NEWS

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

War Iyo Faalo:
January 29, 2007


(SOHTA) - Warka odhanaya Kusiisamaha Gudoomiyaha Kulmiye ayaa yidhi  UCID iyo Kulmiye, labada xisbi ee mucaaraidka ah, mowqifkooda ku wajahan magacaabida xubnaha uga qayb galaya Komishanka Doorooshiyanka, waa in ay 9-xubnood noqdaan, sadex sadex ay u kala qaataan Madaxweynaha iyo labada xisbi ee mucaaridka ahi waxay SomalilandHorta ka soo xigatay Hadhwanaag.

FAALO:
Hadii warkaasi jiro SomalilandHorta faaladan soo socota ayey ka dhiibanaysaa. Wajirtay in ay labada xisbi  sidaa soo jeediyeen, ka hor intii  aan Golahan Wakiilada ee cusub la dooran. Golahii Wakiilada ee hore arintaa go'aan kamuu gaadhin oo xeer Lumbar 20/01 wax badal ah kuma samayn. Xeerkaasi weli waa halkiisiii, Gudida Doorashooyinkuna waa sideedii oo waa 7ba tiradoodu. Labada xisbi ee mucaaridka ahi iyagoo aqlabiyada Golaha Wakiilada leh, xubnaha golaha ugu jirraa Xeer Lumber 20/01 wax-ka-badalkiisa Golaha Wakiilada maysoo hordhigin.

Waxaad qadartaa  xubnahaa Golaha Wakiilada labada xisbi ee mucaaridka ah ugu jira oo imika kuba guuleysta iney agenda kal-fadhigan ee Golaha Wakiiladda  geliyaan, lagana doodo, loona codeeyo in xubnaha Komishanka Doorashooyinka laga dhigo 9aal, sidey soo jeediyeena loo qaybsado , sidaana ay ku ansaxiyaan; maxaynu ka fili karnaa Golaha Guurtida ee labadii xubnood ee uu Komishanka u magacaabilahaa badalkan xeerka lagu sameeyay ka horjoogsadey ? Jawaabtu way cadahay. Golaha Guurtidu bedelkaa hadiiba xeerka lagu sameeya wuu diidayaa. Jidkuu qaadsiiyey Xeerkii Doorashooyinkiisa ku saabsanaa ayuu kana marinayaa. Runta aynu kuwada hadalo oo wixii suura geli kara ee aaney dani inaga wadayn aynu yeelo. Xeerkii Golaha Wakiilasdu hore u gudbiyey ee ku saabsanaa Doorashooyinka Guurtida waxa kadhashay in guurtidu  mudadii  ay kordhisteen  kordhis dhaliyey  mushkilad dastuuriya (Constitutional Crisis) oo aan ilaa hada meel laysla dhigin. Waxa qurux badan oo hawlyar kolba waxa ugu sahlan ee sida ugu dhibta yar una dhakhsaha badan  loo dhaqan gelinkaro. Labada xisbi ee mucaaridka ah waxaan kula talinayaa in ay labadooda xubnood  magacaabaan una gudbiyaan Madaxweynaha. Waxaan Madaxweynahana kula talinayaa, xeerka 20/01  madhigayo in xisbiyada mucaaridka ahi ay kuu soo gudbiyaaan 4-magac ood laba kala baxdid. Wuxuu dhigayaa in ay laba xubnood kuu soo gudbiyaan. Labada guurtida, 3-magacawdey Mudane Madaxweyne iyo labada xisbiyadda mucaaridku ayaa xeer lumbar 20/01 ina farayaa inaad hordhigtid Golaha Wakiilada, si u u ansixiyo ama udiido. Nin habari dhashay hal maseegi waayo ee haddaan hadalka surmo-seegto u yeelay dood baan ka ogolahay, gebegebeynina waa Allow eexna ha nagaga tegin aqoona ha nagu cadaabin

 ___

Axmed Yuusuf Ducaale
Toronto, Canada


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].