|
|
NEWS
|
|
|
TACSI: Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi Racijuun.
November 29, 2007
Anigoo ah Ahmed Abdullahi Obsiye kuna hadlaya magacayga iyo kan jaaliyadda Reer
Somaliland ee ku dhaqan carriga Norway, waxaan halkan tacsi u diraynaa:
_ Reer Yuusuf Ducaale
_ Reer Jaamac cabi,
_i yo dhammaan ehliyaddii iyo qaraabadii oo ay dalka Norway ku geeriyootay
Ilaahay janadiisii FARDAWSA haka waraabiyee Marxuumad CAASHA AW YUUSUF DUCAALE,
markay taariikhdu ahayd sabtidii 24 November. Waxaanu EEBBE ka baryaynaa inuu
Samir iyo iimaan dhammaanteen inaga siiyo, gaar ahaana walaalaheed Axmed Aw
Yuusuf Ducaale iyo Buube yuusuf Ducaale, Marxuumadana Hoygeeda ka dhigo
Janadii.AAMIIN AAMIIN.
Geeridu waa xaq, noolana waa dhinte. Ilaahay baa kaligiis Baaqi ah. Waxaa loo
diyaariyay in lagu aaso haddii EEEBBE idmo Xabaalaha Muslimiinta ee yaala
xaafadda Hųybråten ee caasimadda Oslo maalinta khamiista 29 November.
waxaa kale oo Tacsidan si gaar ah u diraya dadkan:
_ Tafaftirayaasha websiteka weyn ee Somaliland center Muxumad Xirsi (Nudi-doon),
Canada, iyo mukhtar xirsi, UK
_ Abdisalaan Aw Ciise Maaweel Norway
_ Ali Abillahi Bulxan Norway
_ Abdulkadir Cawaale Odowaa Norway
_ Mohamed Yousuf Guuleed Norway
_ Mohamed Ali Ahmed Norway
_ Maxamed Diifoo Norway
_ Abdirahim Cumar Norway
_ Asha Muxumad Madar Norway
_ Abdul Kadir Mohammed Ahmed Norway
_ Sahra Husein Aw Bashbash Norway
Ahmed Abdullahi Obsiye
Oslo, Norway
Printer Version
| |
|
|