Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Boqor Cismaan Buurmadow Oo Ka Hadlay Baabuurta Burco Lagu Soo Qabtay
August 15, 2008


Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw ayaa shalay Shir jaara’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargaysa kaga waramay arimo dhawra oo ay ka mid ahayeen Safarkii uu kutagay Bariga Somaliland iyo shirarkii Gar-adag iyo Caynabo,waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay boqorku: “ mudo waxaan ku maqnaa safar aan ku qabtay Bariga Somaliland halkaas oon u tagnay shir markii hore lagaga dhawaajiyay Shir dhaqan oo Beelaha Habarjeclo loo qabtay.

Waxaan uga tacsiyadeenayaa beelaha lagu magacaabay shirkaas, in shirkii noqon waayey shir beeshu leedahay,oo uu noqday shir ay qalin-dareyeen ama ka shaqeeyeen siyaasiyiin ka tagtay Hargaysa oo ka kooban qaybaha Somaliland, shirkaas oo runtii ajaandihiisa lagaga shaqeeyay Hargaysa laguna dhex tuuray beesha waxaa si toosa uu xanbaarsanaa shirkaas Xilbaanadii ka tirsaana beesha ,oo fulinayay shaxdii lagu sii goo’yey Hargaysa ,waxaa kaloo xanbarsanaa oo fuliinayay Guddomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, runtii waxaay noqotay in shirkii ka baaqdo sidii anu ugu tala galnay.

Madax dhaqameed-yadayadii markaanu isku nimi waxaanu ku tala galnay in aanu wax ka badalno ajandihii markii aanu isku nimii habeenkii u horaysay 5 madax dhaqamed ayaanu ahayn, shantayadii markaanu isku nimi waxaanu go’aaminay in ajandaha la saxo oo wixii siyaasada laga saaro , alla ha u naxariistee Suldan Maxamed Cabdi Cali geeriyooday muddo saddex cisho markanu tacsidii u fadhinay waxaa dhacday in ajandihii siyaasadeed dib loogu soo celiyo; ajandaha shirku wuxuu ahaa oo ku cad oo lagu duminayo qaranka.

Umana baahna in cid wax laga waydiiyo, waad maqlayseen in shalay Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo BBc ka sheegay in shirku ahaa shir siyaasadeed laguna soo casuumay beelaha Somaliland.

Boqor Cisman Buurmadow waxaa kale oo uu ka hadlay ariinta baaburta dusha la goyay ee qoryaha la saray waxaanu sheegay inaanay beeshu shaqo ku lahayn ee rag kale ka danbeeyeen oo Xisbiyada madax ka ah waxaanu yidhi

“ Qoryaha iyo baabuurta la gooyey beeshu ma laha rag waawayn oo la wada og yahay oo faylkodii la hayo ayaa hawsha waday oo Xisbiyo madax ka ah wuxuu ahaa arinkasi arin inqilaaba , waxaana la doonayay in la isku beego rabshadaa iyo tageero meesha kasoo baxda iyo inqilaab waxaan odhan karaa markii arinkasii noo cadatay , ee aanu aragnay in beeshii dagaal anay ogayn la galinayo oo Baabuur anay lahayn oo la ogyahay meeshay ka yimadeen inamo la saaro oo beesha sidaa lagu dagaal galiyo, wataan go’ansanay in shirka lagu kala koco ,shirkiina ay qaybtii yarayd ee siyaasadu isugu soo hadho dad an 40ka badnay oo Xildhibaano hoogaminayeen.Intayadii kalana ay qabatay shirkii Caynabo ,si aanu u badbadino qaranka Somaliland iyo beeshaba mana hayn shirka Cayabo mid beesha lagu kala jabinyo ee wuxuu ahaa badbaado Qaran.”

Boqor Cismaan wuxuu xukuumada ku dhaliilay in aanay waxba ka qaban dadkii ka danbeeyay falkaas isku dayga inqilaab ahaa oo layaqaan bu yidhii raga ka dan beyey oo dalka jaha-wareer galiyay oo waliba caasimada Hargaysa dhex socda.

Waxaanu ku dhaliilay xeer ilaalinta oo uu sheegay in aanay wajibkoodi gudan

Ugu danbaytii Boqor Buurmadow wuxuu sheegay hadii ay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye isku beel yihiin oo uu Gudoomiyuhu beesha iyo qarankaba dab gelinayo inuu ka qabanayo waxaanu sheegay in madaxda Kulmiye ay baabuurta hubka saartay shirkan Gar-adagna ay yimaadeen iyagoo hubaysan hadii ay shirka ay iman lahayeen iyagoo aan hubaysnayn in la soo dhawayn lahaa.

Mar uu ka hadalayey arrintan maamuus xayuubintiisa waxa uu sheegay cida arrintaa wadaa inay tahay Xildhibaanadii ku hadhay shirkii Gar-adag, salaadiinta Beeshuna ay soo saareen bayaan ay arrintaasi ku beeninayaan .

Hadii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye aanu isku beel nahay oo uu Gudoomiyuhu beesha iyo qarankaba dab gelinayo waan ka qabanayaa. Boqor Cismaan Buurmadow.

__

Source: Waaheen


 




 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp