|
MAIN |
|
Marxuum Haybe - Aas Heer Qaran
March 30, 2007
(SOHTA - Gabiley) - Marxuum Haybe Cumar Magan, latiliyihii
Madaxweynaha JSL dhanka gaashaandhigga, oo Salaasadii ku geeriyooday
magaaladda Jabuuti, ayaa shalay lagu aasay magaaladda Gabiley aas heer
qaran ah. Waftiga xukuumada ka socday waxaa hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Y. Yasiin waxaa iyana ka soo qayb galay Golayaasha Xeer Dejinta ee Qaranka, Madaxda Xisbiyada iyo dadweyne kumanyaala. Mudanne Axmed Maxamed Maxamuud, Gudoomiyaha Kulmiye oo halkaa ka hadlay ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa saraakiishii sarsare ee halgankii hubeysnaa sida wanaagsan uga qeyb qaatay. Kartidiisa hogaamiyeenadna wuxuu ku tilmaamay tu aad u sareysay wuxuu intaa raaciyey nin aad u degan inuu ahaa. Mudana Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa isna sheegay in aanu Marxuumku ahaan jirin nin xil iyo madaxnimo leh. Wuxuu intaa raaciyey in uu ku xusuusnaan doono marxuumku hoggaamintu hogaamin jirey 31-aad iyo kadib hogaamintuu hogaaminayey ciidankii Gabiley iyo Boorame soo galey oo ay hoggaamintuu hoggaaminayey ciidankaa, ay jiidaa ka dhalisay nabad xididada mudatey. Waxaa xusid mudan markii uu kadegay xilkii Wasaarada Beeraha isaga iyo Marxuum Cigaal oo sidaa is la gartey, in xidhiidhkoodo halkiisi ahaa balse intii hore uu ka sii xooganaaday oo ay dhici jirtay in Marxuum Cigaal u yeedho oo uu arrimo badan oo gaashaandhigga la xidhiidha kala tashanjirey.
Suxufiyiintii Haatuf Oo La Sii Daayay:
March 29, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Sadexdii Suxufi ee ka tirsanaa Haatuf, ee uu ku dhacay xukun xadhigga oo 2 sanno ilaa laba sano iyo badh qabashadooduna ahayd maalin labaadii January sanadkan ayaa sida wararku sheegayaan Madaxweynaha JSL maanta cafis u fidiyey; talaabadaas oo ku soo beegantay booqashada weftiga Midowga Yurub sida ay qortay war baahintu.
Tacsi
March 28, 2007
Sheekh Sacad Sheekh Ibraahim iyo Xaaskiisa, C/Kariim Xasn Caalim iyo Hooyadii Shukri Kheyre, Ilma Mahdi Kheyre, Reer Cumar Xuseen, Reer Abshir Nuur, Reer Ibraahim Maxamed Mecaad, C/Fataax Ahmed Yuusuf Ducaale, Yaasiin Cabdi Muxumed iyo Xaaskiisa, Reer Askar Sugaal, Reer Axmed Yuusuf Ducaale iyo Muuse Ibraahim Bookh waxay dhamaan tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaanba Somaliland iyagoo ka tacsideynaya geeridii ku timid Marxuum Haybe Cumar Magan oo habeen hore ku geeriyooday Magaala Madaxda Jabouti Alla Haw Naxariistee. Innaaa Li-Laahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Golaha Guurtida.
March 28, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay, dood Golahu ku qiimeynayey, geedi-socodka siyaasada gudaha ee dalka. Waxaa ka mid ahaa isagoo yiri haddal macnihiisu yahay Dastuurku markuu qoran yahay wuu qurux badan yahay, in lagu socdaana way wanaagsan tahay waxase is weydiin leh qofkii ku socon waaya maxaa laga yeelayaa. Waxa kale uu gudoomiyuhu ka dhawaajiyey in khilaafka ka dhexeeya golayaasha turxaan bixinta iyo isu soo dhaweynta dhinacyada is haya in Goluhu fadhi gaar ah ka yeelen karo, isla markaana raaciyey in Goluhu soo jeedin arrintaa ka sameeyo si goluhu uga hadlo. Gudoomiyuhu wuxuu hore u sheegay in waanwaantii goluhu geli lahaa Madaxweynuhu ka gowsqabsadey isaga oo sharcigga in la raaco ku adkeystay.
