in ay Shirkaduhu ka caga-jiidaan habkii cusbaa. TDI-na way ka gaabisay socodsiintii Mashruuca, wakhtiga oo dheeraaday awgii waxa la waayay Dhaqaale lagu sii wado, dayn badan ayaa lanagu yeeshay. Waxa la damiyay Satalaydh-kii (Satellite). Marka mashruuc shaqo iyo hawl-galo kolay waa lagu guulaystaa ama lagu khasaaraa, guul kastana tacab iyo daal ayaa ka horeeya, balse waxa markaas dhacday samir-darro uu ku kacay Masuulkii Xafiisku Cabdiraxmaan Ibraahin Waabari isaga oo iila yimi ninkii aniga iga sareeyay maamul ahaan fikir ah inaanu qalabka qaar ka iibino Shirkadaha Isgaadhsiinta ee wadaniga ah, si aanu dhaqaale uga hello ana waan ka diiday, waxaanan wargeliyay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta. Maadaama waxani Qaran khuseeyo oo ay wada leeyihiin Somaliland iyo Shirkada TDI.” Engineer Cali Ibraahin Axmed wuxuu sidaa ku sheegay qoraal xogwaran ah oo uu Wargeyska Ogaal soo gaadhsiiyay, waxaanu intaa ku daray in Masuulkii Xafiisku arrintaa darteed ku waayay shaqadiisii, laguna eedeeyay lunsi hantiyeed, isla markaasna isaga loo magacaabay Xafiiska. Isaga oo arrintaa ka sii hadlayana waxa uu yidhi, “Intaasi markay dhacday waxay Shirkadii TDI ku wareejisay Mashruuca Shirkad kale oo isla Maraykan ah oo la yidhaahdo Intercell, taas oo dawlada Somaliland 04/04/2007-dii la sexeexatay heshiis cusub, Ana Shirkadan bedashay TDI heshiis shaqo oo cusub ayaan la saxeexday waxaana arrintaa goob-joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Boostada iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Sheekh Maxamed.”

