- Somaliland Horta Website cPanel X

WARAR_WAABSAN

MAIN
Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Audio
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Waabari
Focus on Africa
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI
Itoobiyoo La Wareegtay Heshiisiintii Labada Dhinac
February 28, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Itoobiya ayaa la wareegtay dib u heshiisiintii labadii dhinac ee isku dhacay degaanka Daroor, 50 odey oo labada dhinac ka tirsan ee wada hadaladii heshiiska bilaabay iyadoo maamulka gobolkee Itoobiyana uu howshaa daadahaynayo, sidaa awgeed ayay wufuudii Somaliland ee arrintaa u ban baxday ku soo laabatay dalka iyadoo rajayneysa in arrintaa guul waarta laga gaaro.
Ururka Farsamo Ee Khubarada Somaliland
February 27, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Kulan maanta ka dhacay Guriga Shaqaalaha Dawladda Ee Hargeysa,ayaa waxaa iskugu yimi xubno ka tirsan Ururka Farsama Ee Khubarada Somaliland, oo halkaa ku soo bandhigay ujeedooyinka ay ururkan u abuureen; kuwaas oo ay ka mid noqon doonaan diiwaangelinta khubarada iyo aqoonyahanada Somaliland gudaha iyo dibadaba oo diyaarin doona diraasaad dabooli doonta baahiyaha dalka ee kala duwan dhinac kastaba. Madaxweyne Rayaale ayaa fikradda iyo ururkaba aad usoo dhaweeyay sheegayna in ay talaabadani ahayd talaabo mar horeba in la qaado ku habooneyd, Ilaahayna ka rajeeyay in ururkani ku guuleysto inuu jiilkan iyo jiilasha soo socdaba u dejiyo qorshe horumar oo loo aayo.
Marathonkii Hargeysa:
February 27, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Tuulada Abaarso oo 21KM Hargeysa galbeedkeeda ah, ayey maanta 120 ordaa saaka Marathonkii Hargeysa (orodkii dheeraa ) ee ugu horeeyay, kasoo baratameen goobta tan iyo badhtamaha Hargeysa. 15-kii ugu soo dheereeyay ayaa abaalmarin la gudoonsiiyey iyadoo si gaar ah loo abaalmariyey 3dexdii ugu soo horeeyay. Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ayaa guud ahaan bulshada ka codsaday iyo gaar ahaan ganacsatada iney taageeraan dhacdooyinkan oo kale.
Laan Qeyrta Cas Iyo Walaaca Ay Ka Muujisay Dhibaatada Rayidka Haysata:
February 26, 2007
(SOHTA ) - Labadan maalmaood ee u danbeeyayba Xarunta Laan Qeyrta Cas ee Geneva waxaa ka soo baxayey wallaacyo ku wajahan dhibaatada haysatada dadka rayidka ah, ee dushooda iyo dhexdoodaba hubka culus ay isku weydaarsanayaan labada dhinac ee ku dagaalamaya Xamar. Dhaawaca intii dagaaladaasi bilaabmeen waxay ku qiyaastay 480, iyadoo dhimashana ay jirtay. Waxay sheegtay in dagaaladaasi ay sabab u noqdeen in dad badan oo weliba ah danyartii ay barakac iyo qax bilaabeen; taas oo ay ka dhalatay xaalad aad u adag oo baahiyeed.

Wararkii Komishanka
February 25, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Ilaaladdii cusbeyd ee Komishanka xafiisyadiisa la geeyay wax is bedel ah oo ay soo kordhisay ilaa imika majiro. Wararku waxay sugayaan inuu caawa la shiray Madaxweynuhu Xubnaha Komishanka Doorashooyinka, wax war ah oo kasoo baxayse mahayno. Waraysi ay Jamhuuriya la yeelatay Gudoomiyaha UCID oo ay weydiisay siduu u arko sharciyadda kordhinta mudadda komishanka wuxuu ku jawaabay, "Walaahi ma garanayo in ay sharci tahay iyo in aanay ahayn." Intaa waxuu raaciyey iney mudadoodii dhamaatay ayla tahayna in ay Madaxweynaha iyo Komishanku is arkaan. Su'aalo danbe oo laga weydiiyey go'aanka Golaha Wakiilada ee ku wajahan kordhinta muddada komishaanka wuxuu ku tilmaamay mid khalad ah oon sharci ahayn, xubnihii xusbigiisa ee u codeeyayna loo hoos geliyay.

