NEWS

Weriye Dahir Alasow : Xoogaga waxay kulaalayaan Madaxtooyada, Ina Xuubsireed iyo kooxdiisina way isaga carareen mar hore
March 31, 2007


Wariye Dahir Abdulle Alasow ayaa sheegay in Xoogaga Kacdoonka ay kulaalayaan Villa Somaliya halkaas oo fariisin u ah Madaxweyne Yusuf balse uu isaga cararay.

" Dagaalka xoogaga maaha mid gawaari dagaal loo adeegsanayo balse Ninkii dhoof ku yimid beey geeridu dhibeeysaa ayay ku dagaal gelayaa,run ahaantii looma kala harin dagaalka,wuxuuna argagax iyo xabsi geliyay Ciidamadda Uganda oo intii aan joogay Jiida hore ee Dagaalka ka bixi waayay khadka telefoonka iyagoo codsanaya in jaanis la siiyo ,inta ay iska saarayaan Ciidamadda Itoobiyaanka laakiin qorshaha la Ciyaarayo sidaas maaha ee ujeedku wuxuu yahay in gacan ku heynta Madaxtooyada lagala wareego gacan shisheeye iyo mid Cabdilahi Yusuf" ayuu yiri Dahir Alasow oo sheegay in jabkii ugu ba'naa ee dagaal uu maanta Muqdisho ka dhacay.

Dahir Abdulle Alasow wuxuu sheegay in markii hore dagaalka ay ku jireen beelaha Hawiye oo kaliya laakiin gelinkii dambe ee maanta ay ku biireen dagaalka beelaha kale ee Soomaaliyeed taas oo dagaalka ka dhigeeyso mid u dhaxeeya Soomaali iyo Itoobiyaan.

"Markii Diyaarada la soo riday dagaalka waxaa ku soo biiray Somaliweyn oo dhan,waxaa la xiray ganacsigii oo dhan,Caruurtii iyo haweenkii ayaa bambaanooyin iyo tooreeya qaatay oo ka hortagay Itoobiyaanka,waxaan Indhaheeyga saaray Rag badan oo la dagaalayay Itoobiyaanka una dhashay Majeerteen ,iskaba daa Daarood weynee,marka dagaalku waa dagaal Somali u dhan tahay" ayuu ku celceliyay Dahir Alasow

Dahir Abdulle Alasow oo maalintii sedexaad ku sugan Jiidaha dagaalka waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Ina Xuubsireed iyo raggii kale ee Cabdilahi Yusuf ku kooxda ahaa ay isaga carareen Madaxtooyada oo uu kuu sheegay in waxyar loo jiro,si loo ixtiraamo codsiya is daba joog ah oo ay soo dirayaan Ciidamadda Reer Uganda,kuna dalbanayaan in Xabada la joojiyo.

Wariye Calasow waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in odayaal dhaqameedyo tageen jiidaha dagaalka ,ayna ku wargeliyeen horjoogayasha Ciidamadda in Madaxweyne Yusuf soo dirtay ergo nabadeed oo leh xabada hala joojiyo oo hala wada hadlo.

Wariye Dahir Alasow oo inta badan Warbaahinta Maanta iyo shalay uga warbixinayay hadba halka xaal maraya ayaan waydiinay su-aal ku saabsan inuu qabo wax cabsi ah iyo inkale wuxuuna ku jawaabay.

" ma jirto cabsi aan qabo,waayoo dhinaca Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Puntland waxaa la socda Wariyaal faaqidaya hoowlgaladooda ,sidaa hadii uu xaal yahay waa maxay Wariyaha reer Muqdisho ee ka baqanaya waxaysan ka baqaneeyn kuwa ka kala yimid boosaaso iyo Addis Ababa,jawaabtu waa maya ,Wariyihii baqayana waxaan leeyahay Ninkii dhoof ku yimid beey geeridu dhibee ee sawirada iyo warbixinada yeeysan idin dhaafin.

__

Source: Jowhar

 
 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].