XIKMADDA TODOBAADKA


Xigmadda Maanta & Aw-Salla-Waat Bulsho Sawire


December 29, 2007


Sallaan ka dib, dhuxdhuxdiinaan maqlaayee?

(Qosol) Yaa yidhi Aw-Sall-Waat awliyo maaha ?

Haye! Qufacaaga ayaan meel fog ka maqloo,
Markaasaan is weydiineynay
"Tollow Aw-Salla-Waat waakan fadhiisan waayaye muxuu saluugey?

Dalkan Dimuqraadiyad guud ayaa ka hirgashay
Oo ku salaysan dhawr doorasho oo dadku u dareeray.

Haye!
Maxaa haya ah? waar xisbiyadan aanay dhexdooda
doorashaba ka dhacayn miyeydaan arag?
Awal Gudoomiye Xisbi ayaa hebal ama heblaayo
Meel u magacaabay ayeynu maqli jirey.
Sookan Gudoomiyihii Gobolkuna Guddiyadii Xisbigga
ee degmooyinka ku baalbaalay ee ka dhigay
Mid uu eryey,
Mid uu magacaabay
Iyo Mid uu jasiiratal waaqwaaq.
Dalku waa dimuqraadi, xisbiyadaase u baahan in la Dimuqraadiyadeeyo.
.!
 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].