Warar Waabsan
March 26, 2007
Wasiirka Cadaaladda ayaa ka dhawaajiyey Khamiistii in
go'aankii Golaha Wakiiladdu, kalfadhigiisii dhamaaday, u
magacaabay guddi soo baadha qaabkii loo maray iyo wixii la
xidhiidha, xadhigga suxufiyiinta Haatuf mid baal marsan
nidaamka dawladnimo, waayo arrintu weli gacanta garsoorka
ayay ku jirtaa. Gudidii Golaha Wakiiladdu u magacaabay in
ay soo baadho qaabkii loo maray xadhigga suxufiyiinta
Haatuf iyo arrimaha xadhiggooda la xidhiidha ayaa
fadhigeedii ugu horeeyay goostay in ay ka codsadaan in
Wasiirka Caddaaladu hortooda yimaado 29 March 2007.
Warwarka iyo walaaca ay ka qabaan dadweynaha Somaliland
khilaafka Komishanka Doorashooyinka la xidhiidha ayaa
maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya, haseyeeshee
sidey Illaahay uga barteen, iyaga oo rajo ku nool ah, ayey
leeyihiin, "Sida Ay U Indho Xuntahay Uma Alla
La'a."
Ayax Ku Habsaday Xeebta Galbeed Ee Somaliland
March 25, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - War ka soo baxay Wasaarada Beeraha
Somaliland ayaa sheegaya inuu Ayax ku habsaday xeebta
Galbeed ee Somaliland marka Lughaya Galbeed looga kaco.
Ayaxaasi Daaqa, Saraca iyo Dhirtaba wuu cunooyaa. Ku
duulaya iyo koron-korba wuu leeyahay isagoo isla markaa
aasaya beed. Kii duulayey buuraleyda ayuu soo galay oo
xaggaa iyo Itoobiya ayuu hayaan ku yahay. Waxa aad baqo
looga qabaa roobabka da'aya in beedkaasi dillaaco uu isna
dhibaatada sii kordhiyo.
Daroor Oo Heshiis Laga Gaadhay
March 25, 2007
(SOHTA - Jigjiga) - War Jigjiga kasoo baxay ayaa sheegaya
in labadii dhinac ee Daroor isku hirdiyey in heshiis
nabadeed loo kala saxeexay. Dhinac kastaba 52 oday ayaa
heshiiska saxeexay oo iskugu jira salaadiin, cuqaal,
odayaal iyo wax garad. Isla heshiiskaa waxaa saxeexay
masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka 5aad ee soomaalida
ee Itoobiya; maamulkaas oo isagu daadahaynayey heshiiskaa
sida la sheegayo heshiisku wuxuu ka kooban yahay 12 qodob.
Mudane Rayaale Oo Diiday Dhexdhexaadintii
Guurtida
March 24, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Mudaba waxaa la sugayey in Guurtidu
dhexdhexaadiso Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada khilaafkii
ku saabsannaa Komishanka Dooroshooyinka. Maanta ayuu ku
dhawaaqay Gudoomiyaha Guurtidu in Shir Gudoonka Golaha
Wakiiladu siiyey kalsoonaantiisii ku wajahnayd
dhexdhexaadinta. Haseyeeshee wuxuu ka dhawaajiyey
Gudoomiyaha Guurtidu in uu Madaxweynuhu siinwaayay
kalsoonaantiisii dhexdhexaadintaa; isagoo Madaxweynuhu ku
adkeystay in arrintaasi arrin sharciga (Garsoor) ka u taala
ay tahay sidaa awadeedna Madaxweynuhu ku adkeystay in uu
arrintaa sharcigga u deynayo. Gudoomiyaha Guurtido wuxuu
haddelkiisii ku soo gabagabeeyay in guurtidu waanwaantii
halkaa kaga hadhay.
