|
|
WARAR_WAABSAN
|
|
|
Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho
June 11, 2007
RabashIyo Xadhig Ka Dhashay Hawlgal Dowladda Hoose
June 29, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Dowladda Hoose ayaa shalay sandaqad qoys degganaa, xaafada Bebsige hawl gal ku fujisay. Ciidankii Amniga ayaa xabad kor u riday si ay dadku u kala cararaan; xabadaas oon cidana ku dhiman cidina ku dhaawacmin hase yeeshee haweenaydii sandaqada degeneyd ayaa waxoogaa dhaawac ahi soo gaadhay. Rabshadahaas 10 ruux ayaa loo xiray. Cabdi /Raxmaan Muuse Cumar oo wareysi ugu tagey Duqa Magaalada Hargeysa, dhacdadaana barnaamij kasiidaayay, ayuu duqu isugu daray aflagaado, gacan-ka-hadal iyo xadhig.
Cadoow o Cali Mahdi U Jawaabey
June 29, 2007
(SOHTA) Cali Mahdi, Gudoomiyaha Shirka-Dib-U-Heshiisiinta oo doraad sheegay inuu Mr. Cadoow, Mas'uulkii Arrimaha Dibadda ee Maxkamadaha uu shirka ku caasuumay isaga iyo maxkamadaha ayuu Cadoow tibaaxay shalay in aanay isaga iyo Cali Mahdi sheeko siyaasi ahi dhex marin. Wuxuu ku koobay jawaabtiisa in fariin uu faray shirka ka soo qayb galkiisa ah, fariintiina uu Sheekh Shariif u gudbinayo. Haddii la sii wareystayna wuxuu cadeeyay in aanay Maxkamaduhu shirka ka qeyb galeynin.
H A M B A L Y O
June 29, 2007
Cabdisalaan Nuur Maxamed iyo Muna Mahdi Khayre oo dhawaan Meherkoodii iyo aqal-galkoodu ka dhaceen Magaalada Houston ee Wadanka Mareykanka, ayaa Habalyo u diraya: Shukri Kheyre, Reer Cabdikariim Xasan Caalim, Reer Cali Mahdi Kheyre, Guleed Mahdi Kheyre, Reer Axmed Yuusuf Ducaale, Reer Cali Aadan Meecaad, Reer Abshir Nuur Cumar, Muuse Ibraahim Bookh iyo Reer Yaasiin Cabdi Muxumed. Ilaahay waxay uga baryayaan in ay noqdaan labadii,isku raaga isku reeya ee ubad khayr qabana ilaahay isugu darro Ameen!.
Faalo Kooban
June 24, 2007
Maqaal hore ay u faafisay Shabakada Qaran oo Ingiriisi ahaa , ayey maantana
tarjamaddii af Soomaaliga ahayd faafisay. Qaraar ka soo baxay Umadaha
Midoobay ayaa ku xusnaa maqaalkii Ingiriisiga ahaa. Tarjamadda afsoomaaliga
se kuma jiro. Qaran niyad samaan ayey sidaa u sameysay, hase yeshee
Somalilandhorta qaraarka baaritaan ayey ku heshay waaney darseysaa,
in uu somaliland wax u dhimayo iyo inkale.
Dhaarinta Xubnaha Komishanka Ee La Ansixiyey
June 24, 2007
(SOHTA - Hargeysa) War sugan, oo maanta ka soo baxay, X.G.Wakiilda, ayaa
cadeeyey in Shirgudoonka Golaha Wakiiladu, qoraal kaga codsadey Maxkammada
Sare, in ay si degdega u dhaariso, 5ta Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka
ee uu Golaha Wakiiladu ansaxiyey bishan Juune 2-deedii. Laba xubnood een
maalintaa la ansaxin, oo ahaa xubnihii Golaha Guurtidu soo magacaabay, ayuu
mar 2aad Golaha Guurtidu soo magacaabay hase yeeshee markii Madaxweyne ku
xigeenku u gudbiyey Golaha Wakiilada si loogu codeeyo mar 2aad, ayaa
Shirgudoonka Golaha Wakiiladu dib u soo celiyey isaga oo sababta ka dhigay
in 2daa muwaadin horeba ay Shuruudaha Xubnaha Gudida Doorashooyinka looga
baahanyahay buuxin waayeen, sidaa darteedna ay tahay in ay 2 xubnood oo kale
soo magacaabaan.
Warar Waabsan
June 23, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Xalay, Xamar iyadoo bandoo ah, ayey 7 qarax ka dhaceen 4
degmo oo ka mid ah degmooyinka ay ka kooban tahay. Kismaayo, oo ay gacanta
ku hayso, meleesheya beeleedkii hore gacanta ugu haysay, ayaa dagaaladii
shalay ka dhacay magaaalada dhexdeeda iyo duleedkeeda la sheegayaa in
dhimashadu tahay 16 dhaawacuna 34.
Kuwamaa Taagan?
June 21, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Sida ka muuqata waraysiyo uu bixiyey Gudoomiyaha
Kulmiye oo kii shalay ugu dambeeyay, waxaa jirta inuu tartankii loo
tartamayay iyo sharaxaadii laysku sharaxayey, mansabyadda heerka qaran ah,
ee magaca Kulmiye leysku taagayey, ay bilaabmeen. Illo xog-xogaal ah oo ku
dhowdhow Masuuliyiinta Kulmiye ayaa cadeeyay in sadex magac oo isku
sharaxaya Madaxweyne kuxiggeenka, Kulmiye ahaan ay horyaalaan Gudida
Fullinta ee Xisbigga; kuwaas oo kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cali X.
Muxumed Guuleed (Maarshaal) iyo Ibraahim Maxamed Mecaad. Waxa isna
shabakadaha warbaahinta ee qurba jooga inuu taaganyahay ku shaaciyey
magaciisa Maxamuud Nuur Ducaale.
Warar Waabsan
June 21, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Waraysi uu siiyey, Wasiirka Maaliyadu, Jamhuuriya
maanta ayuu ka dhawaajiyey in beesha uu kasoo jeedo ay codkeedu aanu
mareynin meel aan UDUB ahayn; isaga oo tixraacaya dhaqdhaqaaqyo Kulmiye iyo
Qaran ay dhawaan Burco ka sameeyeen.
Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Kulmiye oo madaxtooyada ku
kulmay ayaa isla soo qaaday arrinta 2 fidmood ee komishanka ah ee ay
wakiiladu ansixin waayeen iyo dhaarinta xubnaha la ansaxiyey. Waxa kale oo
la isla dhexmarayaa in labada xubnood arrintooda uu Gudoomiyaha Guurtidu u
gudbin doono Maxkamed Dastuuriya.
Shir 3-Geesood Ah Oon Midhaynin
June 17, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Shir 3-geesood ah oo kulmiyey Madaweyne ku xigeenka
JSL, Shirgudoonka Guurtida, Shirgudoonka Golaha Wakiilada ayaan midheynin,
markii la isku mari waayay, arrintii laga wada hadlayey. Sidey wararku
sheegayaan Madexweyne Kuxigeenka iyo Shirgudoonka Guurtidu waxay ka
codsadeen Shirgudoonka Wakiilada, in mar labaad Golaha Wakiiladu u codeeyo
labadaa xubnood, hase yeeshee Shirgudoonka Wakiiladu mowqifkiisii hore ayuu
ku adkeystay; kaas oo ahaa in aanay Golaha hordhigeyn labadaa xubnood, kol
haddii la ansaxin waayay markey shuruudihii buuxin waayeen. Waxaa xusid
mudan, sida ilo xoghaynta Golaha Wakiilada u dhuun-daloola, in uu jiro xubin
kale oo la ansixiyey isaga oon shuruudaha buuxin. Si kasta ha u dhacdee,
waxaa isweydiin leh, haddii Shan xubnood la ansaxiyey, maxaa loo dhaarin
laayahay si ay xilkii loo ansaxiyey ay u gutaan oo ay hawshii Komishanka
fulinteeda bilaabaan, inta 2-da xubnood ee hadhay, kuwan muranku ka taagan
yahay ama laba kale laga daba keenayo?.
Maxaa Hakiyay Duulimaadyadii Etheopian Airlines Addis Hargeysa
June 17, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Muran ka dhashay Masuuliyiinta Qaranka Somaliland yaa
la baadhi karaa yaanse la baadhi karin, markay raacayaan duulimaadyada
Ethipian Airlines ayaa hakiyey duulimaadyadii dayuuradaha shariikada, inta
laga heshiinayo arrintaa iyada ah. Sidaa waxa yidhi Wasiirka Duulista iyo
Hawada oo raaciyay in uu bishan aakhirkeeda tegayo Addis si uu arrintaa
madaxda shariikada ugala soo xaajoodo, warkaas oo uu ka sii daayay TV
Somaliland.
Waa Guddi Dad Isku Xisbi Ahi Sameysteen...Siciid Sulub
June 16, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Tirsigii maanta ee Ogaal siduu qorey, Wasiirka Hawlaha
Guud iyo Guryeynta mudane Siciid Sulub, ayaa ku tilmaamay, guddi shalay
lagaga dhawaaqay Burco oo ay ku mideysanyihiin Bariga iyo Galbeedka Burco
guddi dad isku xisbi ahi ay sameysteen oo aan sidaa u sii fogeyn. Intaa
wuxuu raaciyey in aan Wasiirada Burco jooga iyo UDUB midna laga marti
qaadin.
Madhabaa???
June 14, 2007
-In C/Qaadir Walaayo, Afhayeenka Gudida Dib-U-Heshiinsiin-Ku-Sheega
Soomaaliya, uu 5 maalmood qarsoodi ku joogay Hargeysa, oo ilaa imika aan la
garaneyn ujeedada booqashadiisa?
-In ay Xildhibbaano u dhashay Somaliland, kana tirsan Baarlamanka Impegati,
ay joogaan Somaliland iyagoo ku sheekeeya inay ka baxeen Baarlamanka
Impegati aanse si rasmi ah arrintaa u cadeyn?
H A M B A L Y O
June 13, 2007
Reer Xaaji Cumar Xuseen, Reer Axmed Yuusuf Ducaale, Shukri Khayre, Reer
C/Kariim Hassan Calim, Reer Cali Mahdi Khayre iyo Reer Mahdi Khayre intooda
kale, Yaasiin Cabdi Muxumed iyo Xaaskiisa Nimco Cismaan Maxamed, Muuse
Ibraahim Bookh iyo dhamaan asaaxiibtii kale ee Toront Waxay hambalyo kalka
iyo laabta soo go'day u dirayaan C/Kariim Xaaji Cumar Xuseen iyo Saafi
Xuseen Aamin oo Jimce Barkhadlihii ku aqal-galay Magaalada Hargeysa.
Labadii isku raaga ee ubad kheyr leh Ilaahay isagu darro ahaada Aamiin!.
(SOHTA - Muqdisho) - Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) ahaana Madaxweynihii
Jamhuuriyadii la odhan jirey Somali Repuplic', 1960-1967 oo ku geeriyooday Neirobi June 8, 2007.
Cimriggisuna ahaa 99 jir markii uu geeriyooday, ayaa maanta lagu aasay Cerfiid oo ah duleedka Moqdisho.
Dayuurad gaar ah ayaa meydka marxuunka sitay. Madaarka oo haatan loo bixiyey "aAdan Cadde Airport"
waxa kaga hor tegay Cabdillaahi Yuusuf, Geedi, Cabdi Qaasim, Cali Mahdi iyo dadweyne badan , iyadoo
sidey runtu tahay geeridiisa si aad ah Muqdisho looga dareemay. Allah Haw Naxariisto Dadkiisiina Samir
iyo Iimaan Allah Ha Ka Siiyo.
T A C S I
INAA LILAAH WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
June 8, 2007
Somalilandhorta bahda soo saarta iyo dhamaan reer Axmed Yusuf Ducaale waxay tacsi u dirayaan qoyskii,
eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Aadan Cabdulleh Cusmaan (Adan Cade) oo maanta ku
geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya cusbitaal ku yaal. Marxuumka oo ahaa Madaxweynihii
Soomaaliya 1960-67 meydkiisa Muqdisho ayaa loo qaadayaa, halkaasoo lagu aasi doono. Samir iyo iimaan
gidi Allah ha innaga siiyo, isagana Allah ha u naxariisto.
Warar Waabsan
June 7, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jamhuuriya Somaliland ayaa ku dhawaaqay
in maalin qaran oo nadaafadeed dalka si joogta ah sanad kasta looga hirgelin doono.
Ururka la magac baxay Qaran, een weli la diiwaan gelin, ayaa xafiiskiisa Burco xaflad lagu qabtay
xadhigga lagaga jarayay.
Warar Waabsan
June 6, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Gudoomiyaha Kulmiye, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) ayaa shirkii ugu balaadhnaa la yeeshay Galbeedka Burco.
Gudidii loo saaray xaalada shubanka ayaa maanta kulenkii uguhoreeyay ee ay isugu timaada
yeelatay.
|
|
|
|