NEWS

Ninkii Caashaqay Saxaafadda Oo Hoyday
March 15, 2007


Cabdi Idiris Ducaale,oo 36 sano ee u dambeeyay noloshiisa, ilaa maanta shaqadiisu ahayd saxaafada, ayaa maanta oo lagu soo booday ku geeriyooday Cusbitalka Adna, isla maantana lagu aasay Xaabalaha Qaranka. Raadiyowga iyo saxaafadda qoranba uu ka soo shaqeeyay ilaa uu ka gaadhay maamulaha Radiyooga Muqdisho iyo tifahatiraha guud ee Xiddigta October.

Laga soo bilaabo 1993gii tan iyo maanta oo qalinkii farihiisa dhexdooda kasiibtay, markuu wadacay nolosha, wuxuu ahaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland. Marxuum Cigaal iyo Rayaaleba wuu lasoo shaqeeyay.

Dadka inta shaqaysa waxay u badan yihiin, inay wakhtigooda shaqada iyo noloshooda gaarka u qaybiyaan. Waxaynu odhan karnaa Marxuum Cabdi Idiris nolol gaar ah ma lahayn saxaafada ayaa nolol u ahayd cimrigiisii barakeysnaa wuxuu ku dhamaystay in ay qalinka, warqada, computerka iyo microfoonku is ku dhiibaan illaa ay naftu deysay qalinkii oo labadiisa farood ka sii dhexsiibanaya. Weedh lagu garto qabrigiisa hadii ley-weydiiyo waxaan odhan lahaa ha lagu qoro,"Ninkii Saxaafada Caashaqay Ee Hoyday."

A.Y.Ducaale
 
 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].