|
Faalo:
"Hoo
Baaruud" February 22, 2007
Mudaharaadkii ka dhacay London (UK) iyo Oslo (Norway) labada maalmood ee is
xigga waxay jawaab u yihiin haddaladdii ka soo yeedhay Cabdilaahi Yuusuf, waraysigii uu
BBCda siiyey ee ahaa Somaliya waa mid wax kala go'ayaana majiro. Dadkaa
banaanbaxa sameeyay, London iyo Oslo, ee kumanyaalka ahaa, waxay ahaayeen oo ay
matalayeen, isla markaana gudbinayeen, dareenka shacbiga Somaliland, kaas oo ah
Gooni-Iisku Taaga Somaliland iyo Madaxbanaanida Somaliland waa kuwo aan ka-soo-noqod lahayn. Waa kuwo ay waajib tahay in uu caalamku aqoonsado haddii run laga sheegayo
xaqqa dadku u leeyihiin aaya-ka-talin-tooda. Awood aan ta Allah ahayn, oo
Somaliland ka horjoogsan kartaa gooni-isu-taageeda iyo madaxbannaanideeda
majirto .
Bulshadda caalamku runta dhulka taala hala macaamilooto oo yaanay isku deyin
cadceed soo baxday, intay sacabada indhaha iska saarto, inay tidhaahdo, "Anagu
Iftiin Ma Aragno" Somaliland waa cadceeda soo baxday indhaha qiri waayaana
bakoorey ka qaadi. Sidaa waxaa ka dhigan bulshadan caalamka ee ku riyoonaysa
Somaaliya oo beri hore goreygu ka hadaafay. Xaqiiqadu sidey tahay Soomaaliyadaa
lagu daalay deydeygeeda halka kaliya ee laga helayaa waa go'aanada oo khadka ay
ku qoranyihiin ka qiimo badan yahay ee UN-ka, Ururka Jaamacada Carabta, Ururka
Midowga Yurub i.w.m Soomaaliya
meel taagan oola taaban karaa majirto ninka caasimadiisi aan geli kareyn awooda uu
leeyahay ee uu wax ku heshiisiin karaa waa maxa? Awooda uu Somaliland gooni-isu-taageeda uu ku horjoogsan karaa waa maxay?.
Horta, sow in uu isagu jiraa kama
horeyso?. Horta jir, kadibna hadal
Waxaan kusoo gabagabeynayaa faaladeydan kooban, waxa dhadhan gaara u yeelay
labadan banaan bax, gaar ahaan ka London, oo ka dhigay jawaab celin ka jawaabaysa
hadalkuu Cabdilaahi Yuusuf ka sii daayey BBC-da maanta. Reer England iyo reer Norway
iyagoo Somaliland ka wakiil ah, ayay bulshada caalamkana wax u sheegeen,
Cabdilaahi
Yuusufna ku yidhaahdeen, "Hoo Baaruud"
___
Axmed Y. Ducaale
| |
|