WARAR_WAABSAN

Isimada Puntland iyo Shirka Xamar
July 31, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Immaatinkan C/Laahi Yuusuf yimi Garoowe, Asbaabta u yimi waxaa ka mid ahaa 17 Isimadda maamulkaas ka mid ah iyo xubno katirsan maamulkaasi inay raacaan si ay uga qaybgalaan shirka Xamar ka socda. Sawika guud ee dadku haystay, wuxuu ahaa in meesha uu ka soo jeedo C/laahi Yuusuf ay si gaar ah udaneynayaan shirkaa isaga ah, si muuqatana uga qaybgaleen. Maqarsoona in Geedi halkuu kasoo jeedaa dagaalka Xamar ka socda qeyb libaax ku leedahay, waxaanse dadku aad uwada ogeyn inaaney Isimadda maamulka Garoowe si buuxda uga qaybgelin shirka. Arrintaasi su'aalo badan ayey abuurtay maalmaha soo socda ayaa ka jawaabi.
Warar Waabsan
July 30, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Sanadkii tegay dhamaadkiisii ayey Jaaliyada Somaliland ee Denmark ugu deeqday Degmadda Gabiley qalab caafimaad, waxbarasho iyo alaab tayeynaya maamulka xafiisyadda degmadda; isla markaana iyadoo deeq gaadhsiisay sadex hay’ad oo Hargeysa ah.
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Somaliland ayaa beeneeyey hadal ka soo yeedhay Madaxa Maamulka Garoowe oo yidhi lacagta (False) ahi Burco ayey nagaga timi. Intaa wuxuu raaciyey gudoomiyuhu in ay Somaliland qabatay lacag False ah oo Somaliland ka soo galeysay dhinaca Maamulka Garoowe.
Ururka dhakhtarada Somaliland oo uu xubin ka yahay Dr.Gaboose ayaa cambaareeyey xadhiga Dr.Gaboose iyo labada siyaasi ee kale codsadeyna in degdeg loo sii daayo.
Warar Waabsan
July 28, 2007

Warar Waabsan (SOHTA - Hargeysa) Waxa Xabsiga Dhexe ee Mandheera loo taxaabay Dr. Gaboose, Mud. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid, Gudoomiyaha iyo 2da Gudoomiye-Ku-Xigeen ee Qaran, kadib markey xukuumaddu uga digtay haddey joojin waayaan dhaqdhaqaaqa siyaasiga ee Qaran in sharciga lala tiigsan doono. Guddi ku meelgaadh ah oo hawlaha Qaran sii wata ayuu maanta shirjara'id oo xaafada Xaraf lagu qabtay uu kaga dhawaaqay Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi. Guddoomiyaha Kulmiye iyo Shirguddoonka Golaha Wakiiladu labaduba xadhiggaa madaxda Qaran wey canbaareeyaan; iyagoo ku kala tilmaamay cabudhin iyo arrin lagu degdegay.
Warar Waabsan
July 27, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Labaddi Shirgudoon ee labada gole ee xeerdajinta ayaa kulankoodii u dambeeyay is-af-garanwaa ku kala tegay;markey guurtidu ku adkeystay [1] Khilaafka 2da xubnood ee komishanku ka dhaxayso xukuumada iyo golaha wakiilada. [2] Iyo in Shirgudoonku Golaha Wakiiladu la kulmo Gudida Guurtida ee khilaafaadka.
Golaha Wakiiladu wuxuu ogolaaday in Miisaaniyadu golohooda iyo xukuumada ka dhaxeyso waxaase u diiday in arrinta komishanku ay ka dhaxayso Golaha Wakiilada iyo xukuumada, ta komishankuse ay xeerdajinta ka dhaxayso.
Gudoomiye-Ku-Xiggeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa Laascaanood ku tegay safar howleed.
Waftigii Rugta Ganacsiga ee Talyaaniga ayaa la kulmay madaxda xukuumadda.
Wefti UCID ka socda ayaa safar hawleed bilaabay in uu ku soo maro Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool.
Warar Waabsan
July 27, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Labaddi Shirgudoon ee labada gole ee xeerdajinta ayaa kulankoodii u dambeeyay is-af-garanwaa ku kala tegay;markey guurtidu ku adkeystay [1] Khilaafka 2da xubnood ee komishanku ka dhaxayso xukuumada iyo golaha wakiilada. [2] Iyo in Shirgudoonku Golaha Wakiiladu la kulmo Gudida Guurtida ee khilaafaadka.
Golaha Wakiiladu wuxuu ogolaaday in Miisaaniyadu golohooda iyo xukuumada ka dhaxeyso waxaase u diiday in arrinta komishanku ay ka dhaxayso Golaha Wakiilada iyo xukuumada, ta komishankuse ay xeerdajinta ka dhaxayso.
Gudoomiye-Ku-Xiggeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa Laascaanood ku tegay safar howleed.
Waftigii Rugta Ganacsiga ee Talyaaniga ayaa la kulmay madaxda xukuumadda.
Wefti UCID ka socda ayaa safar hawleed bilaabay in uu ku soo maro Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool.
Warar Waabsan
July 26, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Warar sheegaya ayaa jira in la isku dayay sidii loo soo xidhi lahaa Guddoomiye-Ku-Xiggeenka Ururka Qaran aanse fullin.
Dareen siyaasi ah oo isa soo taraya ayaa leh dhegaha ha la furo dhawaaq baa ka soo dhow Soole'.
Qaran Iyo Badbaado
July 25, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Shalayto ayuu Qaran oo halgan ugu jira, in uu noqdo urur la diiwaangeliyo, uu xafiis ka furtay xaafada Axmedd Dhagax ee Magaalada Hargeysa, halkaasuu fagaare kala hadlay. Maantana koox u halgameysa in ay noqoto urur la diiwaan geliyo, lana magac baxday Badbaado ayaa jiritaankeeda kaga dhawaaqday Hargeysa. Waxa xusid mudan in ay xukuumadu ku dhawaaqday in ay talaabo sharciya ka qaadi doonto Qaran hadduu joojin waayo hawl-galkiisa siyaasigga ah.
Mudaharaad Ka Dhacay Groowe
July 25, 2007

