|
Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin Oo Goor Dhoweyd Gaaray Magaalada
Baydhabo
October 31, 2007
Warararka naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha
Dibadda Ethiopia iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Magaaladaas soo gaareen, iyagoo
halkaas wada hadalo kula leh Madaxweynaha Dowladda Kmg ah iyo Afhayeenka
Baarlamaanka.
Socdaalka Seyoum Mesfin ee Magaalada Baydhabo ayaa ku soo aaday 3 Maalmood kadib
markii uu is casilay Ra段isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi
oo muddo is qabteen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, lamana oga in booqashadan salka
ku hayso cidda loo Magacaabayo Jagada Ra段isal Wasaaraha Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Seyoum Mesfin markii uu Baydhabo soo gaaray isagoo ay
la socdaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Addis Ababa wada hadalo la bilaabay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.
Mr Seyoum iyo Madaxda Dowladda ayaa la sheegayaa in wada tashiyo hoose leeyihiin,
inta badan wadahadalada ayaa waxay salka ku hayaan cidda loo magacabayo Jagada
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu meesha baneeyay
Ra段isul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi.
Ethiopia waa awooda koowaad ee Dowladda Soomaaliya u suurtigeliyay in ay meesha
ka saarto Maamulkii Maxkamadihii Islaamiga, waxayna door weyn ka cayaari kartaa
Xukuumadda Addis ababa in ay cod ka dhiibato cidda noqonayso Ra段isul Wasaaraha
cusub, mana dhici karto shaqsi Ethiopia aan rabin in dalkan uu Ra段isul Wasaari
ka noqdo
__
Source: Jowhar
Printer Version
| |
|