Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Xadhiga Ka Jaray Kawaan Cusub Oo Loo Sameeyay Hiliblayaasha Gabiley
August 16, 2008


Munaasabad loogu talo galay furitaanka kawaanka cusub ayaa saaka lagu qabtay Hotel-ka Seween Gust House ee Magaalada gabiley

Munaasabadaasi oo ay ka soo qayb galeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudane c/laahi cirro, wasiiru dawlaha hawlaha guud iyo guryaynta mudane aadan ruush,badhasaabka Gobolka gabiley mudane Maxamed axmed cabdi (xabiib),Maayarka gabiley Xuseen Jameeco,Maayar ku xigeenka Gabiley marwo Khadra Xaaji Gaydh, hayadaha Caalamiga ah oo ay ka mid ahaayeen, UN Habitat, ILO, UNO, FAO,xildhibaanada Golaha Deegaanka,Cuqaasha iyo odayaasha Gobolka gabiley iyo martisharaf kale oo aad utiro badan.

Furitaankii munaasabadaasi waxaa ka hadlay wasiirka arimaha Gudaha Somaliland mudane C/laahi cirro oo aad ugu mahad naqay hayadihii gacanta ka gaysta hawshaasi kawaanka cusub ee loo sameeyay gobolka gabiley, isaga oo kula dardaarmay Hayadaha madaxa banaan in hadii ay markii hore Gabiley heer dagmo ula dhaqmi jireen inay maanta heer gobol u tixgaliyaan oo ay wixii ay gobolada ugu talogalaan ay iyana ku darsadaan.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi(maanta waxaa farxad ii ah inaan idinkala soo qayb galo xafladan furitaanka kawaanka cusub oo aniga ii ah maalintii iigu horaysay ee aan mashruuc laga fuliyay gabiley ka qayb qaato taasi oo farxad gaara ii ah markaa waxaan idin leeyahay reer gabileyoow xabaal iyo ninkeed waa loo kala tagaaye waa idinkaa idinka iyo kawaankii cusbaa waa la idiin kala tagay)

Wasiirku waxaa uu sheegay inaanu waxba ka waynayn kawaankani kawaanka hargeisa waxaana mudan in laga faa,iidayso oo la ilaaliyo nadaafadiisa wasiirku waxaa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah uu soo maray kawaankii hore ee hargeisa intii aan la dhisin kawaankii cusbaa ee hargeisa waxaana uu sheegay inay maalintaasi ugu danbaysay hilib danbe oo uu ka cunay hargeisa markii uu arkay sida uu ahaa iyo khashinka iyo wasakhda dhextaalay halkaasi.

Waxaa kale oo uu wasiirku ku dheeraada mashaariicda ay hayada UN HABITAT ka fuliso Somaliland isaga oo mahad naq balaadhan usoo jeediyay kuna booriyay inay reer gabileyna sida ay maanta ugu bilaabeen ula shaqeeyaan.

Waxaa kale oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay Badhasaabka Gobolka gabiley Mudane Maxamed axmed Xabiib waxaa uu mahad naq balaadhan usoo jeediyay hayadihii hawshaasi gacanta ka gaystay gaar ahaan UN Habitat iyo FAW oo iyadu siminaarkiina u wada hiliblayaasha.

Waxaana uu ku booriyay hayadaha caalimaga ah in looga fadhiyo wixii gobolku lahaa maadaama ay markii hore meeshu degmo ahayd maantana waa gobol.

Waxaa kale uu kula dardaarmay dadwaynaha reer gabiley inay danta guud ka wada shaqeeyaan isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi(bani aadamku marka uu wax qabsado ayay dadkuna wax uqabtaan markaa danta guud waa la inagaga horeeyaaye ee wixii la inoo sameeyo ha lawada ilaashado oo aynu usoo wada jeedsano sidii aan u ilaashan lahayn oo laga wada manaafacaadsado)

Badhasaabku waxaa kale oo uu sheegay isaga oo la hadlaya hayadaha caalamiga ah (guryo la dhisaa wax wayn maaha ee bani aadamka in la dhiso ayaa ka muhiimsan oo aqoonta laga dhiso oo xirfada laga dhiso ayaa ka muhiimsan markaa taa aynu ku dadaalno ayaan odhon lahaa).