(SOHTA) Mudaharaad rabshado wata oo dhagaxna la tuuraayo rasaasna la maqlayey, jidadkana dhagaax la dhigay ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe. Dadku waxay ka mudaharaadayeen sicir-barar, maciishadii cirka ku shareeray; kaas oo ka dhashay lacag faalsa ah oo lagu daabaco Magaalada Boosaaso. Iyadoo arrintu faraha ka bixi gaadhay, dhagixii la tuuraayey iyo rasaastii ay ciidamado kor u ridayeen ayaa amar sare yimi oo ka joojiyey rasaastii ay ridayeen. Maamulka oo ka fadhiistay arrintaa ayaa sheegay in dadkii lacagta faalsada ahaa daabacayey qaarkood lahayo, kuwii kalana lagu dabo jiro; iyadoo laga codsadey dadweynahana in ay nabada ilaaliyaan.
Kulankii Madaxweynaha Iyo Ergeyga Midowga Urub
July 24, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Madaxweynaha JSL iyo ergeyga Midowga Yurub, kulankii ay yeesheen waxay ka wada hadleen geedi socodka dimoqraadiyada ee Soomaaliland sidii loo dhameystiri lahaa, tabaabulshaha howlaha ka dhimana loo hir gelin lahaa; iyada oo Midowga Yurub u balanqaaday maalgelinta fullinta hawlgalkaa. Madaxweynuhu isagoo balanqaaday inay doorashooyinku wakhtigoodii dhici doonaan ayuu ka codsadey Midowga Yurubna inay gacan ka geystaan; isagoo si gaara u xusay adeegyada la xidhiidha caafimaadka.
Kulanka Ergeyga Yurub Iyo Xisbiyada
July 24, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Waxa kale oo uu ergeyga Midowga Yurub la kulmay Madaxda Labada Xisbi ee Mucaaridka ah iyo Ururka Qaran ee aanay sharciyaddiisu weli sugneyn. Xisbiyada Mucaaradka ah waxay ergeyga ka wada hadleen doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan 9-ka bilood ee soo socda iyo guud ahaan geedi socodka dimoqraadiyadda talaabooyinka ka dhiman ee aan weli la qaadin iyo sidii loo qaadi lahaa. Xisbigga Kulmiye wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay khatarta ka iman karta mataanaynta la maataaneeyo Doorashada Dowladaha Hoose iyo Doorashada Madaxweynaha. Wuxuu aad ugu nuux nuux saday in labada doorasho mid walba goonideeda loo qabto wakhtigeedana la qabto.
Ergeyga Midowga Yurub Iyo Booqashadiisa Somaliland
July 23, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Mr. George Mack Undreu Ergeyga Midowga Yurub ee qaabilsan arimaha Somaliya iyo Somaliland ayaa booqasho ku yimid Hargeysa Caasimada Somaliland. Wuxuu maanta la kulmay Madaxweynaha JSL, mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa. Kulankaas oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada wax wara oo rasmiya oo ka soo baxay majiro. Waxaa la filayaa oo kale inuu la kulmo madaxda xisbiyada mucaaridka ah iyo urrurada rayidka ah. Waxaa xusid mudan, in uu Midowga Yurub maalgelinta doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, ka qaatay qayb libaax; iyadoo iminkana lafilayo, diiwaan-gelinta codeeyayaasha iyo doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Somaliland uu maalgelin doono.
Warar Waabsan
July 23, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Waxaa la fillayaa inuu dekeda Berbara, maalmaha fooda inagu soo haya, ku soo xidho markab dowlada Itoobiya urarani.
Taliyaha Ciidamada Qaranka Nuux Ismaciil Taani, ayaa qado sharaf ugu sameeyay Hotel Xaraf, koox saraakiil ah oo tababar casri ah kusoo dhamaysatay Itoobiya. Ma aha markii ugu horeysay ee saraakiil ciidanka Somaliland lagu soo tababaro Itoobiya .
Labadii Shirgudoon Oo Is Mari La'.
July 22, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Shirgudoonka Golaha Wakiilada ayaa diiday in uu la kulmo guddi Golaha Guurtidu u saaray in ay dhexdhexaadin ka galaan khilaafaadka ku saabsan Miisaaniyada iyo labadii xubnood ee Komishanka ee Golaha Wakiiladu ansaxin waayay. War loo nisbeeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa sheegaya in gudoomiyuhu tibaaxay in labadaa arrin ay Golaha Wakiiladda, kasoo dhamaadeen oo mowqifkii Golaha Wakiilada ee labadaa arrin ku wajahnaana waxba aanay iska badalin. Wararku waxay intaa raacinayaan in Shirguddoonka Golaha Wakiiladu diyaar u yahay in uu dhageysto Shirgudoonka Golaha Guurtida haday fikradu cusub hayaan.
Warar Waabsan
July 21, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Xildhibaano 17 ah oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Guurtidu ayuu golahoodu u saaray inay ku dhexdhexaadiyaan Xukuumada iyo Golaha Wakiilada khilaafkii ka dhashay 2da xubnood ee Komishanka ee la ansixin waayay iyo miinsaaniyadda.
Labada xisbi ee mucaaridka ahi tallaabadaa weyka biyo diideen iyagoo yiri sideebay guurtidu dhexdhexaadin uga geli kartaa khilaaf iyadu ay dhinac ka tahay, marka laga hadlayo labada xubnood ee ay guurtidu magacowday Golaha Wakiiladuna ansaxin waayeen.
Warar Waabsan
July 20, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Kulmiye, ayaa warsaxafadeed, Gudoomiyaha Xisbigu saxeexay qoraalkii Wasiirka Arrimaha Guduhu, ku joojinayey, hawlgalka Ururka Qaran, ku cambaareeyey kuna tilmaamay in dimoqraadiyadda la cabudhinayo.
Habbane weriyihii Jamhuuriya ee Gobolka Awdal ayaa xabsiga dhexe ee Boorame laga sii daayey, kadib markuu 7 maalmood xidhnaa.
Warar Waabsan
July 19, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Ururka Qaran, isla markuu helay qoraalkii Wasaarada Arramiha Guduhu kaga codsatay in ay hawlgalkooda siyaasigga ah joojiyaan, wuu ka jawaabay isaggoo yidhi hanjabaadi kama joojin karto in ay xaqooda dastuuriga ah ku dhaqmaan.
Saalax Aadan Faarax Alla-Haw-Naxariistee kana mid ahaa ergadii Puntland ka socotay ayaa geeri caadiya Xamar ku Geeriyooday. Ergadii Puntlandna way diideen in ay deggenadaan Hotel Lafaweyn, oo habeenkii ugu horeeyay lagu weeraray.
Warara Waabsan
July 18, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Golaha Guurtida ayaa kalfadhi aan caadi ahayn maanta oo 60 dheeryihiin go'aamiyay in gudi loo saaro xalinta khilaafaadka la xidhiidha labadii xubnood ee Komishanka ahaa ee Golaha Wakiiladu ansixin waayay iyo Miisaaniyada.
Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa ku wargeliyay Ururka Qaran haday joojin waayaan dhaqdhaqaaqooda siyaasiga ah, in talaabo sharciya laga qaadayo.
Warar Waabsan
July 17, 2007

(SOHTA - Burco) Gudida Nabadgelyada ee Togdheer ayaa xidhay xubno ka tirsan maamulka shirkadda 571, kadib markii cashuur ka baxsi uu ku eedeeyay shiriikadda iyadoo ciidan hubeysan adeegsaneysa.
SOLJA iyo Ururo Xuquuqda Aadamiga u dooda ayaa xukuumadda ku eedeeyay xadhigga weriye Habene oo ah Wakiilka Jamhuuriya ee Gobolka Awdal; isla markaana ka codsadey in degdeg ah loo sii daayo. Waxaa xusid muddan in weriyaha lagu haysto war aan jirin uu baahiyey; kaas oo ahaa inuu qorey laba dhinac oo islaayay iyaga oo isku adeegsaday faashash iyo budad.
Wrar Waabsan
July 16, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Gudoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa haddal uu TV-ga kasii daayay, cambaareeyey ka qeybgalka dad Somaliland u dhashay ay shirka Xamar ka qaybgalayaan; isla markaana ka codsaday xukuumada Somaliland, ciddii shirkaa ka qayb gasha, in ay la tiiksatto, xeerarka ku wajahan shirarka noocaas ah, ee dalka u yaala.
Sadex xubnood oo ka mid ah ergaddii Puntland ee ka qaybgaleysay shirkaa Xamar, ayey dhaawacyo soo gaadheen sidey wararku sheegayaan .
Maxamed Cabdiraxmaan Habbane weriyaha wargeyska Jamhuuriya ee Gobolka Awdal ayey sabtidii (14 July) Ciidamada Dambi Baadhistu (CID) u taxaabeen xabsigga Boorama .
Shirkii Oo Hakad Galay
July 15, 2007

(SOHTA - Muqdisho) Shirkii maanta la furay kadib ayaa hakad la geliyey tan iyo maalinta Khamiista, inta ay ergooyinku ka soo dhamaanayaa sida Laanta Afsoomaaliga ah ee BBCdu baahisay. Shabakadaha warbaahinta ee Xamarna waxay sheegayaan in hoobiyayaal lagu riday madashii shirka, inkastoo khasaaraha dhacay aan tafaasiil laga hayn.
Wara Waabsan
July 14, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Maantaa la xidhay kalfadhigii Golaha Wakiiladda; taasoo golahu xidhnaan doono 6 todobaad, iyadoo ay dhamaatay dooddii la xidhiidhsanayd wax-ka-badalka Xeer Lum 20/01 .
Dhaarintii 5 xubnood ee Komishanka ee la ansixiyay weli Maxkammada Sare ayaa laga sugayaa.
Sida shabekadaha qaar qorayaana waxaa la dareemayaa in muran qaanuuni ahi ka taagan yahay in Shirgudoonka Golaha Wakiiladdu sharciyan kama codsan karo Maxkamadda Sare in ay dhaariso Xubnahaa 5 ta ah.
Warar Waabsan
July 12, 2007

Warar Waabsan: (SOHTA - Hargeysa) Wasiirka Waxbarashadda ayaa maanta dhagax dhiggey seeskii dugsi cusub, Xaafada Koodbuur; kaas oo katirsan dugsiyyada Al-Baraka.
Waxa maanta Kulmiye ku biirey, Abiib Diiriye Nuur - wasiir hore, C/Laahi Xaaji Cumar (Jawaan) - ku xiggeenkii Komishanka ee hore, Cali Xassan Sheekhdoon - xldhibaan hore iyo Mujaahid Mohamed X. C/Laahi (jidhif).
Iyada oo ay agga tahay saxid, sadex aloolow laba alool (2/3) xubno tirrdoodu gaadho oo ka soo horjeeda Duqii Gabiley, ee xilka kaga qaada la is yidhi haldheeri, ayuu kaga badbaaday xil ka qaadistii; taas oo wax ka baddel xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka, ku cad.
T A C S I
July 10, 2007

Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Bahda soo saarta Somalilandhorta, Reer Axmed Yuusuf Ducaale, Reer Cabdil Kariim Hassan Alim, Shukri Kheyre, Cali Mahdi, Guuleed Mahdi, Muna Mahdi, Reer Abshir Nuur Cumar, Reer Cali Aadan Mecaad, Reer Muuse Xassan Ismaciil , Yaasiin Abdi Muxumed Iyo Xaaskiisa, iyo Muse Ibraahim Bookh waxay tacsi u dirayaan Reer Askar Caateeye oo dhawaan hooyadood Caasha Ibraahim Dubad ku geeriyootay Magaalada Gabiley. Marxuumadaa waxan Illaahay uga baryaynaa inuu Janada ugu deeqo. Qoskeedii ay ka baxayna illaahay samir iyo iimaan haka siiyo - Ameen -
Warar Waabsan
July 10, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Shirkii Golaha Wakiilada, ayuu maanta xidhay Gudoomiye-Ku-Xiggeenka 1aad, oo fadhiga maanta gudoominayey; markii sawaxan iyo qaylo ay fadhigga ka yeedhay, kadib gudoomiyuhu, markii uu damcay inuu sii wado doodii, xeerkii gacanta lagu hayey, hase yeshee ay damceen iney mudaneyaal soo jeediyaan moshin diidaye in aanu goluhu fasax galin.
Weriye Cabdi Dayax Jamac, wakiilka Hadhwanaag ee Boosaaso. ayaa shalay. Markuu warkii ugu horeeyay Hadhwanaag u soo direy, dhar-cad intay qalabkii uu ku shaqeynay ka qaadeen isna saldhiga bileyska ee Boosaaso u dhaadhiciyeen.
Gabiley Iyo Ururka Qaran
July 9, 2007

(SOHTA - Gabiley) Magaalada Gabiley waxaa gaadhay wefti ka tirsan ururka qaran; kaas oo u hoggaaminayey Guddooomiye-Ku-Xiggeenka ururka ENG. Mohamed Xaashi Cilmi weftigu goobtuu ka hadli lahaa bileyska maggaalada ayaa ka horjoogsaday. Kadib ayuu gudoomiye kuxiggeenku, meelbanaana, oo geed hoostiiya dadka kala hadlay.Talaabadaa bileyska wuu dhaleeceeyay waxaanu ku tilmaamay waxyaabaha dalku hore uga halgameen; issagoo wax qabadka xukuumadana dhaliilay. Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku tilmaamay talaabadaa bileysku ka qaaday Ururka Qaran mid xadgudub ah.
Wiil Todobaale-ah
July 7, 2007

(SOHTA) Magaalada, Denver, Colorada, Cusbataladeeda cusbataal ka mid ah waxaa maanta ku dhashay, oo ah July, bishii 7aad ee sanadka, maalintii 7aad bisha iyo sanadkoo ah 2007 saacadu markay ahayd 7 aroornimo iyo hal daqiiqo, qolka number 7 wiil miisaankiisu yahay 7 rodol iyo 7 wiqiyadood; isla markaana ah ilmihii 7aad ee awoowgii aabo iyo awoowgii hooyaba ay awoow u noqdaan.
Warar Waabsan
July 6, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Waxa Boorama lagu caleemo saaray, Suldaan C/Raxmaan Jaamac Dhawal; kaas oo loo caleemo saaray Ba Habar Carfaan.
Ururka qaran ayaa laga furay ceerigaabo . Inkasta oo ururku xafiisyo ka furtay magaaaalooyin kale, waxaa xusid mudan in aan wali la diiwaangeln, dawladduna ay u aragto urur aan sharci ahayn.
Madax dhaqmeedyo sheegtay in ay Soomaaliya ka yimaadeen si ay ula kulmeen Madax dhaqmeedyada Somaliland ayey ka biyo-diideen la kulankooda Madax dhaqmeedyadda Somaliland siday ula kulmaan.
Madaxtooyada Oo Beenisay
July 4, 2007

