Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Waraysi Khaas Ah: Abwaan Axmed Saleebaan Bidde
August 14, 2008


Shebakada Somaliland Press ayaa dhowaan waraysi dhinacyo badan taabanaya oo aad u xiiso leh waxay la yeelatay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo jooga magaalada Hargaysa. Haddaba, shebakada Qaran news ayaa ka soo xigatay Somaliland press waraysigaas waana kan ee akhris wanaagsan.

Waxaanu jecelahay in aanu halkan idiinku soo gudbino waraysi aanu la yeelanay Abwaanka caanka ah ee Axmed Saleebaan Bidde. Waraysigaas oo uu abwaanku kaga hadlayo waayihiisee faneed, xaalada fanka Soomaalida ee hada, fankii waayo-waayo waxyaabaha lagu xusuusto iyo Sida uu arko is-badalka dhaqanka iyo waayaha kala duwan ee wakhtiga la socda. Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ay Shabakada Somalilandpress nasiib u yeelatay inay waraysigan dhaxalgalka ah uga soo gudbiso akhristeyaasheeda daaafaha caalamka, waxa uu u dhacay sidan:

S: Axmed ugu horayn bal wax nooga taataabo waayahaagii fanka sidii aad ku soo gashay iyo bar-bilowgaagii saaxadda Suugaaneed?

J: Anigu fanka iyo suugaanta yaraantaydii baan ka bilaabay, markii horena waxaan ku dhashay magaalada Hargeysa sida waalidkay igu yidhi sanadkii 1943-kii, riwaayada samayntooda jyo jilitaankooda Iskuulkayagii oo Mandheera ahaa PTS (Police Training School) ayaa la odhan jiray. Iskuulkayagaasi wuxuu ahaa Iskuul tacliintiisu heer sare tahay. Inta iskuul lagu dhigtaba waan ku dhigan jirnay wixii aan Sayniska ahayn. Iskuulada kalena waxaanu dheerayn Isgaadhsiinta iyo Miyuusiga Band barashadiisa, waxaana uu caan ku ahaa ciyaaraha caafimaadka ee loo yaqaano (Physical Training) iyo biraydhka ciyaarsiinta Askarta tababarka.

S: intii aad iskuulka ku jirtay ee riyaawadaha yar yar ee aad isku maaweelin jirteen ka dib goormaad saaxada si toos ah u soo caga-dhigtay?

J; Waxaan kaga baxay Iskuulkaygii Form One, xusuus badana wuu igu reebay. Wanaan u mahadcelinayaa barayaashaydii iyo hawl-wadeenadii Iskuulkaas oo aan aad u xusuusto, taariikhda noloshaydana hir dheer buu kaga jiraa Iskuulkaasi.

S: Yaraantaadii marka aynu ka nimaadno bal noo sheeg riwaayadahaaga caanka baxay tii ugu horaysay iyo bal nuxurka ay xambaarsanayd?

J: 1962-kii aniga oo jooga Dayaxo oo Wershadda Laydhka ee Iskuulka aan markaa masuul ka ahaa inkasta oo aan nin yar ahaa, halkaana aan ka shaqeeyay, sharaf iyo guulna aan ku dhamaystay shaqadaydaas. Halkaasaan ka bilaabay riwaayadii iigu horaysay, iskuulka ayaan u sameeyay wakhti uu fasax qaadanayay, waxanaan xafidsiinay Ardaydii Iskuulka ee ugu waawaynayd, waxaana ka masuul ahaa Maxamed Ibraahim (Lamuumbe) oo ahaa macalin caan ahaa. Ninkaas oo ahaa nin aanu aad saaxiib u ahayn. Markii aanu yar yarayn ee aanu Mandheera joognayna aanu isku baranay ciyaaraha kubada cagta iyo xeegada, boodada orodka iyo ciyaaraha la midka ah. Ninkaas oo ahaa nin taariikhaha qora sida gabayada Soomaaliga ah. Muxaafidna ku ahaa qaybista heesaha Carabiga, Suudaaniga iyo Soomaaliga ah. Riwaayada waxa tumayay Miyuusigeeda Maxamuud Ismaaciil Xudaydi oo Cadan ka yimi markaa kana soo dagay Maydh. Riwaayada magaceedana waxa la odhan jiray Ciil iyo Caashaq, ujeedadeenuna waxay ahayd oo aan ka sameeyay Inan arday ah oo gobolada Galbeedka ka soo galay Iskuulka halkaana ku caashaqay Inan qurux badan oo ahayd Deekaanka Dayaxa ee gobolka Sanaag. Riwaayad Ciil iyo Caashaq Inankaasi dhibaato badan ayuu ka soo maray, waxase guushiisu ahayd markii dambe gabadhii way is-guursadeen ubad iyo aayo wanaagsana way yeesheen.