Wadahadalo Burburay
March 24, 2007
(SOHTA - Mogadisho) - Wadahadalo dhexsocday odayaal kamida
dadka Muqdiso degga iyo Taliska ciidamadda Itoobiya ee
xamar jooga oo markii hore abuuray rajo waaanwaaneed ayaa
maanta lagu kala kacay. Xaaji Cabdi Imaam Cumar oo ku
hadlayey afka odayadaa la shirayey Taliska ciidamada
Itoobiya ee xamar ayaa sheegay heshiiskii horee ahaa in
iyagga iyo C/Laahi Yuusuf lawada hadalsiiyo oo kii gardaran
laqabto in uu is badaley, oo amar kayimi Taliskaa isagga
ahi uu odhanayo 10km waa in ay ciidamadda la dagaalamaya
KMG dib uga guuraan halkay imika fadhiyaan. Amarku wuxuu
intaa raaciyey hadii sidaa la yeeli waayo Xamar wixii ka
dhaca idinkaa ka masuula. Odayaashunaa waxay ugu jawaabeen
annagu masuul ka noqon maynee idinkaa ka masuul noqonaya
hadaad ciidamadii Itoobiya tihiin.
Warar Waabsan
March 22, 2007
Xukuumada Somaliland ayaa dabcisay xayiraadii ay ku soo
rogtay dadkii Somaliland kaga imanayey Soomaaliya cir iyo
dhulba iyadoo laga baqayo cudur shuban biyoodku inuu
Somaliland soo gaadho. Maanta ayaa lagu soo roggay in
qofkii cadeeya inuu talaalan yahay soo geli karo dalka.
Golahii Wakillada ayaa markuu dhamaystay fadhigiisii aan
caadiga ahayn bishan 20-dii galay fasax 45 maalmood ah.
Howl-qabadkiisii ugu dambeeyeyna wuxuu ahaa in ay guddi u
saareen xadhiggii suxufiyiinta Haatuf iyo jidkii loo maray.
Warar Waabsan
March 21, 2007
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Policeka ee
Somaliland ayaa maanta u baxay Laanta Qaloocan oo Hargeysa
ka xigta Koonfur Galbeed si ay uga hortagaan dhibaato cusub
oo laba dhinac oo dhul isku haya halkaa ku dhexmarta.
Wararka Madaxtooyadda
Wuxuu Madaxweynuhu u magacaabay, Wasaarada Kaluumaysigga
Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef), horena u ahaa Madaxa
waaxda customs-ka haatana ahaa lataliyaha Wasiirka
Maaliyadda kala taliya arrimaha la xidhiidha Berbera
corridor. Jaggadaasi waxay banaanaatay markuu Wasiirkii
hayey Alla-ha-u-naxariistee geeriyooday bishii December
2006.
Madaxweynuhu wuxuu shallay u gudbiyey Maxkammada Sare
dacwad u ku deedefaynayo go'aankii Golaha Wakiiladu labada
sano ugu kordhiyey Guddiga Doorashooyinka Qaranka; taas oo
sababtay in Madaxweynuhu shaqadii ka fadhiisiyo xubnihii
gudigaa iyaga ah. Arrintaa waxaa ka dhashay khilaaf ilaa
imika oogan oo uu dhinaca kale ku eedeynayo Madaxweynaha in
uu ku dhaqmay awood aanu Dastuurku siinin Madaxweynuhuna uu
ku adkeystay go'aankiisaa. Guurtida ayaa imika waanwaan
laga filayaa in ay gasho
Wararku kale ee na soo gaadhaya ayaa sheegaya in
Madaxweynuhu wafti Sweden ka yimid ayuu casho caawa
ugusameeyey Qasrigga Madaxtooyadda.
Gu'gii Oo Ka Curtay Somalilaland
March 20, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Roobabkii gu'ga ayaa ka curtay
Somaliland Gobolo ka mid ah. Boorame ilaa Berbera iyo inta
u dhaxaysa roobku wuu isku joogaa wax khasaare ah oo uu
geysteyna lama soo sheegin. Gobolada kalena cirku wuu ka
tusanyahay, magaalada Burcona waxaa la eegaa waa isaga oo
bashkasiiya roobku waayo wararku waxay sheegayaan inuu
cirku si aad ah oo ididiila leh uga tusanyahay Burco gaar
ahaan. Kadabaaa!
