NEWS

UNICEF oo Qalab ku Wareejisay Hay’adda NERAD
September 21, 2007


Hay’adda ka-hortagga Aafooyin Dabiiciga ah (NERAD), ayaa shalay la guddoonsiiyey qalab-xafiiseed arrimihiisu dhan yahay 10,000 $ dollar oo ay ugu deeqday hay’adda Qaramada Midoobay UNICEF.

Xaflad loo sameeyey wareejinta deeqdan oo lagu qabtay xarunta NERAD ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay xukuumadda, hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa samafalka caalamiga ah iyo marti-sharaf kale, ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka musaasibaddan.

Md. Cali Sanyare waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyada ay qaranka u leedahay hay’adda NERAD iyo waxyaabaha iman kara la’aanteed.

“Waxaan u malaynayaa waxa loo dhammaystiray meeshan lagu shiro ee quruxda badan leh, anagu waanu ognahee ninkaan ogayn waxaan u sheegayaa in ha`ayaddani tahay mid aad u muhiim ah oo ah in ay ka shaqayso aafooyinka dabiiciga ah Alleh innaguma keenee, ayaa laga tabaabushaystaa si marka ay wax dhacaan ay dadkii aqoonta u lahaa ay markaba ay markiiba ummadda u dhaqaajiyaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen, dunida oo dhana waa laga leeyahay, waayo haddaanad ka tabaabulshaysan waxaa dhaca in ay aafadii kugu soo badato oo ay dhibaataduna meel aad u fog ku gayso, laakiin haddii aad leedahay hay’ad sidan oo kale ah markiiba dadku wuu ka soo kabanayaa. Markaa beryahan waxaa innagu dhici jiray aafooyin ka yimaadda xagga roobka oo waxaan u malaynayaa sannadan gudaheeda siddeed ilaa sagaal degmo ayaa loo gurmaday oo ay inta badana ahaa dhibaato ay ku keeneen roobabkaas, taana waxa si ku meel gaadh ah u hayn jirtay Wasaaradda Qorshaynta, iyadoo markaa hay’addu ku jirtay dhismihii ay isku dhisayeen in ay u diyaar garoobaan hawlahaa looga baahan yahay, markaa annaga [Wasaaradda Qorshaynta] xilkaasi wuxuu nagu hayaa mid culus oo aan isa saarnay, sababta aannu isku saarnayna waxa ay ahayd oo keliya, maadaama ay aafooyinkii yimaadaan hay’adduna aanay diyaar u ahayn in aan dadkeenaa ay aafadu ku dhacday aanay suurto gelin in sidaa lagaga tago, oo dawlad iyo hay’adba loo gurmado si dhibaatooyinka looga qabto,” ayuu yidhi wasiirku, waxaannu intaa ku daray in xilkaa ay wasaaradoodu sida ku meel gaadha ah u haysay ay hadda ku wareejinayaan hay’adda NERAD, maadaama ay hadda diyaar tahay.

Md. Cali Sanyare waxa uu kula dardaarmay gudoomiha haayada Nerad in howsha ay ka sii badiyaan inta ay qabteen iyagu qabteen wasaarad ahaan, ugu danbayntii waxa uu mahadnaq u jeediyey hay’adda UNICEF ee bixisay qalabka deeqda ah iyo hay’adda OXFORM oo uu sheegay in ay hirgelsay dhismaha lagu qalabaynayo agabkan.

Guddoomiyaha hay’adda ka-hortagga aafooyinka dabiiciga ah (NERAD) Md. Maxamed Muuse Cawaale oo isna halkaa ka hadal kooban ka jeediyey, ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey ujeeddada kulanka iyo hawlaha ay qabato hay’adoodu “Aad baanu idiin ku mahadnaqaynaa hay’adahiinan meesha yimi, waxananu idiinku yeedhnay in aynu gacan isa siino oo marka wax dhacaan Illaahay aafooyinka ha innaga daayee, laakiin haddii ay wax dhacaan waxaay u baahan tahay had iyo goor diyaar garow, dawo-shaqayn iyo dadaal, annagu waxaannu ballan ku qaadaynaa xukuumadda u sheegaynaa in aannu dhinacayaga dadaalayno intii kartiyadu gaadho, taasoo ah in arrinkan [ka-hortagga aafooyinka] la geeyo degmooyinka iyo gobollada, oo meel walba la sameeyo ciddii ka shaqayn lahayd. Hay’adda xoogeedu waa u diyaar garaw oo maaha maalinta way wax dhacaan in aannu hanbararo dabadeedtan gidaarada jiidhno,” ayuu yidhi Afaasimuhu.

Md. Maxamed Muuse Cawaale, waxa uu mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey hay’adaha UNICEF iyo OXFORM oo iska kaashaday dhismaha iyo qalabaynta xarunta NERAD.

Madaxa hay’adda UNICEF ee Somaliland Ms. Wafaa Saciid oo iyana halkaa ka hadashay ayaa ku tilmaantay qalabka mid aad u muhiim ah, isla markaana wax weyn ka tari doona baahiyihii adeeg ee hay’adda NERAD, Ms. Wafaa waxa kale oo ay ku dheeraatay hawlaha ay dalka ka fuliso hay’adoodu iyadoo xustay in arrimaha muhiimka ah ee ay qabtaan ee ay ka mid yihiin daryeelka carruurta, gaar ahaan waxbarashadooda, xuquuqdooda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa horumarkooda nololeed.

Ms. Wafaa waxa kale oo intaa ku dartay in ay ka hawlgalaan sidii loo kobcin lahaa hab-maamul wanaagga iyo wacyigelinta bulshada.

Madaxa hay’adda OXFORM ee xafiiskeeda Somaliland, Mr. Cabdillaahi Huuno oo isna halkaa ka hadalay, ayaa ka warramay hawlaha ay hay’adoodu ka fuliso dalka iyo wadashaqaynta ka dhexaysa iyaga iyo NERAD.

__

Source: Jamhuuriya



 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].