|
FAA’IIDADA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN
September 23, 2007
Hadaynu is nidhaahno ka sheekeeya fadaa,isha ama ajarka laga helaayo soomka
bisha ramadaan maaha mid aynu soo koobi karnno balse wax ka mida ayaynu ka
sheegi doonaa in shaa alaah,sababta aan u doortay inaan ka hadlo mawduucanna
waxay tahay waayo waxa jira dadbadan oon fahansanneen faa,idada ay laydahay
soomka bishani iyo ujeedada loo soomaayo sidaa awgeed ayaa qofku markuu fahmo
sheega faa,idadiisa iyo waxa laga helaayo ee ajara iyo manfacaa ayuu ku
dhiiranaan karaa inuu ficil la yimaado.
Hadaba faa,idooyinka bishani ay laydahay iyo fadaa,isheeda waxaa ka mida walaal.
1. Bisha ramadaan waxaa la furaa albaabada jannada waxaana la xidhaa albbaabada
naarta ,sidoo kale waxaa la kantiinadeeyaa ama la xidhaa shayaadiinta,taasina
waa fursad qaaliya oo loo baahan yahay in laga faa,idaysto.
2. Bisha ramadaan waxaa ku jira habayn ka khayrbadan kun habayn ,habaynkaasina
waaa habaynka laytul qadriga,waana habaynkii la soo dajiyay quraanka kariimkaa
markaas habaynkan camalka saalixaa ee la qabto ilaahayna kaa aqbalo wuxuu ka
khayrbadan yahay camaladaad soo qabanaysay kun habayn.
3. Bisha ramadaan dadka sooman malaa,ikta ilaahay ayaa u ducaysa ilaahaynna u
barida inuu u danbi dhaafo adoomihiisa sooman.
4. Bisha ramadaan alla baryiga ilaahay la baryo waxna la waydiisto waa mid la
aqbalo,hadaba walaal inagoo ka faa,idaysaneena fursadaa qaaligaa yaynaan kala
bakhaylin inaynu u soo ducayno ummada islaamkaa,iyo inuu ilaahay nasrigiisa u
soo dadajiyo.
5. Soomka bisha ramadaan wuxuu kaa ilaalinayaa naarta inaad gashid wuxuu yidhi
nabigaynii suubanaa c.s soomku waa gaashaan bimacnaa waa mid kaa ilaalinaaya
naarta ilaahay
6. Soomku waa wadadii kugu ridaysay jannada wuxuu yidhi rasuuulku s,c waxaa
jannada ku yaala albaab la yidhaahdo RAYAAN oo ay kagalayaan dadka soomani
maalinta qiyaamaha cidkalena aanay san ka galayn iyaga mooyaane marakay wada
galaan dadka soo soomi jiray ayaa la xidhaa cidkalena kama soo gasho albaabkaas
jannada .
7. Abaal gudka soomka ilaaahay mooyaane cid ogi ma jirto ajarka loogu abaal
gudaayo qofka soo soomi jiray ilaahay ayuunbaa qiyaasi kara sidaa awgeed ayuu
yidhi rasuulku c,s isago ilaaahay inooga soo warinaaya wuxuu yidhi ilaahay
xadiis qudusi,camalkaste oo uu sameeyo ina aadem isaga iska leh soomka mooyaane
anaa leh anaan ka abaal marinaaya . sidaas ayuu ilaahay uugu balan qaaday qofka
soo soomi jiray sababtuna waxay tahay waxay yidhaahdaan culumadu acmaasha kale
oo dhan waxaa gali karta ustusnimo iyo riyaa soomka mooyaane isaga magasho
ustusnimadu .
8. Soomka bisha ramadaan waxay sabab u tahay inuu ilaahay kuu danbi dhaafo oo uu
ku cafiyo siduu sheegay nabigu c.s wuxuu yidhi rasuulku, qofka sooma bisha
ramadaan isagoo aaminsan waajibnimadeeda ilaahay dartiinna u soomaya waxaa laga
dhaafaa danbigiisii hore oo dhan.
9. Soomku wuu kuu shafeeca qaadayaa maalinta qiyaamaha erggo ayaanu kuu
noqonayaa siday inoo sheegtay axadiistu wuxuu yidhi rasuulku .soomka iyo
quraanku labadooduba waxay erggo u noqdaan adoonka, soomku wuxuu ku doodaa
ilaahayaw waxaan u diiday adoonkan inuu wax cuno iyo inuu wax cababa maalintii
markaas ilaahayaw aniga dartay ku dhaaf .quraankuna wuxuu ilaahay kula doodaa
ilaahayaw waxaan u diiday inuu habaynkii seexdo markaas aniga awgay ku dhaaf ,sidaas
ayay uugu shafeeca qaadaan ciddii ka soo samaysatay aduunka.
10. Gabagabadiinna xittaa soomka waxaa laga helay arima badan oo caafimaad ahaan
u fiican ama wuxuu dawo ka noqday xanuuno badan sida la ogaaday markii cilmi
baadhis lagu sameeyay , taasina waxay sii aakidaysaa hadalkii nabigu yidhi c.s
sooma waydun caafimaadine , markaas xanuunada uu dawada ka yahay soomku way
badan yihiin waxaana ka mida inuu dheefshiidka caloosha ama mishiinka caloosha
ee wax ridqa siiyo awood ka ilaalisa xanuunada ,sidoo kale wuxuu soomku ka
ilaaliyaa qofka xanuunada ka dhasha baruurta iyo misaanka culus sida xeedhowga
wadnaha iyo dhii karka iyo xanuunada kale ee wadnaha ku dhaca , iyo xanuuno
badan oo kale ayuu dawo ka yahay soomku sida lagu ogaaday cilmi baadhis imika,
waxaanaad uuga noqonkartaa kitaabka maqiciisu yahay ,soomku waa mucjiso cilmiya
,oo ku qoran af carabi .waxaana qoray ,c/ jawaad saawi .ilaahay walaal bishan
barkaysan khayrkayda ha ina siiyo kuwa uu naarta ka xoreeyana ha inaga dhigo.
wallaahu aclam.
Abdiqaadir Aaden X. Cilmi
Hargeisa /Somaliland
jiilaani2@hotmail.com
Printer Version
| |
|