Engineerku waxa uu sheegay in haddana markaa ka dib Cabdiraxmaan dib ugu noqday Maraykan, isla markaana loo soo magacaabay Madaxa Xafiiska mar kale, iyada oo khilaafkii ka dhexeeyay labadooda la dhex-dhexaadiyay, iyada oo sida uu ku dooday Engineerku wixii ka maqnaa ee lacag ahaa lagu heshiiyay in Saami ahaan loo siiyo qaybo ka mid ah. “Markaa si aanu u dar-dargelino hawlaha Xafiiska wuxuu Cabdiraxmaan u qoray warqad Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, isaga oo ka dalbanayay Kharashaad uu Xafiisku hore u sii galay in ay Wasaaraddu bixiso oo u celiso Shirkada. Inkasta oo aan taa Wasaaradda xaq loogu lahayn oo ay hore kaalinteedii uga soo baxday sida uu dhigayo heshiiska labada dhinac. Waxa ay Wasaaraddu markaa warqad u qortay Madaxtooyada oo ay ka dalbatay in ay ka bixiso Kharash gaadhayay $60,000 oo Doollar, si loogu kiciyo Mashruuca. Taas oo aan ku hambalyaynayo Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Wasaaradda, Agaasimaha iyo Waaxyahaba in ay Xukuumaddu si sharaf iyo wadaniyad leh u bixiso lacagtaa bishii March 2008. waxaanay si toos ah ugu wareegtay lacagtaasi gacanta Cabdiraxmaan Ibraahin Waaberi. Sidoo kale waxa ay Xukuumaddu fulisay inay shirkadihii wadaniga ahaa oo ay muddo dheer ka soo shaqaynaysay iyo Shirkada Intercell isu keento, taas oo intooda badan Shirkadaha Isgaadhsiinta ku soo xidhaysa Mashruuca, inta hadhayna sababta ay dib ugu dheceen tahay dhinaca qiimaha Shirkaduhu kala qaadanayaan oo aanay ku qancin.” “Nasiib-darro arrintu marka ay halkaa marayso waxa mar labaad dhacday in Cabdiraxmaan ii yimaado isaga oo wada Shirkadaha Mashruuca ogolaaday ee saxeexay Madaxdooda qaar ka mid ah, waxaanu igu amray in aan siiyo qalab dhawaan loo keenay Xafiiska..” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Injineer Cali Ibraahin waxa uu sheegay in uu amarkaa diiday, isla markaana wakhti yar ka dib 07/08/08 ay Xafiiska ugu yimaadeen Cabdiraxmaan Ibraahin Waaberi iyo siddeed nin oo kale, kuwaas oo uu sheegay in uu ku amray Maamulihiisu in uu ku wareejiyo Furayaasha Xafiiska, hase ahaatee, uu diiday, isla markaana ay u gacan qaadeen, aakhirkiina ay Xafiiska ku xidheen Qufulo ay siteen, sidoo kale isaguna uu ku xidhay Qofulo. “Waxa saacada falkaasi igu dhacayay goob-joog ahaa Muwaadin la yidhaahdo Cabdi-naasir Ibraahin Muxumed iyo nin Waardiye ah oo la yidhaahdo Aadan Axmed Darwiish. Nimankaasi xoog ayay ii isticmaaleen oo ay Xafiiska igagala soo bexeen, waxaanay I geeyeen Saldhiga dhexe ee Booliska iyaga oo igu eedaynaya inaan la dagaalamay Askari la socday, balse aan gudahaba soo gelin ee aan dibada ugu imi. Waxaanan kiiskaa ay ii sameeyeen Saldhiga ugu xidhnaa laba maalmood.” Sidaas ayuu yidhi Injineer Cali, waxaanu sheegay markaa ka dib in uu la kulmay Madaxda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, waraaqana u qaybiyay Ciidamada Booliska waaxda baadhista dambiyada (C.I.D-da) iyo Xeer-illaalinta guud, taas oo uu sheegay in uu ku ogaysiinayay in aanu Shaqsi ahaan rejo ka qabin Xafiiskaasi, isla markaana uu doonayo in wixii hanti taala si cadaan ah uu ugu wareejiyo dawlada Somaliland, wixii xuquuq ah ee ka maqana la siiyo. Taas oo uu xusay in Madaxda Wasaaradda Boostu ay shalay ahaan la balansanaayeen inay ka wareejiyaan. Balse ay dib u yara dhacday. Ijineerku waxa uu sheegay in 14-kii bishan mar kale Maamulaha Xafiiku Askar dul keenay, isla markaana marar kala duwan uu u hanjabay. “Waxaan ka sugayaa dawlada Somaliland iyo Shacabweynaha dedaalka aan u galay badbaadinta magacooda, Sharafta iyo Milgahooda Qarannimo iyo sida ay isaga faydi doonaan ceebta iyo xumaanta lala doonayo. Waxaan Xukuumadda si sharaf iyo qadarin leh uga codsanayaa inay si dhakhso ah iiga tiriso wixii qalab hanti ah ee Xafiiskaa yaala ee dalka soo gaadhay oo aan ahaa qofkii u xilsaarnaa soo saaristooda, Rakibaadooda iyo gacan ku hayntooda illaa imika. Markaana ay ka tashato waxa ay ka yeelayso, Anigana wixii xuquuq ah ee aan yeesho ay go’aan ka gaadho sidaan u helayo.” Ayuu ku yidhi qoraalka Engineer Cali Ibraahin. Waxaana uu tilmaamay in qalabkaasi wakhtigan ku sugan yahay Xafiiska Shirkada Intercell oo ku yaala Xarunta Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, isla markaana ay ku xidhan yihiin saddex Quful oo ay ku kala xidheen Maamulaha Xafiiska Cabdiraxmaan, Qufuladii hore ee Xafiiska oo uu isagu ku xidhay iyo qaar Wasaaraddu dusha kaga sii xidhay markay ogaatay muranka taagan. “Wuu xidhan yahay Xafiisku waxaana ka masuul ah illaalintiisa guud Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.” Ayuu hadalkan qoraalka ah ku soo geba-gabeeyay Ijineer Cali Ibraahin Axmed.


 

 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp