NEWS

Saan Saan Dagaal oo laga dareemayo Duleedka Kismaayo iyo Deegaanka Buulo Gaduud
May 31, 2007


Abaabuloi ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa Duleedka Magaalada Kismaayo iyo Deegaanka Buulo Gaduud, iyadoo dhinacyadii hore ugu dagaalamay Kismaayo ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dhinacyada isku haya Magaalada Kismaayo ay wadaan is uruursi dhinaca ciidanka ah.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in mar kale dagaal qaraar oo faraha looga gubto uu ka dhaco Kismaayo, marka loo eego abaabulka ay labada dhinac wadaan.

Deegaanka Buulo Gaduud waxaa ku sugan Maleeshiyaad taageersan Madaxweynaha oo laga soo saaray Kismaayo, waxaana la sheegay in dhankooda ay ka wadaan abaabulo ciidan, iyadoo maalinimadii shalayna ay halkaas soo gaareen Ciidamo fara badan iyo saanad hub ah oo ka yimid Baydhabo.

Sidoo kale Kismaayo ayaa waxaa harqinaya duleedkeeda ciidammo fara badan oo ka tirsan Maleeshiyooyinkii hore ula wareegay gacan ku heynta Kismaayo, waxaana ay isku dayayaan in ay difaacaan gacan ku heyntooda Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa waxay tibaaxayaan in cabsi weyn ay la soo daristay dadka shacabka ah ee ku sugan Kismaayo waxaana dadku ay sheegayaan in dagaallo ay lagama maarmaan noqon karaan marka loo eego isku hub urursiga u dhexeeya labada dhinac.

__

Source: Jowhar
 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].