Dayaxaay Adigaa I daryeelee,
Dantayda jirayee, dugsiyoow
Daruurtii Cirkaa kugu soo da’aysoo
Doog iyo Xareedaa daafaha ka muuqdoo,
Dadkii Tacliintaa dabaal-degaayoo,
Indhihii dilaacii ku daawanaayoo,
Adigaa I daryeele dayaxaay,
Dantayda jirayee dugsiyoow.

Waxay ahayd heestaasi tii riwaayada lagu furayay. Maxamuud Ismaaciil Xudaydina imtixaanka igaga qaaday midhaheeda, Shahaadada fankana igu siiyay, codkana isagaa u sameeyay. Waxaana jirtay aniga yar wakhtiyadaa wakhtiyo ku dhow oo ka horeeyay oo magaalada Hargeysa aan ku noolaa inuu ii ishaaray iina aqoonsaday inaan noqon doono Abwaan caan ah ninka la odhan jiray Maxamed Ismaaciil Basaarce (Barkhad Cas) oo ka mid ahaa Abwaanada Caanka ee Somaliland. Taariikh heersarena ku leh fanka, suugaanka iyo dhaqanka.

S: Dayaxo iyo indha-furkaagii fanka ka dib maxaa dhacay?

J: Riwaayadii labaad waxaanu ku samaynay Hargeysa 1962-kii aniga iyo Maxamed Cumar Hooryo, riwaayadaas oo la odhan jiray Guul ma helaa nin garan-daran oo ay naftiisu gubtay.
Nin Laba gabadhood jecel buu ahaa. Dabadeedna cid uu ku dhacay jacaylkiisii.

S: Waad ula kala baxday oo durba soo shaax-baxday maxaa kuu xigay Axmed?

J: 1964-kii ayaan ku sameeyay Hargeysa riwaayad la odhan jiray Alla aamin ma iisho. Waxay ahayd riwaayada Abwaanimadayda caanka ka dhigtay, walina ah riwaayada u haysata dhaqanka iyo hiddaha. Riyaawayada waxa ka bilaabmay oo magaceeda qaatay kooxda la yidhaa Alla Aamin ma iisho. Waxaana noogu madax ahaa oo macalin noo ahaa xagga Miyuusiga iyo talada iyo dhismaha Maxamed Cige Warsame (il-bir) oo dhawaan dhintay alle ha u naxariistee. Ninkaas oo ka soo aflaxay kooxdii walaalaha Hargeysa ee caanka ahayd ee sharafta badnayd, ee xornimadii Somaliland qaadatay Lixdankii qayb libaax ka qaadatay ee Cabdilaahi Qarshe u madaxda ahaa, ninkaasoo ananga noo sameeyay walaalaha Hargeysa B. dabadeedna aanu la baxnay magacaa Alla Aamin ma iisho. Heesaheeda waxa ka mid ahaa:

Alla aamin ilayn kuma iisho ifkee,
Waatii aadmiga qaar, arrinkeena lunshee
Ma hagaajay Illaah iyadoon la filayn.
Ooridii miyirlee I adeecda ahoow.

Maxamed Yuusuf Cabdi iyo Saynab Xaaji Cali Baxsan ayaa xiddiga iyo xiddigad ka ahaa. Waana riwaayad caan ah oo taariikh dheer leh.

S: Axmed marka laga hadlayo taariikhdaada faneed waxa lagu xidhiidhiyaa inuu waayaha jacaylku ku badan yahay, adiga jacayl dhab ah oo kugu dhaliyay inaad riwaayad ama hees ka samaysaa ma haleelay?

J: Aniga horta asaliyan qoyskayaga ayaa la yidhaahdaa reer Xirsi gabay. Halkaasaan ka soo hiddo raacay abwaanimada. Hadiise aad jeceshahay inaan kaaga waramo wuu jiraa jacayl dhab ah oo aniga igu dhacay. Dhibaato badan baan ka soo maray. Fankayga iyo suugaantayduna, dhaqanka , hiddaha iyo jacaylkaa u badan.

Gabadhii aniga aanu is-jeclayn oo barashadaydu barbaarnimo ka kacday, jacaylkayaguna meel-dheer nala gaadhay, ayaa waxa dhacday in calafku na kala riday oo ay si lama filaan ah gabadhii u guursatay nin kale. Hase ahaatee, jacaylku illow ma lehe, labadayada oo mid walba naftiisa sidii ugu jiray. Inkasta oo aanaan yeelan xidhiidh daba socod ah, ee aan kula taliyay gabadhii inay ninkeeda iyo gurigeeda haysato, aniguna nasiibkayga aan ku socdo. Aamin iyo sharaf walaalnimana ay naga dhaxaysay Ilaahay baa ku mahad lehe dad marnaba xumaan ku kulmayna maanu ahayn. Gabadhaasi waxa weeye gabadh garaad wacan, xarago badan, asluub fiican, muuq, joog iyo quruxna u dhalatay. Markaa waxa jirtay mar aanu kulano si lama filaan ah. Iyada oo gurigeedii leh. Balse ay ka soo duday oo ay kala yar cadhoodeen ninkeedii oo hadana ahayd goortaan kula taliyay inay gurigeeda iyo ninkeeda haysato. Waayo hadaad guri baab’iso, la arkee inuu kaaguna baaba’o. gabadhu imay odhan gurigayga ayaan baabi’inayaa. Waxaanse wax ka dareemay ninkii baanu soo kala cadhoonay. Sidaa waxaanu ee sanee suuban markaanu ku heshiinay. Bal hadana markaan ka tagay jacaylkii baa igu oogsaday. Dabadeedna aniga oo maqan oo aan is-ogayn ayaan hees tiriyay oo waxaan idhi:

“Innagoo lamaano ah, iyo laba nafo qaybsi leh.
Adigaa is lumiyoo, isu loogay cadawgoo,
Libintaada siiyoo, talo geed ku laashee.
Waadiganse liitee, leexadu ku sidatee,
Hadba laan cuskanayee,
Liibaanteeda aduunyada ruuxna laasan mayo.
Maxaa lulay naftaadii.”

Iyo midho la mid ah, waxay ahayd wakhtigaa 1968-kii. Hadana gabadhii beri dambe ayaanu laamiga Hargeysa ku kulanay iyada oo waddo maraysa anna aan marayo. Dabadeedna gabadhii waxay I waydiisay heestii leexo yar cadhaa ku jirtee, inaan ka xaal-mariyo. Waxaanan ku idhi: maxaan kugu xaal-mariyaa. Waxay iigu jawaabtay heestii hees ka heer-saraysa oo abaal-gud ah. Waan qosloo waxaan idhi: qof aad u degan oo maskax fiican baad tahay. Waanaan kuu samaynayaa Insha Alaah dhawaan. Dabadeedna waxaan u sameeyay heesta la yidhaahdo:

Sida geed calooniyo ubax guud qariyeen
Oo gooni laama ay midiba geesteed
Hoobaan is gaadhiyo gunti midho leedahay
Oo soo gandoodoo galna faraqa soo daray
Oo godon barwaaqo ah dur dur aan gudhayniyo
Gacan wabi ku yaala.
Oon gu’ iyo jilaal midab-guurin baad tahoo
Gabadh yahay kalgacal baa goortaan ku eegaba
Qalbigayga gelisaa.
Waxase aaanan garanayn ii gunuday caashaqa halka aad I gaadhsiin.”