(SOHTA - Hargeysa) War saxafadeed, maanta kasoo baxay Madaxtooyada, ayaa cadeeyay, Madaxtooyadoo beenisay, warar ay baahiyeen Haatuf iyo Somaliland org. Wararkaasi waxay tibaaxeen in fariintii uu sidey Atto Tekede Alamo, kana sidey Meles Zinawe, ay ahayd 1) In ciidamada itoobiya la siiyo meela ay ka degaan galbeedka Somaliland. 2) In ciidamada Somaaliland ee Sool iyo Sanaag ku sugan meelahay fadhiyaan ndib looga soo qaado, oo aan laga hor iman ciidamadda Puntland eeku biiraya somaaliya.War saxafadeedku wararkaa wuxuu ku tilmaamay, been aan sal iyo raad toona lahayn;isaga oo booqashadaa Wasiirka Itoobiya ku yimi Somaliland, ku tilmaamay talaabo kobcinaysa oo adkeyneysa, xidhiidhka wanaagsan ee labada dal.
Nabadoonkan oo ka mid ah Nabadoonada aadka looga qadariyo Gobolka Hiiraan oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle ayaa Ciidamo Ethiopian ahi ka kaxeysteen Gurigiisa oo ku yaal Beled Weyn, iyadoo ay dhaqaajiyeen dhanka iyo Feer Feer
July 4, 2007

Nabadoon Xasan Nuur Qanyare (Xasan Ciid) ayaa la sheegay in amarka looga waday gurigiisa ee loogu taxaabay Xabsiga uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana xadhigiisa lala xidhiidhanayaa Dagaal beeleedyo ka jira Gobolkaas. Nabdoonkan oo ka soo jeeda mid ka mid ah Beelihii ku dagaalamay Deegaanka Coomaad ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in sababaha xabsiga loogu dhaadhiciyay ay tahay dagaaladaas awgeed. Dadka ku dhaqan magaalada Beled Weyn ayaa aad uga carooday tallaabada Nabadoonkan Xabsiga loogu taxaabay.
Warar Waabsan
July 3, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Madaxweynaha ayaa Guddi Wasiira u magacaabay sidii loo xakameyn lahaa dhaqdhaqaaqa Ururka Qaran ay madaxdiisu ka waddey dalka gudihiisa, muddo 4 bilood ah; kaas oo ay u aragto dhaqdhaqaaq aan sharci ahayn.
Radio Horyaal ayaa hawada ku soo noqday markuu 10 bilood ka maqnaa, asbaab la xidhiidha dhaqaalaha.
Tifatirihii STV Oo La Sii Daayay
July 2, 2007

(SOHTA - Hargeysa) C/Raxmaan Muuse Cumar, tifatiraha SLTV, sadex maalmoodna xabsiga dhexe ee Hargeysa ku xidhnaa, dacwad oo ku soo oogey Duqa Hargeysi awgeed,ayey maanta maxkamaddu sii deysey markii waxba lagu waayay. Tifatiraha oo Duqa Hargeysi isku raaciyey cay iyo dhrbaaxo halka duquna ku dacwoonayey candhuuf uu ku tufay tifatiruhu. Tifatiruhu wuxuu tibaaxay in duqu diidanaa in la baahiyo dhacdo sandaqad lagaga dumiyey xaas danyar ah xaafada Pipsiga; taas oo qaab foolxun ciidanka dawladda hoose u fuleyeen shaqaaqana ka dhalatay.
Hal Dhaan Wado
July 1, 2007

Helay fariinta oo garanay oo ruugney, ineydin xaqiiqadii aqbasheen, in ay Somaliland iyo Soomaaliya wax ka dhexeeya aanay jirin; markaad u dabaal degteen 1-dii Julaay ee aad 26-kii Juun na badheedh u ilowdeen. Manaan Iloobin Dharaartii Walaalkey Loo Dhisayeen/Markale Dhashey Soo Ma Soo Dhicin? Insha-Allaahu berina waxaan ku heesi. Dharaartaan Aqoonsigii Dhacsadeen/Markale Sow Ma Soo Dhicin.~~~ Somalilandhorta~~~.



 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].