|
|
WARAR_WAABSAN
|
|
|
Niman Hubeysan Oo Baargaal Laash Ku Yimi
May 30, 2007
(SOHTA) - Sida laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du sheegtay maanta, niman aad u hubeysan oo laash ku soo galay magaalada Baargaal taasoo Boosaaso u jirta 400km, ayey ciidamadii bileyska ee halkaa joogay rasaas is weydaarsadeen. Koox Boosaaso iyo Baargaalba u dhalatey oo soo dhaweyneysay nina waa laga qabtay gaadhigoodiina waa la hayaa. Inkastoo ciidan lagu saaray nimankii way baxsadeen, saraakiisha amniguna waxay leeyihiiin nimankaasi Soomaali iyo ajnabiba wey iskugu jireen waxaana ka yimaadeen Raaskiyaambooni oo ah goobihii ciidamada maxkamadaha aad laagu weerarey.
Innaa-Li-LL-aahi Wa Innaa-ILL-Ilaahu Raajucuun
May 31, 2007
Bahda shabakada Somalilandhorta, iyo reer Axmed
Yuusuf Ducaale waxay tacsi u dirayaan eheladii, qaraabadii iyo mujaahidiintii
uu ka geeriyooday X. Maxamuud Ismaaciil Cali (Waraabe Cadde) oo maanta lagu
aasay Burco, Magaalo madaxda Gobolka Togdheer Ilaahayna waxaay uga baryayaan
Mujaahidkaa, in uu janadii ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan inaga siiyo -Ameen!!!.
Warar Waabsan
May 28, 2007
Maanta ayuu olaha Wakiiladu ansaxiyey Agendihii fadhigga kal-fadhigga 4aad ee golaha. - Laba qarax ayaa maanta ka dhacay
Jigjiga iyo Dhagaxbuur, laba munaasabadood oo lagu xusayey maalintii xukunka mingiste lagala wareegay. Dhaawac badan iyo
dhimishaba qaraxyaddaa way ka dhasheen. - Ilaa maanta dadka shuban-biyoodka loodhigay dhakhtarka Burco 90 bay gaadhayeen,
labaana u dhintay cudurkaa.
Maxamuud Nuur Ducaale (Xariif) Ou Ku Biiriyey Magaciisa Magacyadda Xubnaha Kulmiye Ee U Tartamaya Xafiisyada Sare
May 27, 2007
(SOHTA - TORONTO) - Warar kasoo baxaya ilo xog ogaala, Birmingham (UK) ayaa akidaya in Maxamuud Nuur Ducaale oo loo yaqaan
Xariif uuse badeshay xariir, in uu isaguna ku biiriyey magaciisa magacyadda xubnaha Kulmiye ee u tartamaya xafiisyada sare
(Gudoomiye Ku-Xiggeenka, Gudoomiyaha) ee xisbigga kulmiye oo la filayo in lagu soo saaro shirweynaha xisbigga ee soo socdo
lana filayo in uu dhawaan dhaco. Wixii warar ah ee arimahaa la xidhiidha halkan nagala socda.
Gudoomiyaha Kulmiye Oo Hambalyo Udiray Shacbiga Somaliland
May 17, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Gudoomiyaha Xisbigga Kulmiya Mud: Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ku hambalyeeyay shacbigga Somaliland, guddaha iyo dibaddaba qeybaha bulshadda ideylkood, xuska munaasabada 18ka May; taas oo ah 16 Guuradii gooni-isu-taaga iyo qaranimadda Somaliland. Hambalyadaa gudoomiyuhu waxuu raaciyey, eedeyn badan uu u soo jeediyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Wasiiro La Magacaabay
May 16, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Warsaxafadeed maanta kasoo baxay madaxtooyada ayaa sheeegay in madaxweynuhu magacaabay laba wasiir iyo wasiir kuxigeen. C/asiis Waaberi Rooble waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Hidaha iyo Dhaqanka. C/Laahi Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga halka C/xaliim Maxamed Muusena looga magacaabay Wasiir ku xiggeenka Wasaarada Ganacsiga.
Kulmiye Oo Magacaabay Xubintii7aad Ee Komishanka :
May 15, 2007
(SOHTA - Hargeysa) War saxafadeed maanta kasoo baxay Xisbigga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha xisbiggu ayaa cadeeyey in Xirsi Cali X.Xassan oo ah nin cilmigga Computer's ku xeel dheer u magacaabay in uu noqdo xubinta 7aad ee doorashooyinka; taas oo mudaba Kulmiye laga sugayey mawaadinka la magacaabay wuxuu ka soo jeeda Barigga Burco. Maggaca xubintaa Kulmiye waxuu u gudbiyey Madaxweynaha, iyadoo la filayo sida Xeer LMR. 20/01 uu dhigayo in uu Madaxweynuhu u gudbiyo Golaha Wakiiladaha oo awooda ansaxinta xubnaha Xeerku siinayo golahaa.
Golaha Guurtida Oo Wax Ka Badalay Xeerkii Diiwaangelinta
May 14, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Fadhigiisii maanta ayuu Golaha Guurtidu, muddo markii dooodiisu socotey, u ucodeeyay Xeerkii diiwaangelinta. Hase yeeshee Xeerku wuxuu ku gudbay 27 wax ka badal ogolaaday iyo 26 diiday. Xubnaha Golahu aad bay ugu qeybsanaayeen, qodobka ugu mihiimsan oo ahaa qofka halkuu deganyahay ha laga diiwaangeliyo oo halkaa haka codeeyo iyo maya e hala diiwaangeliyo gobolkay tahay meeshuu kolba ka joogo haka codeeyo. Aqlabiyadaa yarei waxay ogalaatay in halkuu deganyahay qofku laga diiwaangeliyo kanna codeeyo.
Waxkabadalka Xeerka Lum 37/07 wuxu taabanayaa qodobka 12-aad farqada 3-aad oo u qorayd "codeeyuhu goobta laga diiwaan geliyo gobolkay ku taalo meeshuu ka joogo kolba ha ka codeeyo; taasoo imika imika loo badaly codeeyuhu goobta laga diiwaangeliyo uun buu ka codayn karaa. Xeerku wuxuu dib ugu noqonayaa Golaha Wakiilaada si uu Golahaasi eegmo dambe ugu celiyo, kadibna Madaxweynaha u ugu gudbiyo.
/b>
Madaxweyne Ku-Xiggeenkii Iyo Waftigiisii Oo Caawa London Soogaadhay
May 10, 2007
(SOHTA - London) Waxa caawa ka soo degay Heathrow Airport, madaarka London, Madaxweyne Ku-Xiggeeenkii Somaliland oo ay weheliyaan Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha iyo Wasiir Ku-Xiggeenka Caafimaadka. Weftiga waxaa halkaa kusoo dhaweeyay madaxda Jahliyada Somaliland ee boqortooyada Ingiriiska; weftiga oo u ku yimi dalka Ingiriiska martiqaad ay u fidisay Jahliyada Somaliland ee Boqortooyadu si u ugala qaybgalo weftigu xaflad weyn oo lagu sharfayo maalinta qaranimada Somaliland; taas oo lagu qaban doono W/London.
Waxaa la filayaa weftigu inta uu joogo in uu lakulmi doono Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Boqortooyada. Waxa kaloo la filayaa in dhawr magaalo oo kale soo booqdaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta KMG Oo Saaka Qarax Ka Badbaaday
May 10, 2007
(SOHTA - Muqdisho) Taliyaha Ciidanka Asluubta ee KMG-ka Cabdilaahi Macalin iyo kolonyo gawaadhiya oo la socotey ayaa saaka ka badbaaday qarax weyn oo lala eegtay isaga iyo kolonyadaa la socotay. Waxaa xusid mudan in gaadhi bileysku leeyahay isgoyska Aadan Cade iyo jidka wadnaha isna lala eegtay bambaane dhimasho iyo dhaawacba keenay. Bakaarahana qeyb ka mida ayaa bambaane lala eegtay dhimasho iyo dhaawacba u geystay. Dhacdooyinkani waxay u muuqdaan in ciidamadii iska caabiga ee dadka ku dhex milmay ay bilaabeen weeraro gaadmo ah oo ah kuwa loo yaqaan kudhafo oo ka dhababacee.
Laba Sarkaal oo CARE ka tirsan oo Isku shuban lagu afduubay
May 9, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Wararlaga helay maamul reereedka Garoowe, ayaa sheegay in laba sarkaal, mid ingiriis u dhashay midna kiinya u dashau oo ka tirsanaa Hay'ada CARE laguna af duubay Iskushuban.
Kooxda labada sarkaal ka mid ahaaayeen waxay wadeen hawl guryo loogu dhisayo dadkii ku gurya beelay dhibaatadoi sunami. Nimanka la afduubay oo haubeysnaa labadaa sarkaal meel ayku sugan yihiin lama oga.
Mudaharaad Ka Dhacay Laascanood
May 9, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Dadweyne gadoodsan uu hubeysan ayaa mudaharaad la hortegay saldhigga bileyskee Laascaanood; iyadoo halkaa tacshiirad laysku weydaarsaday, dhimashose aan la soo sheegin.
Muddaharaadkani waxuu ku dhashay xadhig la xidhay 5 nin oo Sool u dhashay kase tegay Yagoori iyo Adhi Cadeeye, ka dibna maamul reereedka Garoobe uu u xidhay Somalilandiyan. Warar xog ogaal ah ayaa sheegay reerahay ka dhasheen ay galeen shirar ay ku qiimeynayaan Garoobe waxay u qabatay degaankooda, kadibna ay ku qanceen in aanay waxba u qaban in maamulkaasi degaankooda kabaxo.
TACSI:
Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi
Raajicuun Bahda soo saarta Somalilandhorta, Reer Ahmed
Yuusuf Ducaale, Reer Cabdil Kariim Hassan Alim, Shukri Kheyre, Cali Mahdi,
Guuleed Mahdi, Muna Mahdi, Reer Abshir Nuur Cumar, Reer Cali Aadan Mecaad, Reer Muuse Xassan Ismaciil , Yaasiin Abdi Muxumed, iyo Muse Ibraahim Bookh
waxay tacsi u dirayaan qoyskii eheladii iyo qaraabadii gaar ahaan
caruurtiisa iyo Reer Maxamed Mecaad oo dhan ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud
Maxamed Meecaad (Maxamuud Dresser) oo maanta (7/5/07) lagu aasay magaalada
Gabiley Marxuunkana waxay Ilaahay uga baryayaan inuu Janada ugu deeqo. Intuu
ka baxayna illaahay samir iyo iimaan haka siiyo - Ameen -
Xuskii Marxuum Cigaal Iyo Khilaafadka Oo La Daweeyo
May 6, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Xalay ayaa lagu qabtay Hotel Maan-soor, xaflad lagu xusayey
sanad guuradii 5aad ee ka soo wareegtay geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxweynihii 2aad ee JSL.
Xafladda waxaa soo qaban qaabiyey Egal Foundation. Xafladda waxaa ka hadlay gudoomiyaha G/Guurtida, G/Golaha Wakiilada, Gudoomiyaha Xisbigga UCID, Muuse Biixi iyo Marwo Kaltuun X. Daahir, Marwadii marxuunka. Waxay taab-taabteen taarikhdii siyaasiga ahayd ee
Marxuumka, 60kii ka hor iyo halganka qaybtii ku lahaa ilaa dib-u-dhiskii qaranimo ee Somaliland
taas oo Ilaahay oofsaday isaga oo xilkii madexweynenimo gacanta ku haya. Gudoomiyaha guurtida ayaa munaasabadan tibaaxay in khilaaf golayaasha iyo xukuumadda ka dhaxeeya uu jiro oo u baahan in xal loo helo. Wuxuu si gaara u xusay khilaafka ka dhexeeya Madaxweynaha ama xukuumadda Golaha Wakiilada; khilaafkaas oo uu sheegay in sharcigga la isla hor tegi karo, go'aanka garsoorkana dhinac ku guuleysan karo,laakiin raadka go'aankaasi reebaa weligii jiri doono. Gudoomiyuhu wuxuu intaa raaciyay in madaxda talada dalka haysaa, xukuumad, golayaal iyo xisbiyaba isa soo hor fadhiistaan oo ay wada hadal khilaafka xal ugu deydayaan.
Kulmiye Waan Ku Faanayaa
May 2, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Markii uu Madaxweynuhu uu dhameeyay haddalka uu saxaafada siiyay, ayuu Samaale Guddoomiye-Ku-Xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladu shir jaraa'id isna ku qabtay xarunta wakiilada; isagoo ka jawaabaya soo hadalqaadkii Madaxweynuhu soo hadal qaaday isaga. Sida afhayeenka Kulmiye ayuu u dhaqmaayaa Samaale oo Madaxweynu ku edeeyay, ayuu Samaale kaga jawaabay inuu Kulmiye magaciisa ku soo galay golaaha isla markaana ku faanaya inuu Kulmiye yahay. Wuxuu intaa raaciyey in xubnaha golaha kula jira ee Udub uu u arko rag ay shaqadu walaalaysay, Madaxweynahana aanu weligii ku eedeyneyn inuu u dhaqmo sidii qof Udub u madaxa laakiinse uu u arko Madaxweynihii JSL. Wada shaqeyn la'aanta Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada Samaale waxa uu masuuliyadeeda saaray Madaxweynaha oo uu u arko in aanu xeerarka iyo dastuurka dhawrin.
Madaxweynuhu Masoo Celinkaro Misaaniyada :
May 2, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Shirjaraa'id oo uu ku qabtay Hotelka Raasuun, Maxamed Xaashi, oo kamida siyaasiyiinta u ololeyneysa Ururka cusub ee ay doonayaan in ay urur ahaan u diiwaan geliyaan, kadibna uu doorashada dawladaha hoose uu sidaa kaga qeybgalo ayaa sheegay in Madaxweynuhu wuxuu doonana kasoo jawaabo wuxuu doonana ka aamuso. Intaa waxa uu raaciyey hadal uu macnihiisu yahay in aanu Madaxweynuhu xaq u lahayn in uu misaaniyada soo celiyo. Wuxuu ku dooday in misaaniyadu sharci sanad kastaba taagan ay tahay, ansixinteeduna ay gaar u tahay Golaha Wakiiladda, oo aaney guurtidu shaqo ku lahayn. Wuxuu intaa raaciyey in xeerarka in Madaxweynuhu soo celin karaa ay yihiin kuwa labada gole mara; sidaa darteedna aanu u soo celin karin miisaaniyad. Waxa kale ee uu ka hadlay ururkey doonayaan iney dhisaan oo uu sheegay in qodobadda dastuurka 22, 23 iyo 127 intuba ay jideynayaan ururkaa sharciyadiisa. Waxa kale uu sheegay siyaabaha kala duwan ee ay ururkaa u arkeen Xeer ilaalinta iyo xisbiyada.
Siyaaradii Jiylaani Qaddasa -LLaahu Sirrah-Ul-Caziiz:
May 1, 2007
(SOHTA - Toronto) - Siyaaraddii Sheekh Cab-dulqaadir Al-Jiilaani ayaa ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaacah ee waqooyiga Mareykan (A.W.Jaamaca of North America-ASWANA) ayka dhiggeen magaaladan Toronto 11 Rabiic-U-Thaani, ahaydna 28 bisha April. Siyaaradaa dad badan ayaa kasoo qayb galay, kadib markii manaaqibkii sheekha la akhriyayna maxaadarooyin ayey halkaa ka jeediyeen culumo ururka ka tirsan; muxaadarooyinkaa oo tilmaayey taariikhdii sheekha iyo qaybtii libaax ee uu sheekhu ka qaatay faafinta diinta iyo siday culumadii silsiladiisa haysatey ilaa iyo maanta ay diinta u faafinayaan, bidcadda diinta fasahaadineysana ula
dagaalamayaan.
|
|
|
|