Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xadhiga Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore Ee Komishanka Xirsi Cali X. Xasan
August 14, 2008


Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-cirro) ayaa sheegay in uu ku talinayo in Xabsiga laga sii daayo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Guddoomiye Cirro waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi dhacyo kala duwan taabanaya oo uu siiyay TV-ga Horn Cable TV, waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in aan qofka Muwaadinka ah ee Xabsiga loo taxaabo lagu tilmaami Karin Dambiile illaa Maxkamad sharci ahi ku cadayso.

Guddoomiyaha Wakiilladu waxa uu soo jeediyay in Xabsiga laga sii daayo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Guddida doorashooyinka. “Waxaan ku talinayaa in Xabsiga laga sii daayo Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee dhawaanta la xidhay.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-cirro).

Dhinaca kale, waxa uu ku Guddoomiyaha Wakiilladu ku dooday in ay Xukuumadda wada-hadal kagala jiraan arrimaha la xidhiidha heshiisyada Caalamiga ah ee ay Xukuumaddu la gasho Shirkadaha Shisheeye. Kuwaasi oo uu ka mid yahay heshiiska ay dawladu kula jirto Ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-jabiri ee kootada loogu xidhay xoolaha nool ee Somaliland.

Guddoomiye Cirro mar uu ka hadlayay wada-shaqaynta ka dhaxaysa Golohooda iyo Golayaasha kale Guurtida iyo Xukuumadda, waxa uu sheegay in ay wakhtigan ka wanaagsan tahay sidii hore, isla markaana ay meel fiican marayso. Isaga oo tilmaamay in Madaxweyne Rayaale Xeerar badan oo Golaha Wakiilladu ansixiyeen saxeexay meel-marintooda.

Mudane Cirro, isaga oo ka hadlayay doorashooyinka lagu wado in ay dalka dhawaan ka dhacaan waxa uu hoosta ka xariiqay in ay wax badan ka bedali doonaan mustaq-balka Somaliland, hadii ay u qabsoomaan si xor iyo xalaal ah.

__

Source: Hadhwanaag News




 


 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp