TACSI

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
April 15, 2008

Cali Aadan Meecaad, Abshir Nuur Cumar, Axmed Yuusuf Ducaale, Abdi Kariim Hasan Caalin iyo qoysaskoodu waxay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Cabdilaahi Maxamuud Xirsi (Ashcari) oo ku geeriyooday maalmo ka hor magaalada London cariga Ingiriiska, meydkiisiina beri loo qaadi doono Hargeysa. Gidigeenba Illaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo isagana jannadii ha ugu deeqo. Aaaaamiiin, Aaaamiiin.
T A C S I    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
April 7, 2008

Waxaanu halkan ka tacsiyadaynaynaa xaaskii, carruurtii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah Jannatul-Firdawsa haka waraabiyee Marxuum Maxamed Muuse Caalin oo maalintii Sabtidii April 5/2008 xaqii ku helay Magaalada Toronto. Waxaanu Allaha Qhaniga ah uga baryaynaa inuu marxuumka u naxariisto innagana samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin....Aamiin.........Aamiin. Waxa tacsida diraya: Abdulhakim Libaax iyo xaaskiisa, Abdikayd Ibraahim iyo xaaskiisa, Abdirashid Hassan iyo xaaskiisa, Ahmed Meygag iyo xaaskiisa, Mohamed Omar iyo xaaskiisa , Omar Sanyare iyo xaaskiisa, Ali hajiYussuf, Hassan-Barre, Ahmed Sabeyse, Abdikarim Meygag, Casuuro, Ismail-Yamani, Abiib, iyo in badan oo aan qoraalkan lagusoo koobi karin.
T A C S I    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
April 7, 2008

BISHAN 5dii April 2008 WADANKA CANADA Magaalada TORONTO ( East Scarborough) Uu KU GEEYOODAY MURXUUM MAXAMED MUSE CAALIN oo ka Mid ahaa UMMADA Reer Somaliland . Geeridaas NAxdinta leh Waxaanu ILAAHAY ka bareyeynaa In uu Samir iyo IIMAAN inka ka siiyo Dhamaateeyn Ummadda Somaliland Gaar ahaana QOYSKII , EHELADII ,QARAABADII iyo Axsaabtii uu ka Baxay MARXUUM MAXAMED MUSE CAALIN .. oo Bishan 6dii Aprirl 2008 ay Aaskiikii ka soo Qeyb Galeeyn boqolaal kun oo qof oo Somaliya ka kala yimi Gobolada Canada iyo Daafaha aduunka ........... Read More

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
April 6, 2008

Aamina Maxamuud Iyo Caruurteeda ilma Sheekh Maxamed Siciid, Muuse Nuur Ducaale, Maxamed Nuur Ducaale, Jaamac Nuur Ducaale, Cali Aadan, Cabdillaahi Yuusuf , Maxamed Xuseen Fil Fil, Yuusuf Xuseen Fil Fil, Axmed Yuusuf Ducaale, Cabdifataax Axmed Yuusuf Ducaale, Ahmed Cabdifataax, Xuseen Cabdifataax, Maxamed Cabi Maxamed, Basma Axmed Yuusuf Ducaale, Zubeir Mohamed Cabdi, Yaasmiin Axmed Yuusuf Ducaale, Daahir, Ciiltire, Yaasiin Cabdi Muxumed, Cali Aadan Meecaad, Abshir Nuur Cumar, Xaaji Cumar Xuseen, Maxamed Taani, Abdil Karem Hasan Alim, Shukri Kheyre, Muuse Ibraahim Bookh, Ahmed Cali Ibraahim, Cali Xaaji Yuusuf, Cali Cumar Mushteeg, Amiin Cali Cumar, Cumar Cali Cumar, Guuleed Cali Cumar, Ilyaas Cabdi Muxumed, Cali Xuseen Aw-Cali iyo Cali Yuusuf waxay dhamaan udirayaan tacsi qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Muuse Caalim oo maanta lagu aasay xabaalaha Bekeri ee barriga Scarborough. Gedigeenba Illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo isagana janadii ha ka waraabiyo. AAMIIN
T A C S I    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
April 5, 2008

(SOHTA - Toronto) Waxaa maanta ku geeriyooday, Scarborough General Hospital (Bariga Torono) Marxuum Maxamed Muuse Caalim; isaga oo siday Dakhtaradu sheegeen u geeriyooday dhiig maskaxda kaga furmay. Marxuumku waxuu ifka kaga tegay ooridiisa Khadra Cige iyo sadex wiil iyo gabar. Marxuumka berito salaada duhur dabadeed ayaa meydkiisa lagu tukandoonaa, Masaajidka Islaamic Foundation; halkaas oo la qaadi doono meydka marxuumka xabaalaha Muslimiinta ee SC ka bariyeeya. Halagu dadaalo in aan loo kala hadhin si uu jamac badan ugu tukado janaasadana ugu tukado. Bahda Somalilandhorta waxay ka tacsiyadeyneysaa qoyska eheladda iyo qaraabada, geeridaa ku timi Marxuun Maxamed Muuse Caalin gidigeenba samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga siiyo isagana ilaahay ha u naxariisto Ameen.


  
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].