Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Shirkii Gar.adag Oo La Soo Gaba-gabeeyay Iyo Qodobadii ka Soo Baxay
August 16, 2008


Shirkii Beryahanba Beesha Bariga Burco uga Socdaya Degmada Gar.adag ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta la soo gaba-gabeeyay, iyada oo laga soo saaray 18-Qodob oo Sideed ka mid ahi Si dhab ah u taabanayaa Xaaladaha Siyaasadeed,Dhaqaale ee Xiligan Dalku ku Jiro.

Halka 10 Qodob oo ka mid ahina ay ka Yihiin kuwo u gaar ah Danab Beesha Bariga Burco isla markaasina ka madax-banaan Siyaasada Dalka, Hasa yeeshee Sideeda Qodob ee Saxaafada Lagu Casuumaya oo uu ku Sexeexan Yahay Shir-gudoonka Shirka Iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan C/Laahi Suldaan Cali Muuse ayaa waxa ay u dhignaayeen Sidan:

1-Shirku waxa uu Si buuxda u taageersan yahay una aamin sanyahay Ilaalinta Jiritaanka Iyo Madax-banaanid Somaliland, waxana uu Beesha Caalamka, Ururada Midowga, Yurub,Midowga Afrika, Jaamacada Carabta,Ururuka IGAD, ugu Baaqayaa Qadarinta Iyo Aqoonsiga Madax-banaanid Somaliland,

2-Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahay ilaalinta Nabadgalyada Somaliland in ay Muhiim tahay

3-Shirku waxa uu Beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalinta Nabada Iyo Nabad-kuwada Noolaanshaha Iyo Sidoo kale Daris-wanaag, in lagu wada noolaado

4-Shirku Waxa uu dalalka Dariska ah ugu Baqayaa Nabad-kuwada Noolaanshaha oo uu aamin san yahay in ay Qayb ka Tahay Daris wanaaga,

5-Shirku waxa uu Canbaaraynayaa Dhamaanba Falalka Argagixiso, Afduub,Jidhdil, Iyo Dhamaanba Xadgudubada ka Dhanka Ah Xuquuqda Aadamaha oo dhan, Cid-kasta oo ku Kacda,

6-Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa Dhamaanba Xadgudub yada lagu hayo Suuqa Xoolaha Somaliland oo Dastuurku ka dhigaayo Mid madax-banaan, Sidaas daraadeedna waxa uu xukumada Somaliland u soo jeedinayaa in ay Faraha kala Baxdo Suuqa Xoolaha, oo laf dhabar u aha Hanaanka dhaqan dhaqaale ee dalka

7-Shirku waxa uu walaacweyn ka qabaa Nidaamka Diwaan-gelinta Doorashooyinka Soo socda, gaar ahaa Qodobada odhanaaya " Codbixiyuhu-waxza uu ka Codayn karaa oo kali ah Goobta uu Ka Codbixiyay" Waxana uu Codsanaa in waxa laga badalo qodobkaa

8-Shirku waxa uu Xukuumada ugu baaqayaa in ay waxa ka Qabato Lacagta Giinbaarta ah ee laga Qaato gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo isugu jira Kuwo been abuur ah Iyo Lacagtii Somalia ee Gabowday.

Shirkan oo in mudo ah haatan ka Socday Degmada Garadag, ayaa waxa ka Qayb Galay Ku dhawaad 200 oo ergay oo dhamaantood ka Soo jeeda Beesha Bariga Burco, waxana intuu uu Socday Isha ku Haysay Xukuumada Somaliland oo siyaasiyan War-wer weyn ku hayay,

Si kastaba ha ahaatee Qodobada Shirkan ka soo baxay ayaa la sheegay in lagu Casuumi doono Qaar ka Mid ah Beelaha waaweyn ee Reer Somaliland Kuwaasi oo la Filaayo in ay La qaataan,

Dhankastaba Ka eefo Qodobada Shirkani ka soo baxay ayaa dhamaantood ah Kuwo si Toos ah u Taabanaaya Xaaladaha Siyaasadeed, Dhaqaale ee xiligan ku Gadaaman Jamhuuriyadan Yar ee Duruufaha la Daalaa-dhacaysa

__

Source: Hadhwanaag News


 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp