|
|
NEWS
|
|
|
Ra'iisul Wasaare Geeddi oo u ololeynaya inuu mar kale xilal u dhiibo Hogaamiyeyaashii dagaalka ee uu horay xilalkoodii uga qaaday
May 2, 2007
Ilahaan wareed ee ku dhow Ra'iisul wasaare Geeddi ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaaruhu uu si weyn ugu ololeynayo inuu jagooyin u magacaabo Xildhbaanada kala ah Maxamed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxoow, isagoo arrintaan wadahadallo kala leh Madaxweyne Yuusuf.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in qorshaha socda uu yahay mid ay isla wada og yihiin Madaxda uga sareysa Dowladda, waxaana qorshaha dhinac ka wada Dowladda Ethiopia oo iyada u aragta in Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ay noqon karaan kuwo kaalin ka qaadan kara xasilinta Muqdisho, hadii laga qeyb geliyo Maamulka Dowladda Federaalka.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa la sheegayaa in arrintan uu wada tashiyo kala duwan uu kala yeelanayo dhinacyada Dowladda, Inkastoo Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi ay hore xilalkoodii u waayeen, ayaa hadana waxa ay ahaayeen xubnihii keliya ay Dowladda Mucaaradad weyn ay kala horyimaadeen xilligii ay ku sugneyd Baydhabo, ayna ahaayeen kuwii abbabuli jiray mucaaradka dowladda.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi ayaa waxaa la sheegayaan inuu Madaxweynaha ka dhaadhicinayo in xilal loo magacaabo xildhibaanada, iyadoo wararku sheegayaan in xilalka loo magacaabayo ay ka mid yihiin.
Mr Geeddi ayaa dhowaan xilal u magacaabay Maxamed Dheere iyo Col. Cabdi Qeybdiid oo ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii ay ka itaal roonaadeen Maxkamadihii Islaamiga.
Hadal heynta maalmahan ugu badan Magaalada Muqdisho ayaa ah in Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi loo kala dhiibi doono Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Kan Ganacsaiga.
__
Source: Jowhar
Printer Version
| |
|
|