NEWS

“Dawooyin Lagu Soo Wal-walaaqay Hindia iyo Pakistan, Qaarba La yidhi Waxa Laga Sameeyey Nuurad waa Cajiib” M/kuxigeenka
March 14, 2007


Shirweynihii labaad ee Ururka dhakhaatiirka Somaliland, SMA (Somaliland Medical Association) oo ay ka soo qeybgaleen ergooyin gaadhaya 40-xubnood oo ka kala yimi gobolada dalka ayaa maanta ka furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Furitaankii shirweynahan labaad ee ururka dhakhaatiirta Somaliland oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md, Axmed Yuusuf Yaasin, wasiirka Caafimaadka iyo shaqada M,d C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal), Wasiirka Madaxtooyada Nuur Aamin Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, Dr, Saleebaan Cabdi Guuleed iyo dhakhaatiir badan iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin ayaa sheegay in baahiweyn oo loo qabay in la helo Ururka dhakhaatiirta Somaliland isla markaana waxa uu ka mid noqday ururkaasi oo ay ku ma’muuseen “Ururkiinan (dhakhaatiirta) oo laba sanadood jiray baahiweyn ayaa loo qabay, tan xubinimada waan idinka aqbalay, laakin siyaasada idinkala qeybgali maayo ee waxaan idinkala qeybgalayaa kolba inaad ii sheegtaan aafada wadanka taala, si aan umada ugu sheego taasina waa waxweyn”Ayuu yidhi .

Dawooyin lagu soo walwalaaqay Hindia iyo Pakistan, qaarba la yidhi waxa laga sameeyey nuurad waa arrimo cajiiba oo weliba waxa keena kuwii aanu kala go’anay ee Koonfurta “Waxaan filayaa inaan iska kaashan doono xukuumad ahaa iyo ururkiina (dhahaatiirta), ta kale muhiimka ee wasaarada Caafimaadku inay sarifto tahay waa kaalintii dawooyinka, dawooyin lagu soo wal-walaaqay Hindia iyo Pakistan, qaarba la yidhi waxa laga sameeyey nuurad waa arrimo cajiiba oo weliba waxa keena kuwii aanu kala go’anay ee Koonfurta halkaas ayey soo maraan oo iyaga ayaaba inooga dheereeyey”Ayuu yidhi

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey“Iiyadoo wakaaladihii dawooyinka la sameeyo,dhakhaatiirtii ayaad tihiin oo aad wasaarada caafimaadka kala shaqeysaan, lana oo la hagaajiyo tayada dawooyinka inoo imanaya inaad ka hawlgashaan waa loo baahan yahay”

Waxa uu madaxweyne kuxigeenka Somliland Md, Axmed Yuusuf Yaasin ku adkeeyey ururka dhakhaatiirta Somaliland inay talo keenaan , isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi“Ururkiinu (dhahaatiirta) wasaarada Caafimaadka iyo Xukuumadaba talo ha u keeno”

Md, Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu farta ku fiiqay sababta ay garsoorayaasha ugu kordhiyeen lacagtu ahayd inay joojiyaan laaluushka, laakin taasi may dhicin, “Garsoorayaasha dabcan lacag waanu u kordhinay, waxaan is lahayn ninka garsooraha ah ee jooga degmadu hadii wax la siiyo uu ka baxsandoona laaluushka,laakin far ayaa taagan”Ayuu yidhi

Waxa uu tilmaamay madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md, Axmed Yuusuf inay dalkeena iyo dalalka dariskeena uu ka jiro cudurka halista ah ee HIV/AIDS, sidaasi daraadeedna ay waajib tahay xukuumada iyo shacabka iyo Ururka dhakhaatiirta Somaliland sidii ay isaga kaashan lahaayeen, iskaashi buuxana uga yeelan lahaayeen ka wacyigelinta bulshada aafada cudurka HIV/AIDS

Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Somaliland C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa sheegay inaanu filanayn in loo magacaabayo wasaaradan caafimaadka, ee uu meel kale filanayey“Markii lay soo magacaabay wasaaradan waxaan la kulmay Ururkan(Dhakhaatiirta) oo dhisan waxaanay ii ahayd runtii waxweyn, oo anigu ismaan lahayn meesha (Caafimaadka) ayaa lagugu qorayaa meelo kale ayaan fikirayey, markiiba waxaan ka fikiray dhakhaatiirtii oo aan is idhi talow halkay kala jiraan kuwii aad taqaanay, laakin waxa wixiiba isku fuuqsaday markaan ogaaday inuu jiro urur dhisan oo shaqeynaya. Taasana runtii oo guulweyn ahayd”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxauu intaa raaciyey“Mudadii aan joogayna (Wasaarada) aad ayaa xidhiidhkayagu u wanaagsana hawshi wasaarada ahayd ee aan ku jirayna, waxay noqotay iyaga uun(dhakhaatiirta) cida farsamadeeda keeni karta, hay’adkasta oo la sameynayaana Institution Capacity iyo Human Resource Capacity ayuunbuu wax ku noqdaan, qalabku waa wax kale, qabalka hadii la keeno oo aanay dadkuba garanayn wax qiima oo uu leeyahay ma jirto waa daasad meel taala”.

Md, C/laahi Darawal waxa uu ka sanqadhiyey inay ku dhaqdhaqaaqayaan qalabka iyo kartida ay la yimaadeen dhakhaatiirta Somaliland, iyadoon cidna caawin,isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi“Siyaasiyiintuna shuruuc iyo siyaad la soo dejiyey ayey dadka ku hagaan,aqoontii caafimaadkuna intiinaas ayuu ilaahay saaray, maanta intaynu ku riiqriiqaynaaba waa intiina iyo qalabka yar ee idinku awoodiina iyo kartidiina ku keensateen, ee aanay cidina idinka caawin”

Gudoomiyaha Ururka dhakhaatiirka Somaliland Dr, Saleebaan Cabid Guuleed oo warbixin uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hogaaminta hayey, isagoo sheegay inuu caafimaadku yahay adeega kowaad ee bulshada, waajibna ay tahay in la siiyo qiimeynta u mudan.

__

Source: Jamhuuriya
 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].