WARAR WAABSAN

Xamarji Iyo Deyr Oo La Sii Daayay
April 17, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Gudoomiyaha Kulmiye, Gobolka Maroodi Jeex Axmed Xaaji Ibraahim ( Xamarji) iyo Deyr Maxamed Cilmi oo ka tirsan odaayaasha Kulmiye ee Toogdheer ayaa shalay lasiii daayay. Waxaa la xidhay qaraxii ka dhacay xafiis ka mid ah Xafiisyada Guurtida, bishan 10keedii. Inkasta oo warar xukuumada kasoo baxay ay sheegeen, in dhacdadaa loo qabtay hadana sidey ku warameen eedeyn rasmi ah oo lagu soo ooday majirin.

Xamarji Oo La Xidhay
April 12, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Wararkii ugu danbeeyay ee Hargeysa, ayaa sheegaya, in billeysku qabtay, Axmed Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee Xisbigga Kulmiye; kaas oo wararku ay sheegayaan in laagu tuhunsan yahay, in uu ka danbeeyay ama ku lug lahaa qaraxii yaraa ee ka dhacay qol ka mida qolalka Golaha Guurtida. Hore waxaa loo sheegay in falkaa loo qabtay 6-qof ooy 3dex ay ka mid yihiin shaqaalaha Golaha Guurtida .

Warar Waabsan
April 9, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Maanta abbaara 12kii duhurnimo qaraxii ka dhacay, qol ka mida qolalka gudiyada, kaas oo qalab mooyee aan cidi wax ku noqon, yaa ka mas'uul ahaa? Waa su'aal dadku is weydiinayo aadna uga xunyahay.....Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa qaraxaa toos ugu eedeeyay Xisbiga Kulmiye; isaga oo ku saleeyey hanjabaad uu yidhi beryahanba Kulmiyaa hanjabaayey. Gudoomiyaha Kulmiye ayaa eedeyntaa gaashaanka ku dhuftay kuna tilmaamay waxaan waxba ka jirin isagoo la yaabsan wasiirku wuxuu ku saleeyay eedeyntaa.

6 Gunmen Arrested In Somaliland
April 7, 2008

Somaliland coastal guards have arrested six armed men in a small boat from Yemen, suspected of throwing 140 people into the sea. A woman and her two children, who were in the same boat captured off Somali coast, claimed the gunmen had dropped more than 140 people into the Gulf of Aden, with no survivors. Colonel Muse Haruun Farah told Press TV correspondent in Somaliland that the armed men will be brought to justice imminently.

Gu'gii Ma Curtay?
April 5, 2008

(SOHTA - Hargeysa) Laba cisho ka hor ayaa roobabkii ugu horeeyay gu'gan ka curteen Aw Bare, Wajaale oo ay balayadii biyo galleen, Madarka ka wax, Gabiley iyo Arabsiyo oo roobab tumay ahi ka da'een Sanaagna Ceerigaabo ayuu caawa roob ka da'ay iyadoo roobab kalena lagu sheegay Buuralay xeebta xigta. Kadabaa !


  
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].