|
|
NEWS
|
|
|
Beesha C/laahi Yuusuf Oo Lagu Eedeeyay Sad Bursi In Ay Ku Heyso Beelaha Kale Ee
Soomaaliyeed
November 30, 2007
Qaar kamid ah beelaha Somaliyeed ayaa daaha ka rogay in beesha Madaxweynaha
dawladda Somaliya ay sadbursi xoogan ku heyso beelaha kale isla markaana ay ku
tumatay qaabkii awood qeybsiga ee lagu soo dhisay Xukumada Somaliya.
Masuul u hadlay beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ka shanqariyay in beesha C/laahi
Yuusuf ay isku koobtay dhamaan awoodii Ciidanka ee dawladda isla markaana ay u
diideen beelaha kale qaar halka beesha Digil iyo Mirifle aan waxba laga siin.
Waxaa uu sheegay masuulkaasi oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan in beelaha dega
Bay iyo Bakool iyo kuwa kale laga kor tallaabsaday sidii in aysan aqoon hogaamin
ciidan iyo howl Milatari.
Ibraahim Aadam waxaa uu xusay in tani ay soo dadajin kareyso naceyb mar kale ka
dhex abuurma beelaha Somaliyeed hadii aysan Xukuumadu noqon mid udub dhexaad u
ah howsha iyo kala qeybsiga awooda dalka.
Beesha C/laahi Yuusuf ee Daarood iyo Jilibkiisa hoose ayaa lagu tuhmaa in ay
sadbursi xoogan ku hayaan beelaha kale ee Somaliyeed iyadoona ay jiraan jagooyin
aysan cidna kala qaban.
__
Source: Jowhar
Printer Version
| |
|
|