September 2, 2007
Aw-Salla-Waat mudo waad naga maqnayde maxaa dhacay?
Waar baylahaa jira'e oo waatan maciishadiina qaaliyowdee maxaad sheegteen?
Waa nabade, shalay BBC-da ma dhagaysatay?
[intuu qoslay] ayuu yidhi malaha waxad la yaabteen qoladii Wasiirka cayaaraha ee
Ingiriiska kula kulantay Magaalada Sheffield ee ka codsatay waxay dawladiisu u
cambaarayn wayday Ethiopiyada garaacaysa Xamar.
Allaylahe waad asiibtay
Waar qoladaasi habeenkii 26-kii Juune ee 1960
Markuu Marxuumkii Timocade lahaa "Sareeyoow Ma Nustaamow..." Halkay seexdeen
shalay ba ka soo tooseen.
47-kii sano ee ka dambeeyay intaba way hurdeen,
Wixii dhacayna maba oga. Kuwaa maxaad kaga dhagtaagi
Waxa weeyaan, "Rabanaa Khalaq Waa Dalaq".
Inta la abuuray baa la sii daayay.