|
|
NEWS
|
|
|
Warshadii Furshaanta Somaliland Ee AL-Khayr La Bakhtiin
Kari La’a yahay, Kadib Markii uu Dab -Qabsaday, Iyo Guul-daradii
July 31, 2007
Warshadii Furshaanta Somaliland ee Al-khayr ayaa gaalabta abaaro markay saacadu
ahayd 4:20 Galabnimo dab qabsaday oo shufbeyshay.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogi inuu ilaa imikadan ay gubanayso
dhis-mihii Warshadu oo la bakhtiin kari la’a yahay, waxaanay la sheegay inay dad
mutadawiciin ah ay wakhtigan ku hawlan yihiin sidii ay u bakhtiin la haayeen
wershadaasi, lama garanayo waxa keenay gubashada warshada.
May, helin gur-mad dhinaca Xukuumada Somaliland ah oo ay ku bakhtiiso bakhstiiso
dabka qabsaday wershada oo aan haybtiisa la garanayn.
Warshadan oo dhismaheedu ku yaalo Xaafada Maxamed Mooge ee Waaxda Maxamuud-Haybe
ee Magaalada Hargeysa,oo ka mid ah warshadihii ugu horeeyey ee nooceeda oo kale
ah ee laga asaaso Somaliland, taas oo wax badan ka haqab-tirtay baahidii ay
dadku u qabeen ee dhinaca Buushashka iyo Furshaanta
Wixii war ka soo kordha kala socda Shabakada Wararka ee Hadhwanaag wakhtiyada
soo socda ayaanu idiin soo gudbindoona
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|
|