Madaxii Laanta Danbi Baadhista.....?
March 19, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Warar ilo uga qaateen ah oo soo baxay
ayaa sheegaya in Sarkaalkii madaxa ka ahaa Laanta Danbi
Baadhista Saleebaan Muuse Xasan xilkii laga qaaday loona
dhiibay Axmed Aw Cali Shabeel. Sidaasi waxay dhacday siday
wararku sheegayaan markii Gudoomiyaha Maxkamad Gobolka
Hargeysi uu amar ku dhiibay 15kii March 2007 in sarkaalkaa
la soo qabto oo maxkamadda la horkeeno isagoo xidhan;
isagoo garsooruhu u cuskuday xadhigga sarkaal Saleebaan
dhawr qodob oo X.C.S. kamida.
Ansixintii Miisaaniyada 2007
March 19, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Xubno dhan 75 ayaa Golaha Wakiilada
maanta ansaxiyey miisaaniyada 2007.
Laba qodob ayaa loo kala codeynayey oo kala ahaa in
miisaaniyada lagu ansaxiyo sidey wax uga soo badaleen
Gudigga Dhaqaaluhu iyo in lagu ansaxiyo sidey Xukuumadu ku
keentay. Waxkabadelkii Gudigga Dhaqaaluhu ku sameeyay
miisaaniyadda waxaa u codeeyay 38xubnood, Xubno 35 ahina
waxay u codeeyeen in miisaaniyada lagu ansaxiyo siday
Xukuumadu ku keentay, halka xubina ka aamusay xubina
diiday, guudoomiyuhuna ka aamusay. Markaa miisaaniyadii
waxay ansax ku tahay iyadoo wadata waxkabadelkii Gudigga
Dhaqaaluhu ku samaysay. Waxkabadelkaa waxaa ugu weynaa
lacag dhan 4 bilyan oo laga jarey miisaaniyadda
Madaxtooyada iyo ta Wasaaradda Maaliyada, loona qaybiyay
meelo kale oo ay ka mid yihiin jaamicaduhu.
SOLJA Oo Ka Doodey... Iyo Damaanad Lagu Sii Daayay
March 17, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maanta ayaa dammaanad lagu sii daayey
Cabdiqani Axmed Askar, suxufi madaxbanaan kaas oo
Xadhigiisa sabab looga dhigay, sida xeer illaalintu
sheegtay, maqaal uu qoray badhtamihii December 2006.
Dammaanadan suxufigan waxaa loo ogolaaday, kadib, markii
SOLJA xadhigaa ay si kulul uga dooday kana codsatay in
xorriyadiisa loo soo celiyo. Danta guud waxay ku jirta,
iyadoo sharcigga la xaqdhawrayo, in xiisada ka dhex oogan
saxaafadda madaxa banaan iyo Hay'adaha Hirgelinta Sharciga
(Law Enforcement Agencies ) ladamiyo.
Urrurka Dhakhtarada Oo Ka Diggey Dawooyinka Beenta
March 17, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Ururka Dhakhtarada Somaliland ayaa
shirkoodii labada maalmood ahaa kusoo gabagabeeyay maanta
Hotel Ambassador. Iyaga oo ka dooday arrimo culeyskooda leh
oo la xidhiidha cudurada kahortaga, dawada iyo guud ahaanba
caafimaadka ayey walaac weyn ka muujiyeen daawooyinka
beenta ah kuna baaqeen in la hirgeliyo nidaam controlaya
daawooyinka dalka soo gelaya. Waxay si gaar ah hoosta uga
xariiqeen in laga hawlgalo sidii loola dagaalami lahaa
Cudurka qaaxadda iyo lamaanihiisa HIV/AIDS.
Hiliblayaal La Xidh Xidhay
March 17, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Tiraba 10 Nin oo hiliblayaal ah oo min
6-bilood lagu xukumay iyo 10 Haween ah oo iyana hilibka ka
ganacsada oo min 3-bilood lagu xukumay ayaa maanta xabsigga
Xafiiska Dawladda Hoose ee Hargeysa, sida la leeyahayna ay
dhagaax tuurtuureen. Murankani wuxuu ka dhex oogmay
hiliblayaasha iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa markii
cashuurtii gawraca la kordhiyey; iyaddoo kordhintaa
Shirikadda Maandeeq la siinayo ama qayb laga siinayo; taas
oo ku cabatay in aanay gawracca maamuli karayn haddii aan
kharashka loo kordhin.
T A C S I
March 16, 2007
Somaliland Horta, Inta soo saarta Axmed Yuusuf Ducaale,
Xaaskiisa, Caruurtiisa iyo Caruurta uu awowga u yahay waxay
tacsi u dirayaan reer Idiris Ducaale, qaraabadooda iyo
axbaabtii marxuumka, iyagoo illaahay
u weydiinayo marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistii
janada. Innaa li-LLaahi waInnaa Ileyhi Raajucuun
Somaliland Bosaaso Iyo Muqdisho Lagama Soo Geli Karo
March 15, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Ammar maanta kasoo baxay Wasaarada
Duulista iyo Hawada Ee Somaliland oo la baahiyey, lana
gaadhsiiyey dadkii amarkaasii khuseeyay ayaa sheegaya in
laga billaabo March 17, 2007 Mamnuuc ay tahay dhulka iyo
cirkaba in aanay ka soo geli karin Somaliland dad safar ah
oo ka yimaada Muqdisho iyo Boosaaso. Amarkaa waxaa lagu
sababeeyay baqo laga baqayo in cudurka shuban biyoodka
(cholera) ee ka dilaacay Soomaaliya loona jiifo loona
dhintay meelo badan oo ay
Muqdisho iyo Boosaaso kamidyihiin aanu
soo gaadhin Somaliland
Somali Doctor: Cholera
Outbreak Kills 42
The Associated Press
March 13, 2007
At least 42 people, mainly children, have
died in the last 24 hours from a suspected cholera outbreak in southern Somalia,
doctors said Tuesday. More than 240 others have been hospitalized and doctors
fear more deaths because of the lack of proper medical facilities and medicines
in the war-ravaged country.
'The children are dying from the disease because of a lack of access to proper
medical centers,' said Dr. Ahmed Nour Afey, who works at a provincial hospital
in Marka town, about 60 miles south of the capital, Mogadishu. 'Most of them die
on their way to hospitals at the main towns in the region.'
Cholera is transmitted through contaminated water and is linked to poor hygiene,
overcrowding and bad sanitation. Symptoms include diarrhea and vomiting, and it
can kill in less than five hours if it remains untreated. Somalia has some of
the world's worst health indicators. Life expectancy at birth is 46 years and a
quarter of children die before they reach 5.
Gen. Moorgan Oo Loo Xilsaaray
Sifaynta Muqdisho.
Somaliland Org
March 13, 2007
Col C/lahi Yusuf ayaa u magacaabay Gen.
Max'ed Sicid Xirsi Moorgan inuu hogaamiyo howl gal loogu magac daray Sifaynta
Muqdisho oo dhawaan ay Muqdisho ka fulin doonaan maleeshiyaadka Puntland oo
kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo Ugaandha.
Magacaabiskta Gen. Moorgan ayaa ah midii ugu dambaysay xilal muhiim ah oo loo
dhiibay taageerayaasha Col C/lahi Yusuf kuwooda kasoo jeeda gobolada Putland.
Taageerayasha Korneelka ee ka yimid Puntland ayaa ku guulaystay inay la
wareegaan gacan ku haynta Kismaayo, waxayna hada ku talo jiraan inay tijaabiyaan
Muqdisho iyo sida ay gacanta ugu dhigi karaan. Gen. Moorgan ayaa sanadahan dambe
ku noolaa Muqdisho kadib markii lagu soo jabiyay weeraradii uu ku qaaday
Kismaayo, wuxuna daganaa hoteelada Saxafi, Hotelka Nabada iyo ugu dambayntii oo
uu usoo guuray xarunta Villa Somaliya markii uu halkaas soo dagay Mad. C/lahi
Yusuf.
Madaxweynaha Oo Ka Soo Noqday
Ghana Kana Waramay Safarkiisii:
March
12, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Madaxweynaha iyo
weftigii la socday oo ka soo noqday booqasho 7aad iyo siyaado ay ku maqnaayeen
Ghana, ayaa maantas si diiran madaarka hargeysa loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in si rasmi ah loogu marti qaaday iney ka qaybgalaan
Dabaaldegga Dahabigga ah 50 Guurada Madaxbanaanida Ghana oo ku beegneyd March 6,
2007. Wuxuu tibaaxay Madaxweynuh in ay is arkeen Madaxweynayaal dhowr ah iyo
Wasiiro-arrimo dibadeed oo ay kala hadleen qaddiyada ictiraafka Somaliland.
Wuxuu intaa raaciyey in dood ku saabsan ictiraafka Somaliland halkaa lagu qabtay;
taas oo madax sarsare oo ka kala socota wadamo Africa oo ays oo dhaweeyeen
ictiraaf raadinta Somaliland. Marti qaadyaddii rasmiga ahaa casho iyo qadaba
qaab heer dawladeed ah ayuu Weftigu uga qaybgalay. Doodii lagu qabtay Kofi Anan
Centre "key note speaker"-Ku wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland
taas oo ay kasoo qayb galeen khubaro aqoon gaar u leh Somaliland iyo
aqqoonyahanno Ghana u dashay iyo dalal kaleba. Madaxweynuhu wuxuu sheegay
shaqaalaha M.A oo xaruntiisu tahay Accra, oo madaxdiisu kusoo booqatay weftigii
Somaliland hotelkey deganaayeen uu u fidiyey martiqaad ay Somaliland ku yimadaan;
ka dib markii weftiggu qaddiyada Somalilland sitifatiran u ugu bandhiggay iyana
martiqaadkaa ay aqbaleen.
Dhexdhexaadin Uu Ku Dhawaaqay
Gudoomiyaha Guurtidu
March
11, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maanta oo uu
bilaabmay kalfadhiggii 32-aad ee Golaha Guurtidu ayuu ku dhawaaqay Gudoomiyaha
Golaha Guurtidu, furitaankii kalfadhiga, in Goluhu xulidoono guddi Golaha ka
tirsan oo dhexdhexaadin doonta dhinacyada khilaafadkani cusubi ay ka dhexoogmeen.
Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Ku Xiggenkuna ku dhawaaqay khamiistii inay
waajibka xukuumada tahay, fidinta gogol lagu xaliyo khilaafaadkaa iyaga ah,
weedhaas oo ay soo dhaweeyeen, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyayaasha
Labada Xisbi ee Macaaradka ah. Samawadayaal kale, ayey ilo xoggagaal ahi,
sheegayaan inay iyana howl waanwaan dhalin ah ku jiraan.
Xeerkii Diiwaangelinta Oo La
Ansixiyey
March
11, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maanta, ayuu Golaha
Wakiiladu aqlabiyad ku ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo muddo
hor yaalay Golaha Wkiilada. Wuxuu ka kooban ahay xeerku 44qodob, waxaana loogu
codeeyay qodob-qodob. Xubnaha joogay fadhigga oo tiradooodu ahayd 44 waxaa
xeerka ogolaaday 39 labana way diiday labana way ka aamustay Gudoomiyuhuna ma
codeyn. Ansixinta xeerkaasi waxay xoogeyneysaa oo ay ka dhiggeysaa baahi degdega,
in Komishan Doorasho jiro oo uu xeerkaasi ka mid yahay xeerarka lafdhabarta u ah
hawlgalada la xiriira doorashooyinka. Xallinta khilaafaadka ay wararku
tilmaamayaan Allahu ha ka dhiggo mid Guuleysata.
