WARAR_WAABSAN

Warar Waabsan
December 31, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Xisbiga Kulmiye iyo Ururka Qaran oo yeeshay shir albaabadu u xidhanyihiin.
Ururka Qaran oo casuumay qurba jooga Somaliland.
Kuxiggeenkii Maayarka Burco oo kalsoonidii lagala noqday, ku cusubna la doortay, Wasaarada Arrimaha Guduhuna talaabadaa ay sharci daro ku sheegtay.

Faallo Gaaban
December 27, 2007

Haddalada laga dareemayo in Mareykanku indho cusub ku eegeya Somaliland, waanu soo dhaweyneynaa. Hase yeeshee naguma fila Somaliland waa gabadh qurux badan, laakiin cidg uursata uma hayno. Maraykanka, waa dowlada e, balku baaqda dimuqraadiyada ayaanu dhiirinaa ka yeelimeyno, Afriki ha nooga horeyso aqoonsiga anana ta labaad baanu noqoneynaa. Hadday ka dhabtahay Mareykan dimuqraadiyadaanu dhiirinaa, ha aqoonsadaan Somaliland. Mawqif cad arrintaa ha iska taago.

Benazir Bhutto Oo La Dilay
December 27, 2007

Waxa maanta, toogasho iyo is qarxin lagu dilay Benazir Bhutto , Prime ministerkii hore ee Pakistan, iyadoo markaa ka dhaqaaqday meel ay dadweyne kula hadlaysay. Doctorka ayey ku dhimatay sabab too ah xabadihii lagu dhuftay. Aaabaheed oo uu daldaley Zia-ul-Xaq oo madaxweyne ka ahaa Pakistan ayey hoggaankii ka dhaxashay xisbiga aabaheed ilaaa ay laba goor Prime minister ka noqotay Pakistan. Octoober ayey dalka ku soo noqotay iyadoo 8-sano dibada ku nooleyd, si ay doorashada 12-ka maalmood ka hadhay uga qayb gasho. Maanta ayaa meydkeedii loo qaaday xabaalihii qoysku halkey ahaayeen. Waxay jirtay 54years, inkastoo xag jirka islaamka loo aaneynayo dilkeeda, cidina masheegan. Iyada iyo meytida muslinkaba ala ha u naxariisto.

Xuquuqda Siyaasiga Ah Ee Madaxda Ururka Qaran
December 26, 2007

(SOHTA - Hargeysa) Waxa sugnaatay in cafiska madaxweynuhu cafiyey madaxdii Qaran uu yahay mid kooban oo ku eg mudadii xadhiga uga hadhay uu ka cafiyey. Xuquuqdoodii siyaasiga ahayd ee maxkamadu ka xanibtey sidii bey u xaniban tahay. Wax badan ayaa lagu dhaliilay Madaxweynaha iyo xukuumada Somalilandba xadhigaa iyo xanibaadaa. Runtiina xuquuqda siyaasiga ah oo lagaa qaado ayaa ka culus xadhigga. Madaxweynaha waxaa loo soo jeedinayaa inuu xayiraada ka qaado xuquuqda siyaasiga ah ee madaxdaa la siidaayay.

Warar Waabsan
December 11, 2007

(SOHTA) Tartanka loogu jirro doorashad Madaxweynaha Kenya, Rayle Odinga ayaa ku hoggaaminaya 46%, Halka Moy Kibaki oo marayo 46%. bishan 27 ayey codeyntu dhacaysaa.
Tartanka loogu jirro hoggaaminta xisbigga (Congress) ee South Africa sagaalka gobol ee dalku u qeybsan yahay, 5ka mid ah xubnaha shirweynaha ka soo qeybgelayaa, waxay taageersan yihiin Jacob Zuma, halka xubnaha kasocda 4ta gobol ee kale Thabo Nbeki; taas oo macnaheedu yahay in Zumku hoggaaminayo tartankaa ilaa imika 800 oo cod. Coddeyntu waxay dhacaysaa Shirweynaha 52aad ee xisbigu markuu bilaabmo bishan dhamaadkeeda.


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].