NEWS

Ummadyahay Inuu Cabdiqadir Juba Ka Heeso Xafladda 18 May Ee Ottawa Ma U Banaantahay?
April 12, 2008 - Ahmed Hassan Ahmed Gedi


Waxaa maalmahanba hadal haynteedu socotaa qabanqaabaddii xafladdii 18 May siddii loogu diyaar garoobi lahaa, oo iyaddana aad moodo in laba garab kala riixanayaan qabashadeedda.

Inagoo halkaa ka duulaynaya, ayaa garab ka mid ah garabyadda kala riixanaya qabanqaabadda munaasibadda, ayaa ku shaaciyey shabakaddaha qaarkood sidday xafladu u dhici doonto iyo fanaaniinta ay rabaan inay fagaaraha keenaan, fanaaniintaa oo sawiraddooda uu Cabdiqadir Juba ka dhex muuqday. Waxaa markaa igu soo dhacday munaasibad loogu magac daray "Somali Week" oo ka dhacday magaaladda London ee cariga ingiriiska, xafladaas oo ay ka soo qayb galeen abwaano waaweyn oo ummadda afka Somaliga ku hadashaa ay aad u jecelyihiin.

Waa marki ugu horeysay ee uu Xasan Ganay yiimado qurbaha gaar ahaan UK, Xasan Ganay oo dad badani maqlaan se aanay aragisa arag, ayey dad badani nasiib u yeesheen inay la kuulmaan, Xasan Ganay waxa uu ka dadweynihii madasha isagu yimid, sugaantiisii qaar ka mid ah, gaar ahaanna heesii uu tiriyey iyo fanaaniinta qaada heesahaas ee ku soo caan baxay oo ay ka mid yihiin Haldhaa, Xasan Adan Samatar iyo A/Qadir Juba.

Waxaa haddaba, 21 Dec. 07 , ka dhacday xaflad lugu soo dhaaweenayey Abwaan Xasan Ganay oo aay soo abaabuleen fananinta iyo abwaanada ku nool cariiga ingiriiska iyo gudi loo xiil saray xaflada, taas oo uu hoorseed ka ahaa Xasan Adan Samatar oo uga yimi Canada in uu abwaan Xasan Ganay oo lahaa gacan qabadkiisa markii uu fanka biilabay, heeso badan oo uu leeyahayna qaada. Xasan Adan oo ay ahayad iin uu xafladda ciida ka dhiigo dalka Norway ayaa baajiyey xafladaas una baajiyey inuu ka soo qayb galo munaasibaddii taakulaynta ahayd ee abwaan Xasan Ganay loogu uruurinayey si u dhamaysto baadhitaan caafmeedkii uu u soo baqoolay.

Haddaba waxaa la yaab ku noqotay dadkii agaasimaayey xafladaa in Cabdiqadir Juba oo jooga London uu diiday inuu ka soo qayab galo xaflada Xasan Ganay, markii wax laga waaydiiyayna, ay jawaabtiisii noqotay, "anigu Xasan Ganay iyo cidkaleba u qaban maayo xaflad aan dhaaqale iga soo geleyn. Mar uu Xasan Aadan kula hadlay khadka Telphonkana waxaa uu ku yidhi "waad ogtahay maanta in uu xasan Ganay London joogo ee maxaad noogala soo qaayb gali weyday xafladda"? Juba "Norway aayan ka tuumaya ayu uugu jawaabay" Xasan Aadan Samatar oo ku yidhi aniguba xafladii Norway waan joojiyey abwaankan awgii, oo ah abwaankii ina soo saaray.

Cabdiqadir Juba waxa uu ku go’aansaday in aanu xafladda lagu taakulaynayo abwaan Xasan oo la doonayo in dhakhtar loogu diro ku yaal dalka Jaramalka inuu ka gaabsado.

Haddaba, nuxurka maqaalkaygu waxa uu yahay: Miyuu istaahilaahaa Cabdiqadir Juba inuu isagoo qaraarkaa qaatay, noqdayna abaal laawe in haddana qabanqaabiyaasha xaflada 18 May ay u fidiyaan casuumadd lagu xusaayo Soomaliland oo uu abwaan Xasan Ganayna qayb libaax ka qaatay? Miyaanay ahayn meel ka dhac?

Waxaan rajaynayaa in qabanqaabiyaashu ka digtoonaaddaan kana fiirsaddaan wax yaabaha abuuri kara iska hor imaad, kana fiirsadaan shakhsiyaaddka ay rabaan inay la ciidaan ummaddan.

Waridaad media centre
Ahmed Quick

Ahmed Hassan Ahmed Gedi
Ottawa - Canada



 
 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].