Sadexda Gudoomiye Oo Soo
Dhaweeyey Soo Jeedintii Madexweyne Kuxigeenka
March 9, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Haddalkii Madaxweyne
- Ku Xiggeenka ee ahaa waa waajib xukuumada saaran wixii khilaafaada sidii loo
xallin lahaa, gogolna Xukuumadu ugu fidin lahayd, ayay Gudoomiyaha Golaha
Wakiilada, Gudoomiyaha Kulmiye iyo Gudoomiyaha UCID soo dhaweeyeen; isla
markaana ay cadeeyeen in ay ka qayb geli doonaan wixii wada hadal iyo wada tashi
ah ee khillaafaadkaa lagu daminayo. Guddomiyayaasha labada xisbi ayaa waxooga
tacliiqa raaciyay hadaladoodii, sidey WARGEYSKA Geeska Africa ugu warameen;
tacliiqaas oo u dhacaysay in si dhab ah arrinta loogu dhamaado loona galo.
Xuskii Maalinta Haweenka Ee
Caalamiga Ahaa
March
9, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Magaalooyinka
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay aad loo xusay, loona dabaal-degay maalinta
haweenka ee caalamiga ah, iyadoo shalay ay ahayd 52 guuraddii xuskaa isaga ah.
Ururrada haweenka iyo daladahooda kala duwan , giddi ayey maalintaa u xuseen.
Beerta Xorriyada ee Hargeysa xus maalintaa lagu xusayey oo ay mas-uu-liyiin
badani ka soo qayb gashay, Wasiirka Qoyska, oo taariikhda maalinta ka soo
sheekeysay isagoo isla markaa tilmaamtay wax qabadka haween weynaha Somaliland
iyo kaalinta ay kaga jiraan ka-haw-galka dadaalka qaranka
Waa Waajibka In Khilaafka Xal
Loo Helaa
March 9, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Xaflad shallay la
isugu yimid, Xukuumadda, Goloyaash, Madaxda Xisbiyadda, Taliyayaashs Labada
Ciidan, Dadweyne badan iyo xubin kasocday Somaliland Forum ayaa ururkaa qurba
joogga halkaa lagaga gudoomay lacag ay ugu deeqeen qoysaskii 30 askari, oo
dhaawac iyo dhimash iskugu jiray, weerarkii gaadmada ahaa ee ay ciidamadda
cadowgu kusoo qaadeen, ciidankii Somaliland ee aaga hore fadhiyay Adhicadeeye
agagaarkiisa. Madaxweyne ku xigeen oo halkaa ka hadlay, arrimo dhawrana soo
qaaday, ayaa tibaaxay iney waajibka xukuumadda tahay xalinta khilaafaadka ka
dhex oogan xukuumadda Goloyaasha iyo Xisbiyada
Sidee Loo Arkay Xukunkey
Maxkamadu Ku Ridey Suxuufiyiinta Haatuf?
March
6, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Ha'addo, Ururo reer
Somaliland ah iyo kuwa caalami ahiba Xukunkaa ku dhacay Suxuufiyiinta Haatuf
waxay u arkeen ku xadgudub ku ah xorriyat-ul-qowlka iyo xuquuqda aadanaha iyagoo
isla markaa u arkay xukunkan mid aan u adeegeyn qaddiyada Somaliland.
Ha'yaddahaa iyo ururadaa waxaa kamid ah SOLJA, Somaliland Forum, daladda ay
SamSam Cabdi Aadan afkeeda ku hadashay, Kulmiye, Jaaliyadaha Somaliland ee
dibadda iyo Amnesty International . Inkasta oo shalay ooda loo jiiday Haatuf,
hadana maanta Haatuf si caadiya ayey usoo baxday .
Waanwaan:
March
5, 2007
(SOHTA - Hargeysa)- Ilo xogogaal ah ayaa
sheegaya in muwaadiniin wax garad ah oo reeer Somaliland ahi ku hawlan yihiin
sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen daneeyayaasha (Steak Holders) Iskaga
horyimi arrintii komishanka. Sida ay ilahaasi sheegayaan dhinacyada kalad uwan
badankoodi way arkeen, Sadaashuna maxuma.
SOMALILANDHORTA: Waxaanu kutalinaynaa, in danaha guud ee Somaliland wax walba
laga hor mariyo oo niyadsan laysku soo hor fadhiisto dulucda, kulamaduna ay
ahaato is-dhageysi iyo isu-dabac wada tashi ku salaysan. Garabkiina.
Maxkammada Gobalka Hargeysa Oo
Xukun Ku Riday 3dex Suxufi Oo Haatuf Katirsan
March 4, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maanta ayay
Maxkamadda Gobolka ee Hargeysi xukun ku riday fadhi ay Mandheera ku yeelatay,
sadexdii suxufi ee ka tirsanaa wargeyska Haatuf, oo ku xidhnaa muddo laba bilood
ah, eedeymo xeer ilaalintu ku eedeysay; kuwaas oo ka dhashay taxane qoraala ah
oo wargeysku ku eedeeyay madaxweynaha iyo marwadiisa ku takrifal hanti qaran iyo
shaqaaleyn qaraabo kiil-ah. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ahaa Guddoomiyaha Shabakadda
Haatuf waxa lagu xukumay 2 sannadood oo xadhig ah. Cali Cabdi Diini oo ahaa
tifatiraha Wargeyska Haatuf, Maxamed Cumar Sheekh oo ahaa weriyaha Wargeyska
Haatuf ee Gobolka Awdal iyo Maxamed Rashiid Muxumad Faarax iyagana midkiiba lagu
xukumay 2 sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay maxkamaddu xukuntay in la
xayiro soo saarista Wargeyska Haatuf iyo ganaax lacageed oo dhan 5 Milyan oo
shillinka Somaliland ah.
Shir Gudoonka GW Oo
Cambaareeyay Xilka Laga Wareegay Komishanka
March
3, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maanta ayaa shir
jaraa'id oo uu qabtay Shir Gudoonka Golaha Wakiiladu ku cambaareeyay xilkii laga
wareejiyay Komishanka Doorashooyinka ee lagu wareejiyay Agaasimaha Guud ee
Komishanka. Gudoomiya Golaha Wakiiladu arintaa wuxu ku tilmaamay dambi qaranka
laga galay. Intaa wuxu raaciyay Somaliland, waxa dhaqan u ahaan jiray wada tashi
iyo wada hadal wax lagu dhameeyo. Gudoomiyuhu hadalkiisaa wuxu ku soo
gabagabeeyay in Golaha Wakiiladu had iyo goor u taagan yahay danta guud ee
qaranka siduu uu u ilaalin lahaa..
Xilkii Komishanka Oo Lala
Wareegay
March
2, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maalintii Jimcihii
ayaa amar uu bixiyey Madaxweynuhu, xilkii Komishanka Doorashooyinka lagu
wareejiyay Agaasimaha Guud Ee Komishanka. Komishanka oo aan joogin xil
wareejintaa, ayey xil wareejintaa fuliyeen Gudoomiyaha Shaqaalaha Dawlada, Hanti
Dhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud. Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Axmed
X. Cali, ayaa arrintaa ku tilmaamay "inqilaab aan dhiig ku daadan".
Mowqifka SOLJA Ee Ku Wejahan
Xukunka Maxkamadda Sare
March 1, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Ururka Suxufiyiinta
Somaliland (SOLJA) ayaa bayaan maanta ay soo saareen oo ay ku cadeeyeen
mowqifkooda ku wejihan xukunka Maxkamadda Sare shalay ku laashay, racfaankii
saddexda suxufi ee "Haatuf", ku tilmaamay cabudhin la cabudhinayo
Xurriyat-Ul-Qawlka iyo Xurriyaadka asaasiga ah ee warbaahinta madaxa banaan.
Iyaga oo soo dhaweeyay, sida bayaankooda ku qoran wada hadal dhex maray
Madaxweynaha, Wasiirka Warfaafinta, Af-Hayeenka Madaxtooyada iyo Uruka SOLJA, oo
la isla gartay, dhaqangelinta Xeerka Saxaafada, ayay ku baaqeen inay kaga
hortegayaan qaraarkaas maxkamada sifa kasta oo dastuuri ah. Maxkamaddii saddexda
saxafi ayaa maanta ka bilaabantay Dugsiga Tababarka Bileyska ee Magaalda
Mandheera oo ka tirsan Gobolka Saaxil.
|

Somaliland Emblem

Hargeysa Somaliland

Dadweynaha Reer Somaliland

Somaliland Passport

Somaliland Map

Somaliland Stamp

Somaliland Stamp
|
|
|