Waxaa kale oo isna hadal kaasi ka hadlay Maayarka Gabiley mudane xuseen jameeco oo ka xog waramay mashruucan iyo hayadaha iska kaashaday oo ay ka mid ahaayeen UN HABITA,FAO,UNO,ILO iyo dawlada hoose ee Gabiley waxaa ku baxay mashruucan kawaanka cusub dhismihiisa 75,000$ UN HABITAT waxay bixisay 60,000$ halka dawlada hoose ee Gabiley iyo company private ahaa oo la wareegi doona maamulkiisa laga rabo 15,000$ sida uu sheegay Maayarku Company-gu qaybtiisii waa bixiyay anaguna sidii shardigu ahaa waxaanu isku ogayn marka ay dhameeyaan inaanu bixino bari ayaanu bixinaynaa markaa waxaa kale oo iyana jira mashruuc kale oo qashinka lagaga ururinayo magaalada kaasi oo isna ay ku bixi doonto lacag dhan 32,000$ oo ay 26,000$ oo ka mid ah ay bixisay hay,adaasi

6,000$na ay ku waajibtay dawlada hoose waxaa kale oo ku jira hal iska rogo oo iyana khasinka ka guri doonta caasimada Gobolka Gabiley.

Waxaanay hawshaasi ka mid tahay mashruucyada ay Hayada UN HABITAT ka wado Gobolka Gabiley sidaana waxaa yidhi maayarka Caasimada Gabiley oo ka hadlayay munaasabadii Furitaanka kawaanka cusub.

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay sarkaal sare oo ka mid ah Hayada UN HABITAT waxaana uu sheegay mashruucani inuu qayb ka ahaa mashaariicda

UN HABITAT ay ka wado Gobolka iyo gobolada kale ee dalka Jamhuuriyada Somaliland

.waxaa uu si faahfaasan uga hadlay qaabkii ay iskaga kaashadeen hawshan Hayadaha UN habitat, UNO oo hayada talyaani ah oo qaybta engineering-ka naga caawisa iyo ILO waxaana uu sheegay inay dadwalada hoose mashruucan si toos ah ugu wareejiyeen si kor loogu qaado oo loo tusiyo dadka dawlada hoose inay karti uleedahay inay wax qabato Mr.Liibaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi (mashruucani sida uu gudoomiyuhu sheegay waxaa uu qayb ka yahay laba mashruuc oo kale oo ay hayadu ka fulinayso Gabiley oo kala ah, sidii loo hagaajin lahaa qaab xisaabeedka dawlada hoose looguna samayn lahaa qaab casri ah oo ay ku shaqeeyaan iyo ka qashinka oo kor loogu qaadayo fayo dhawrka nadaafada Gabiley markaa waxaa mudan inay dawlada hoose ka faa,iidaysato mashruucyadaasi, waxaana uu ku dhiiri galiyay sarkaalku dawlada hoose inay ka war hayaan nadaafada kawaankaasi cusub iyo ilaalintiisaba.

Waxa kale oo ka hadlay furitaankii ka waankaasi mid ka mid ah Saraakiisha Hayada FAO oo ku dheeraaday ilaalinta nadaafada kawaanka isaga oo faahfaahin naga siiyay qaab dhismeedka kawaanka cusub.

Waxaa kale oo uu sheegay in ujeedada mashruucani tahay sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta nadaafada gaar ahaan hilibleyaasha iyo sidii looga badbaadin lahaa inay cuduro ka dhashaan qashinka baahsan. waxaana kale oo uu sheegay maadaama oo maanta lafurayo kawaankii labaad ee dalka waxaa loo baahanyahay in si gaar ah loo ilaaliyo loogana war hayo hadba waxa uu ubaahanyahay waxaana loo isticmaali doonaa qaabka wada lahaansha oo ay iska kaashan doona dawlada hoose iyo shirkad private ah iyo dadkii hiliblayaasha ah.

Sarkaalku waxaa uu ku dheeraaday fayo dharka nadaafada isaga oo dardaaran dheer ujeediyay hilibleyaasha kuna dhiiri galiyay inay ku gawracaan xoolaha kawaankaa cusub ee loo sameeyay, waxaana uu yidhi ( hayada Faw waxay ka shaqaysaa ama ay qaabilsantahay cuntada,iyo xoolaha iyo wixii ka soo baxa beeraha waxaanan leeyahay hayada hawlahaasi qabanaya ama doonaya inay kawaano dhisaan inay talo ka qaataan hayada FAO oo hawshaasi qaabilsan .

waxaa kale oo ka mid ah mashruucyada hayada ka qabato gobolka inay tababaro siiso hiliblayaasha iyo beeralaydaba si ay aqoontooda kor ugu qaadaan.

Waxaa kale oo goobtaasi talooyin iyo tusaaleba ka soo jeediyay Cuqaasha Gobolka Gabiley oo ay ka mid ahaayeen Awciise Gacanloo iyo Faaliye Dheere oo halkaasi mahad naq iyo dardaaranba uga soo jeediyay dadwaynihii iyo hayadihii ka soo qayb galay xafladaasi

__

Source: Gabiley Net



 

 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp