|
|
NEWS
|
|
|
Warar Waabsan
June 30, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Kulmiye iyo Ucid, guddiyadooda fulintu shir ay maanta wada
yeesheen, ayey go'aamiyeen in kol haduu dhigayo xeer no.20/01, Q.19aad (F) 4,
hawlgalka Komishanka Doorashooyinku uu bilaabmayo marka la ansaxiyo, ay waajib
tahay in 5-xubnood ee la ansaxiyey oo kooramkii buuxinaya in Maxkamada Sare ay
dhaariso hawshoodana ay degdeg u bilaabaan; maadaama aanay doorasho dhici karin
Komishan la'aantii.
East African Airlines, shariikad duulimaad oo cusub oo ku soo biirtay
shariikadihii hore ee dalka ka adeegi jiray, ayuu maanta xadhigga ka jaray
mudane Abshir Xasan Axmed Wasiirka DUD, xaflad maanta lagu qabtay Emperior
Hotel.
Wefti balaaadhan uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta ee Somaliland, kana midy
ihiiin mas'uuliyiin iyo hay'adaha ajanebi iyo kuwa UN-ta ayaa booqasho ku kala
bixiyey Deegaanka Bariga Hargeysa si ay usoo arkaan baahiyaha kala duwan ee
dagaankaa.
Printer Version
| |
|
|