NEWS

Waano Iyo Wax Sheeg
April 30, 2008


Waar Taloow Cayda Jooja:

Erayga lagu dhawaaqaa ama la qoraa awoodiisu waxay ka muuqataa geeraarkii caanka ahaa ee marxuum Salaam Carabey, Cinwaankiisuna ahaa, "Waar Taloow Colka Jooja ." Laba reer oo walaala ayaa hubkii dhigay markey Geeraarkaa dhageysteen. To tii u eeg oon laakiin hub leysku qaadan, ayaa maanta taagan. Intey labada dhinac, ee labaduba innaga ahi, warbaahinta isku weerarayaan, xal wada hadal lagu gaadhaa wuu fogyahay. Labada dhinac, dhegaha dadka fursad ha siiyaan oo hakala deystaan, weerarkan saxaafada ay isku weerarayaan, bal in xal lagaadho.

Komishanku diiwaangelintii Ha Bilaabo:

Layaab malaha in komishanka dhinackastaa laga weeraraa. Waa hay ad dhex ah iyo caadadeed. Waxaan kula talinaynaa in ay dhegaha ka ffureystaan hadalada lagu weerarayo ama lagu dhaliilayo diiwaangelinta cod bixiyayaasha hagudagalo komishanku ha u bilaabo sida ugu degdeg badan, hadaan kharashkii deeq bixiyayaashu ka maqneyn .Xukuumaduna hawsha qeybtey ku leedahay ha ufidiso.By :Somalilandhorta

Somalilandhorta

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].