Baaqyo Nabadeed
February 25, 2007
(SOHTA ) - London (U.K), Sweden iyo Finland Jahliyadaha reer Somaliland ee degan, ayaa baaqyo nabadeed oo ku wajahan reer Daroor baahiyey. Baaqyadaasi, iyagoo canbaareynaya colaada halkaa ka aloosantay, waxay ka codsanayaan labada dhinac ee walaalaha ah ee isku dhacay iney nabad qaataan; isla markaana ergooyinka nabadeynta u tagey halkaa waxay ka codsanayaan in nabad sugidu aanay mar danbe qabyo ka noqon, iyagoo u mahadnaqaya maamulada iyo intii gurmateyba.

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Mudda U Kordhinta Kommishankii Hore
February 19, 2007
(SOHTA - HARGEYSA) - Shir Golaha Wakiiladdu isugu yimi shalay oo ay xaadir ahaayeen 60 xubnood, ayaa ka dooday una codeeyay mooshin ay golaha soo hor dhigeen 13 xubnood; mooshinkaas oo ahaa in 2 sana loo kordhiyo Komishankii Doorashooyinkee hore. (Sababeynta Ka Eeg Warkaanu Shalay kasoo xiganey Jamhuuriya) Nitiijaddii codeyntu waxay noqotey 36 ogolaaday, 19 ka aamusay iyo 4 diiday. Sida muuqata gudoomiyihii shirku ma codeyn.

Dagaalada Daroor Iyo Gudiga Amaanka Ee Qaranka
February 19, 2007
(SOHTA - HARGEYSA) - Dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay goobo ka tirsan deegaanka Daroor ayay dhimashadu gaadhay inta la ogyahay 40 qof, dhaawaca Hargeysa iyo Burco la kala keenayna 48qof. Gudida Amaanka Qaranka ee Somaliland ayaa go'aamisay in qofkii hawlo abaabul oo dagaalkaa ku wajahan gala in talaabo sharci ah laga qaadi doono, gaadiidkii lagu qabto taakuleyn shidaal, hub ama rasaas ay xukuumadu la wareegi doonto iyo aaga ku aadan Daroor xuduuda Somaliland in la xidhi doono. Waxay intaa ku dartay Gudida Ammaanka Qaranku in masaajidda iyo warbaahintaba loo adeegsado sidii dadka looga wacyi gelin lahaa dagaalkaa baadilka ah.

Dagaal Cusub Oo Laga Soo Sheegay Darroor
February 18, 2007
(SOHTA) - BBC-da, qaybteeda Af Soomaaliga wakiilka u jooga Hargeysa, Somaliland, ayaa maanta soo tabiyey in afar goobood oo kale oo degaanka darroor ah, labadii dhinac ee Arbacadii hore dagaalku dhexmaray, uu iska hor imaad hubeysani mar danbe dhexmaray. Dhaawac iyo dhimasho midna tiradoodo ma sheegin. Madaxweynaha J.S.L. ayaa maanta ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay dagaalkaa uu yidhi, "Waa baadil ," joojiyaan; kaas oo u ku tilmaamay in aanu xigmad ku fadhiyin. Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in xukuumada Somaliland ay awwoodeedda isugu geyneyso in taakuleyn dagaal looga gudbin karin Somaliland dhinacyadda goobtaa isku haya. Wuxuu intaa Madaxweynuhu raaciyey, in ay xukuumaddu ku dadaaleyso, in aan colaaddaasi usoo gudbin Somaliland.

Dad Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Dhacay Sool Oo Dhakhtarka Hargeysa La Dhigay
February 14, 2007
(SOHTA) - Dagaal ka dhacay goob Sool ah, oo dhexmaray laba dhinac oo Nugaal iyo Sool ka soo kala jeeda, ayaa dhaawac 6 nin ka kooban oo reer Sool ah dhakhtarka weyn ee hargeysa la keenay. Dagaalkaas oo haatan qaboobay, dhaawac iyo dhimashabase lahaa waxaa u sabab ahaa koox reer Nugaaleed ah oo goobta lagu dagaalamay damacday ama bilowday inay ka qodoto Berkado taas oo reer Soolna ay diideen, sida ay reer Sool ku dacwiyayaan. Sida uu ku andacooday nin dhaawaca ka mid ahi maamulka ayaa xoojin, taakulayn iyo tu ciidanba ugu deeqay dhinaca nugaal ka soo jeeda

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo Golaha Wakiilada Beri Lasoo Hordhigayo
February 12, 2007
(SOHTA) - Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa maanta ku dhawaaqay in berito golaha la horkeeni doono magacyada 6 xubnood oo ah komishanka doorashooyinka; 6 daas oo Madaxweynuhu 3 soo magacaabay, Guurtuduna 2 halka xisbigga UCID ee mucaaridka ahina 1 kasoo maga caabay. Xisbigga Kulmiye ee mucaaridka ah ayaa xubinta 7 laga sugayaa. Waxa xusid mudan in ay jireen codad muujiyey in aan xubnaha gudidaasi isu dheeli tirneyn marka la eego goboladda.

Kismaayo Oo Bandoow Lagu Soo Rogay Xalay
February 12, 2007
(SOHTA)- Magaalada Kismaayo ayaa xalay lagu soo rogay bandoo. Waxaa bandoodaa loogu soo rogay magaalada, kadib markii shalay, Beerta Xoriyadda, oo lagu soo dhaweynayey saraakiil kasocota ciidamada dawlada KMG-ka, banbaano lagu dhuftay aan markii cidna loo qaban. Xalay ciidamada ayaa magaaladda gaaf-wareegayey, ganacsiyada wixii furana amrayey in la xiro. Intii maxkamadaha laga qabsaday Kismaayo dhacdadan banbaanada lala eegtay ayaa ah dhacdadii ugu qaraareyd ee magaalada ayka fuliyaan dad aan haybtooda lagaraneyn.

Hoobiyayaal Iyo Baasuukayaal Lala Dhacay Xamar Maanta:
February 10, 2007
(SOHTA) - Maanta, ayaa Hotel Kaah, oo Xamar kuyaal oo kana socda Siminar ku saabsan dib u heshiisiintu, Baazsuukayaal lagu weeraray. Gabar yar ayaa halkaa ku dhimatay. Isla markaa ayaa hoobiye lala dayday madaarka Xamar oo markaa ay dayuurad ka kacaysay. Buulo Xuubay ayaa iyana hoobiye lagu dhuftay. Laba qof aa halkaa ku dhaawacmay Hoobiyahaa ku dhacay Buulo Xuubay mid ay kaga jawaabayaan ciidamada gaashaanbuurta ahi ayaa ku dhacay xaafad u dhow suuqa xoolaha. Dhimaso iyo dhaawacba wuu geystay. Dhakhtar lala xidhiidhay wuxuu sheegay dhawaca soo gaadhay, guud ahaan in uu ahaa 12-qof, dhimashada marka layso geeyana 6-qof gaadheysey.
Masuulka ku-xigeenaka Gaashaandhiga dawlada KMG-ka wuxuu sheegay in dadka falalkaa geystay ay yihiin argagixisadii oo diiday in ay ka tanaasusho waxay aaminsanayd, hasayeeshee " la eryooday", waa siduu hadalka u dhigee. Waxaa xusid mudan, in maalintan maanta ahi ahayd tay weerarada Xamar laga qaadaa ugu kululaayeen.

TACSI:  Innaa-LiLLaahi- Wa -Innaa- Illeyhi- Raajucuun
February 9, 2007

Axmed Yuusuf Ducaale Xaaskiisa iyo Caruurtooduba waxay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladdii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Yuusuf Cali  Xuzseen (Tahar) oo shalay lagu aasay Oakland, USA. .Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyo gidigeena Samir iyo Iimaan haynaga siiyo - Ameen..
Anoo ah Yaasmiin Axmed Yuusuf Ducaale, waxaan si gaar ah uga tacsiyadeynayaa Nimco Yuusuf Cali (Tahar) iyo Ayaan Yuusuf Cali (Tahar) geerida ku timi aabahood. Ilaahay naxaristii jano ha ka waraabiyo saamir iyo iimaana illahay ha inaga siiyo - Ameen

Banaanbax Ka Dhacay Waqooyiga Xamar
February 9, 2007
(SOHTA) - Maanta waxaa ka dhacay waqooyiga Xamar banaanbax lagaga soo horjeedo ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee ajanabiga in la keeno dhawaan Soomaaliya; banaanbaxaa oo ay soo abaabuleen koox la baxday dhaqdhaqaaqa kacdoonka Soomaaliya ee ka soo horjeeda ciidamada ajinabiga ah. Nin madaxu duuban yahay oo halkaa ka hadlay wuxuu sheegay in ay la dagaalami doonan meelkasta oy jogaan ciidamada Itoobiya isagoo sheegay iney yihiin dadkii maxkamadaha taageersanaa kana dambeeyay weeradii xamar ka dhacay wakhtiyadii u dambeeyay.

Baqe Laga Qabo In Daroor Rabash Danbe Ka dhaco:
February 8, 2007
(SOHTA) - Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Xuseen (Waraabe) ayaa gudidu shir jaaraa'id oo ay wada jir u qabteen, ugu baaqay Reer Daroor in aanay dhexdooda dhibaato danbe ka dhicin, isla markaana ay ka digtoodaan Suldaan ama Suuqjoog kuu doono ha ahaadee, ciddii looo arko in ay dab hurinayaan. Wuxuu xaajigu tilmaamay gurmadkii horeee Somaliland looga soo gurmaday wuxuu ku waaniyey, iyagaoo xaafad qudha ah in ay wixii khilaaf ah ee dhexdooda ah wada hadal iyo walaaltinimo ku dhameystaan.

Ceelguure Oo Caadi Noqotay
February 8, 2007
(SOHTA) - Shaqaaqadii shalay ka dhacday Ceelguure way dhamaatay, noloshiina caaadigeedii ayey kusoo noqotay. Madax dhaqameedyo ayaa ku jira sida kooxdii weerar ka geysatay wax looga qaban lahaa. Caaqil ayaa u xidhan shaqaaqada meesha ka dhacday isagoo oo lagu tuhmayey in uu lug kulahaa. Taliyihii qaybta bileyska saaxilna waa la badaley. Sida bileysku sheegay kooxda weerarka ah nina wuu ka dhintay midna waa laga dhaawacay. Warar madax banaanina waxay sheegayaan in beleyskana nin laga dhaawacay.

Shariifkii oo Yemen ka degay
February 8, 2007
(SOHTA) - Maanta ayaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka degay caasimada dalka Yamen, kadib markuu dhawr todobaad deganaa hotel ku yaala dalka Nayroobi - Kenya; halkaasoo uu kulano kula yeeshay saraakiil iyo masuuliyiin Mareykana. Inkastoo dhawr meelood oo Mareykanku ugu horeeyo lagaga dhawaaqay in qunyar socodka mMxkamadaha dawlada KMG-ku la shirto uu Sheekh Shariif ka kow yahay Cabdilaahi Yuusuf wuu diiday Maxkamadihii laga adkaaday in uu la shiro. Waxaa xusid mudan in Madaxdii Maxkammadaha qaar ku sugan yihiin dalka Yamen.

Hoobiyayaal Iyo Madaafiickale Oo Dhimasho Iyo Dhaawacba Keentay
February 8, 2007
(SOHTA) - Xalay ayaa magaalada Xamar hoobiyayaal iyo madaafiic kale lala eegtay dhawr goobood oo kala duwan magaalada. 5-qofna wayku dhinteen 6-qofna way ku dhaawacmeen qaraxyadaa xalay dhacay. Shalay ayaa masuulka ku xigeenka diffaacu hub uu soo ban dhigay, ku sheegay in ciidamadda amnigu qabteen hubkaa iyo maleyshiyaddii lahaydba kana mid ah dadka amnigga khalkhalliyey; isla markaana ay ku daba jiraan intii kale. Qanyare ayaa warkaa masuulka ku tilmaamay "been iyo baabul siyaasaddeed", kuna tilmaamay warkaa masuulka in lagu ceeybaynayo degaankii uu markii hore ka tilanjiray, imikana oo nabadiisana masuulka yahay isagoo xubin baarlamaani ah, sugayana inta ciidamadda amnigu soo gaadhayaan.

Dib U Xoreynta Soomaaliya
February 8, 2007
(SOHTA) - Aamina Saciid ayaa maanta waraysi ay BBC-da siisay ku dhawaaqday in ay asaaseen urur ay u bixiyeen "Dib u xoreynta Soomaaliya". Waxay intaa ku dartay iney muruq iyo maalna ku taageerayaan wixii u halgamaya iney dalka ciidamada Itoobiya ee qabsaday ka saaraan. Mudaharaad ay dhigeen oo ay kasoo qayb galeen dad ka kala yimi Mareykan, Canada, Italy, Norway iyo Swedan.

Biriijkii 2-aad Ee Burco Ayaa Maanta Xadhigga Laga Jaray
February 7, 2007
(SOHTA) - Mas-Uuliyiin badan iyo dadweyne badan ayaa maanta iskugu yimi, Bariijkii 2-aad ee Burco oo maanta dhamaaday, xadhiggana laga jarayey. Wasiirka Hawlah Guud iyo Guryeynta, Mudane Saciid Sulub ayaa maanta xadhigga ka jaray Biriijkii 2-aad ee Burco Magaalo Madaxda Togdheer. Wasiirkoo halkaa ka hadlay wuxuu sheegay inuu mashruucani tusaale u yahay iskaashiga xukuumadda iyo dadweynaha, isagoo tilmaamaya sidii wadajirka ahayd ee kharashka ku baxay dhismaha biriijka uga wada qaybgaleen. Waxa Wasiirku intaa kudaray in biriijkii 2-aadna Hargeysa dhawaan la bilaabayo loona hayo lacag ku dhow 1-Malyuun oo Dollarka Mareykanka ah. Engineerkii biriijka Burco dhisay ayaa sheegay in kharashka biriijkaa ku baxay ahaa $500, 000, kaas oo dawladu $300,000 bixisay dadweynuhuna $2000.

Magacawga Komishanka Doorashooyinka
February 7, 2007
(SOHTA) - Madaxweyna Jamhuuriyada Somaliland ayaa u gudbiyey Golaha Wakiiladda, magacyada 5 xubnood, soo jeedin ahaan, si uu goluhu u ansixiyo; kuwaas oo hadii goluhu ansixiyo ka mid noqon doona Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo tiradoodu ay tahay 7-xubnood. Waxa sugnaaday in xisbigga UCID ee mucaaridka ah uu gudbiyey xubintii 6aad Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Iyadoo lafilayey in labada xisbi ee mucaaridka ahi Kulmiye iyo UcCID, in ay wadajir 2-da xubnood ee sharciggu siinayo u gudbinayaa, ayuu xisbigga UCID gooni ahaan xubin u magacaabay Madaxweynahana u gudbiyey. Ilo xoggogaal ah ayaanu ka helay in labadda xisbi isku afgaran waayeen wadajir wax-u-magacawgii. Magacyada xubnaha 6-da ah ee la ogyahay, marka la eego gobolada ay ka soo hor jeedaan, goboladdu isuma dheeli tirna; taas oo Komishankani kaga duwanaan doono kii hore sida miisaaman isugu dheeli tirnaa. Mooyi intaan la ansixin iney wax is badel iyo inkale, kase waaban mayno inaanu nidhaahno goboladu si isu dheeli tiran hawshaasina waxay u taalaa Madaxweyna, Guurtida iyo Labada Xisbi ee mucaaridka ah.

Biyo Guure Shaqaaqe Ka Dhacday
February 7, 2007
(SOHTA) - Biyo guure, oo Berbera ka xigta 10km xagga Bari, ayaa shaqaaqo dhexmartay xoolo raacato iyo beeraley, ayuu iska hor imaad ka dhex dhacay koox hubeysneed oo dhirtii beeraha qaar googeysey iyo ciidamadda abniga oo halkaa tagey. Rasaas la is weydaarsadey kooxdii hubeysneed nina wuu ka dhintay nina wuu ka dhaawacmay.

Laba Nin Oo Bakaaraha Badheedh Loogu dilay
February 7, 2007
(SOHTA) - Saaka, barqaddii ayaa nin ganacsada ah oo makhaayad shaah ka cabaya intey 2 nin laba baastooladood ula yimaadeen madaxa rasaas kaga dhufteen. Nin kaloo la fadhiyey ayey isna sidaa si leeeg rasaas madaxa ugaga dhufteen. Labadii nin ba halkii bey naftu kaga baxday. Falkaa nimankii geystay midna gacanta laguma dhigin.

Afduubkii miyaa soo noqda?
February 7, 2007
(SOHTA) - Nin kamid ah maamulka Shariikadda Hormood ee is gaadhsiinta ayay niman kaxaysteen oo ay qaateen markii uu guriggiisa ka soo baxay. Nin u hadlay shariikadda oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in ninkaa la afduubay meel uu ku suganyahayna aanay garaneyn. Waxaa xusid mudan, in aaneynaan maqal, Xamar waxbaa ladila mooyee waxbaa la afduubay. Xamar waxay u muuqatay muddaba, dhibaato kasto oo ad miga la xidhiidha ha jirtee, tu ka bogsatay dadkii la afduubayey ee ama madax furashadda laga qaadanayey ama la dilayey.

Hublayidhi waxaa lagu qabtay Dadkii Xamar Ammaankeeda Khal Khaliyey
February 7, 2007
(SOHTA) - Waxaa maanta lasoo bandhigay oo dadweynaha la tusay hub ay masuuliyiintu yidhaahdeen waxaa lagu qabtay dadkii amnigga Xamar khakhaliyey; kuwaas oo iyagiina lahayo kuwii kalena lagudaba jiro. Sida la ogyahay wax caadi ah ayey noqotay in hoobiyayaal, habeen iyo dharaarba, lala daydo meelo kal duwan oo xamar ah, qaarkood halbowle yihiin sidda Villa Soomaliya, dekeda, madaarka iyo xeryaha ciidamad Soomaalida iyo Itoobiyaanka. Dad badan oo maydkooda lahelay lana garaneyn cid disheyna lama garanaayo. maamulku mahanan weli amnigga Xamar.

Warar Waabsan
February 4, 2007
(SOHTA) - Wefti ka tirsan Midowga Africa oo General Reer Uganda ahi uu hogaaminayo ayaa maanta yimid Xamar, weftigaa oo qiimeynaya xaaladda guud ee magaalada Xamar, eegayana halkii ciidammada la dejin lahaa.

3 Suxufi oo Haatuf ka tirsanaa bil ku dhawaadna xidhnaa iyo 2 maawadin oo sii deyntooda ay u Ololeynayey ayaa maanta xabsiga Mandheera loo dhaadhiciyey.

Wareysigii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
February 3, 2007
(SOHTA) - Sheekh Shariif Sheekh Axmed wareysi uu bixiyey shalay iyo maanta weli wuu ka soo horjeedaa immaatinka ciiidamadda Itoobiya ay soomaaliya yimaadeen. Taasi layaab malaha oo wixii dhexmaray Maxkammadaha iyo Itoobiya waa la og yahay waxaa xusid mudan in uu arko Ciidamada Africanka ah ee la keenayo Somaliya, iney yihiin kuwaan loo baahnayn; taas oo ku sababeynayo in aaney nabadeyn ka dhalin kareynin Soomaaliya, iyadoo dadweynuhu iskood u heeshiiyaan mooyaane. Wareysigiisa wuxuu cadeeyay in uu aaminsanyahay in loo baahan yahay dib uheshiisiin dhinacyadda ka soo wada qayb galaan. Mar la weydiiyey in Maxkammaduhu qaybsanyihiin wuxuu yidhi haddal macnihiisu yahay waa lagu dadaalay laakiin Maxkamaduhu way mideysan yihiin waxaa kale uu sheegay inuu Yemen booqasho ku tagayo; isagoo aad u eedeeyay dawlada KMG-ku inaanu dalka nabad iyo xasiloonaan kasuu kordhinin.

Kornayl Bileysa Oo Xamar Lagu Dilay
February 3, 2007
(SOHTA) - Saaka, qiyaastii 8-dii aroornimo ayaa korneyl Maxamed Khalaf oo baska raacaya baar Ubax agtiisa, oo wejigiisa maro ku duubay 5-xabadood oo baastoolad ah laabta kaga dhuftay halkiina wuu ku dhintay welina cid looma qaban. Shalayna Monpolia ayaa askari lagu dilay qorrigiina laga dul qaatay. Waxaa xusid mudan in 7-baadkii hore in 3-saldhig bileys laweeraray iyadoo sidaa sileeg loo weeraray bileyskii joogey Ex-Control Balcad halkaana nin kaga dhintay ma odhan karnaa dhacdooyinkan bileysku noqday bar-tilmaameedka ciraaq ayay dhadhamayaan; taas oo beleyska cirraq yahay.

17 Hoobiye iyo 7 Goobood oo Xamar ah
February 2, 2007
(SOHTA) - Xalayto fiidkii ayaa 7 goobood oo xamar ah 17 hoobiye lagu garaacay. Waxaa ka mid ahaa dekedda Xamar oo ay ilaaliyaan ciidamadda Itoobiya iyo xerooyin ay deggan yihiin ciidamadda gaashaanbuurta ahi. Xeryahay deggenaayeen xeryaha la weeraray rasaasbey ku jawaabeen garaaca la garaacay hal hoobiye ayaa ku dhacay meel ay qaxooti degan yihiin. Intaa garaacu socday dhawr meelood oo kale ayaa qaraxyo waaweyn laga maqlay. 6-qof ayaa ku dhintay weeraraddaa.

Shariif Xassan Oo Duray Doorashada Guddomiyaha Cusub
February 1, 2007
(SOHTA) - Doorashadii shallay uu Baarlamaanka dawlada KMG-kudoortay mansabka Gudoomiyah Golaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe, ayuu Shariif Xassan Sheekh Aadan Gudoomiyihii Hore, oo haatan ku sugan Jabuuti ku tilmaamay doorashadaa tu aan sharci ahayn. Shariifku siduu qabo isagu ciidanka Itoobiya wuxuu u arkaa ciidan dalka haysta. Qaabkii loo codeeyey ee gacan taaga ahaa wuxuu ku tilmaamay ku aan xeerka waafaqsaneyn. Koox xildhibaano ah oo ay Shariifka isku aragti yihiin Jabuutina soo dhaweysey markii Kenya laga soo saaray Cabdilaahi Yuusuf baa fariin udiray uu leeyahay dalkiina ku soo noqda.

Dagaal Ka Dhacay Suuqa Xoolaha Ee Xamar
February 1, 2007
(SOHTA) - Warku wuxuu sheegayaa in saaka suuqa xoolaha ee Muqdisho, dagaal ku dhexmarey laba Meleeshiya Beeleed oo isku haystay muddaba dhul. Labada midkood ayaa soo weerartay tii dhulka haysatay oo halkaa ku dishay inan yar oo laba jir ah, ta weerarka soo qaadayna nin baa laga diley. Dhaawacu wuxuu gaadhey 7-qof. Wax booliisa oo goobtaa yimi majirin.

 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp

 

Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].