Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Dhaq Dhaqaaqyo Iska Soo Horjeeda
August 15, 2008


Loolankii ugu xooganaa ayaa waxaa uu ka socdaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoona loolamada socda ay yihiin kuwo salka ku haaya is mariga waaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowladda oo khilaaf adag u dhaxeeyo.

Dhaq dhaqaaqyada socda waa kuwo iska soo horjeeda, waxaana Xubnaha Baarlamaanka yihiin kuwo kala taageersan fikradaha fog ee ay kala heystaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Qaar ka mid ah Xubnaha wada mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa ka soo horjeestay codsiga Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ahmed walad Cabdala, kaasoo ahaa in ay dib u dhigaan mooshinka ay wadaan tan iyo inta laga guda galayo dhameystirka Wada hadalkii Jabuuti ku dhex maray Dowladda iyo Mucaradka.

Xildhibaano ay ka mid yihiin Mowliid Macaan Maxamuud, Cumar Dheere, Xildhibaan Waayeel ayaa sheegay in Dib u heshiisiinta ay tahay wax lama huraan ah, iyagoo sheegay in taa micnaheedu aanu aheyn in hadii Ra'iisul Wasaaraha xilka laga qaado ay Dib u heshiisiinta meesha ku dhamaatay.

Sidoo kale Xildhibaano ay ka mid yihiin Ibraahim Kiishbur, Jini Boqol iyo Weekiyo ayaa iyana qosol ku jab ku sheegay waxa ay wadaan tiro xildhibaano ah, iyagoona sheegay in Xukuumada Nuur Cadde ay ku tallaabsatay waxa aysan ku talaabsan xukuumadii hore ee mudada labada sano jirtay.

Hadabada hadalada iska soo horjeeda ayaa wuxuu tusaale u yahay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, kaasoo soo ifbaxay tan iyo wixii ka dambeeyay xil ka qaadistii uu Ra'iisul Wasaaraha ku sameeyay Maxamed Dheere, taasoo markii dambe uu ka biya diiday Madaxweynaha.

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonaan arrimahan iyo qalalaasaha Dowladda dhexdeeda, iyadoo xarig jiidka siyaasadeed ee ka dhex jira Madaxda Dowladda aan la ogaan karin halka uu mustaqbalka uu ku dambeyn doono

---



 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp