|
|
WARAR_WAABSAN
|
|
|
Warar Waabsan
November 30, 2007
(SOHTA) Maanta waxa caalamka laga xusayaa maalintii caalamigga ahayd ee
AIDS-ka iyo HIV-ga, oo sidda muuqata loo dabaal dagay, markii ugu horeysay ee ay
hoos u dhacday tirada dadka qaadaya AIDS-ka iyo HIV-ga, intii la bilaabay
halganka caalamiga ah ee lagu qaaday cudurkaa digaalka ah.
Weftigii Somaliland uga qayb galay shirkii Barwaaqo sooranka ee ka dhacay
Ugandha, ayaa beri la filayaa inney beri ku soo noqdaan. Shir ay Neirobi ku
qabteen ayey ka sheegeen inney codsadeen in la aqoon saddo Somaliland,
xubinimada shirkaana la ogolaada waxay raaciyeen inney la kulmeen 12 wefti oo
matalayey xukuumadahooda si wanaagsana goob joognima loogu soo dhaweeyo.
Warar Waabsan
November 27, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Golaha Guurtida ayaa gudi u saaray soo darasta, waxkabadalka
Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Dowladaha Hoose, si goluhu uga doodo go'aana
uu uga gaadho.
Sida ay Jamhuuriya qortay, weriyaheedii Laascaanood, Qadari ayaa xabsigga
loo taxaabay sababtoo ah, baaq ama bayaan Laascaanood, muwaadiniin Sool u
dhashay.
Warar Waabsan
November 26, 2007
Warar Waabsan (SOHTA - Hargeysa) "Transmitters" cusub ayaa soo gaadhay Radio
Hargeysa, sida ay wararku ay sheegayaan; kuwaas oo awooda lalinta Radio Hargeysa
kordhin doona si looga maqlo dalka gudihiisa iyo dibadaba ilaa dalalka carabta.
C/Laahi Yuusuf iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa Nuur Cade hordhigay,
magacyada dad ay doonayaan, in uu wasaaradiisa ku soo daro. Sidaa waxaa qortay
Jawhar.
|
|
|
|