Iyo midho la mid ah oo gaadhay oo amaan dhawr iyo toban qaybood oo bayjkaas la mid ah. Waxaana jirta fanka iyo suugaanta, hidaha iyo dhaqanka iyo jacaylka inay iyadu u badan tahay. Jacaylkuna wuxuu u badan yahay ama yahayba nolosha guurka iyo guriga iyo taranta aadmiga. Iyo wada-dhaqanka labada ruux ee wanaagsan. Jacaylkana waxa ugu quwad wayn, uguna xiiso badan oo qoraal, gabay, geeraar, buraan bur iyo heeso mid kastaba ha laga tiriyee jacaylka lays waayo ayaa ugu xiiso badan, uguna xusuus dheer. Sidaa waxaad ku garan kartaa taariikhda cilmi iyo hodan ama dadkii sidaas oo kale calafku u kala baajay. Waxaana ugu xun oo ugu xanuun badan jacaylka labada qof ee is-rabay ay kala hor-geeriyoodaan. Sababtoo ah qofka qofkuu jeclaa ka dhintay iskala nooloow mooyaane jacayl dambe uma dhadhamo. Waxaana lagu gartaa badiba ruuxa caynkaasi ku dhacdo dhiig kuma duulo jidhkiisana waxaad moodaa sidii wax gubtay. Kolayba ku kastaaba naxariista Ilaahay kama dheera. Hadaba hadaan sheekadii gabadha aan jeclahay in yar kuugu laabto dhowr iyo Labaatan sanadood dabadood, ayaa waxaanu is helay iyada oo Qaxoonti ah oo ninkeedii Saddex sanadood hortood dhintay, anna aan qaxoonti ahayd. Dabadeedna halkaas aanu ku gaadhay heshiis wacan iyo guur dambe. Sidaasaanu guur iyo gallada Ilaahay ku gaadhnay, iminkana ku wada joognaa. Iminkana anigu Hargeysaan joogaa ku noolahay. Iyada iyo caruurtii ay ninkii hore u dhashayna waxay ku nool yihiin magaalada Muqdisho, oo ay iminka ka socdaan dagaalada la yaabka leh. Sidaa daraadeed ayaan ku qabaa werwer iyo walbahaar aad u fara badan, sheekaduna waxay tahay Cirrada ma yaqaano caashaqu. Waxaana jirta jacaylku waa halkiisii. Waa ma guuraan, gedigeenba Alle ha dhawree, geeri mooyee caashaqu gaboow ma leh. Waxaanaan ka sameeyay halkaa iminka hees la yidhaahdo Afrikadu gugii lixdaankii gobonimadii ay gaadhay geediga horumara halkaii ay ka geli lahayd,

Ayay waxa la gaabshiyo
Gar qabiilo iyo hawl
Geerida dhexdeediyo
Gurac talo u baydhayee.
Guul-darada la yaabka leh
Rabi idinka guud-qaad.
Annagana na gees mari
Gar Allee jacaylkuna
Ma guuroo gabow ma leh
Geerida horteed, gebi ahaanba noloshani
Garka iyo halbawluhu, gurigiisa weeyee
Gabadh yahay ha moogaan.
Guuldarada la yaabka leh rabi idinka guud qaad
Annagana na gees mari, ducadu samahay gashaaye.”

Markaa jacaylka taataabashadiisa iyo tusaalihiisa intaa ha inoogu joogto.
S: Abwaan ma noo sheegi kartaa Faniinta Soomaalida fanaanka aad codkiisa ugu jeceshahay in aad dhegaysato?

J: Horta fanaaniinta Soomaalida waa kala wakhtiyo, hadaba wakhtiyadii aan anigu fanka soo bilaabay ilaa maanta, dadka ku jiray ama ku sii jira fanaaniin midba mid ka dhacaayay mabay ahayn mana aha. Tusaale ahaan Maxamed Axmed Kuluc, Axmed Maxamed Good (Shimbir), Faadumo Cabdilaahi Maandeeq, Shamis Abokor Guduudo, Xaliimo Khaliif Magool, Sahra Axmed Jaamac, Maxamed Saleebaan Tubeec, Maxamed Yuusuf Cabdi, Maxamed Cabdilaahi Gujis, Muuse Ismaaciil Qalinle, Cabdilaahi Cumar Xarago, Kinsi Xaaji Aadan, Sahra Mire Weheliye, intii hadii la yidhaahdo ha laguu saaro adiga Cabdiqani (Weriyaha SomalilandPress) Xulashadooda bal sidaad ula yaabi lahayd ama talo kuugu balaadhan lahayd, waxaanse dadweynaha u dalban lahaa iyo naftaydaba Axmed Maxamed Shimbir iyo Maxamed Mooge Liibaan iyo Maxamed Axmed Kuluc. Sababtuna waxay tahay fanaaniintii hore kii hees kuu qaadaba fanku qaali buu ku ahaayo si wacan bay u qaybi jireenoo, wuu ku deeqsiinayaa. Fanaaniintii hore kala doorasho ma lehe kalama dhacaan bay ahaayeen.

S: Bal wax ma ka taqanaa Inamada Yurub ka soo heesa, hadii aad taqanidse maxaad ka aaminsantahay?

J: Fanaaniintan dambe hadaan inyar faalo kaaga galo, inta badani waa iska fadal raac, budulkuun bay iska raaceen oo waakuwa qaada heesaha fanaaniintii hore qaadi jirtay, mana gaadhsiin karaan halkii ay fanaaniintii hore heesaha gaadhsiiyeen. Heesuhuna waa dhaqan iyo hidde oo maaha in lagu ciyaaro. Hase ahaatee, way ku heesi karaan oo gudahooda way ku tuman karaan, qiiro, jacayl iyo farxad mid kastaba ha ahaadee. Balse maaha daw inay Idaacadaha ka rikoodh-gareeyaan. Waayo heesta fanaan hore qaaday qofku wuu ku heesi karaa, xaqse uma laha isaga oo waliba heestii dilaaya inuu ka qaado Idaacadaha iyo Telefiishanada. Umada Soomaaliduna aad bay taas ugu qososhaa, uguna soo hor-jeedaa.
Waxase jira fanaaniinta heesaaga ku haboon waa dhawr, waa kuwa dibadaha jira’e, waxa ka mid ah NInka Himilo la yidhaahdo iyo Lafoole iyo dhawr kale oo badiba qaada iminka wakhtiyadan dambe heeso iyagu ay samaysteen ama midhaha iyo codkaba loo sameeyay.

S: Axmed adigu ka Abwaan ahaan hadii ay kula soo xidhiidhaan kuwa tayada fanka daynaya fanaaniinta qurbaha ka soo qaada heesaha ma ugu deeqi kartaa midho cusub oo iyaga gaar u noqda tayana leh?

J: Haa waan u quudhi karaa, waan u huri karaa, wanaan siin kara hadii Ebbe yidhaahdo, cidii ila soo xidhiidha. Waayo iyaga iyo kuwa halkan jooga ama kuwii hore waa isku mid oo way u siman yihiin fanka iyo suugaanta. Waxanaan kula talinayaa inay heeso iyaga loo sameeyay qaadaan. Oo dhaqanka iyo hidaha diinta iyo jacaylka intaba wax ku ool uga noqon kara dadweynaha Soomaalida. Waxaana jirta kaba soo qaado sida kooxdan Alla aamin ma iisho iminka aanu gacanta ku hayno inay jiraan sharciyo ah waxa loo yaqaano Copy right ama dawga xaqlaha oo qofna aanu qaadi Karin hees aan isaga loo samayn. Wuu ku tuman karaaye fagaare iyo Warbaahintoona in aanu u gudbin ayuu sharcigu ka mamnuucayaa.

__

Source: Qaran News

 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp