TACSI

T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
January 5, 2008

Axmed Yuusuf Ducaale, Cali Aadan Meecaad, C/Kariim Xasan Caalim, Shukri Kheyre, Sheekh Sacad Sheekh Ibraahim, Muuse Xasan Ismaaciil, Yaasiin Cabdi Muxumad, Ilyaas Cabdi Muxumed Iyo Muuse Ibraahim Bookh Ceelaabe dhamaan waxay tacsi u dirayaan Xaaskii iyo caruurtii uu ka tagey Marxuun Maxamed Cali Amaan oo Doraad Jabuuti lagu aasay. Waxa kale oo ay geeridaa ka tacsideynayaan dhamaan reer Cali Amaan, Eheladii Iyo qaraabadii kaleba. Marxuumka Allah ha u naxariisto gidigeena samir iyo iimaan Illaahay ha inaga siiyo Aamiin.
T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
December 23, 2007

Ahmed Yuusuf Duale, wuxuu ka tacsideynayaa, qoyskii, eheladii iyo reerkuu Madaxdhaqmeedka u ahaa, Marxuum Xaaji Ducaale oo maant lagu aasay Xaabalahaa Naasa Hablood ee Magaalada Hargeysa. Waxaan la iloobi karin doorka uu ku lahaa, gaar ahaan saxaafada, halgankii-dib-u-xorreynta dalka iyo nabadeyntii beelaha markii dalka la xoreeyay. Anigoo kamid ah dadka ay geerida marxuumku, sigaar ah u taabatay, Ilaahay waxaan uga baryayaa naxariistiisa jannno, giddigeenbana Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo Ameen.
T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
December 22, 2007

Ahmed Yuusuf Dualeh, Cabdi Kariim Xasan Caalim, Cali Aadan Meecaad, Abshir Nuur Cumar, Sheekh Sacad Sheekh Ibraahim, Cali Askar Sugaal, Oblik Carton, Yaasmiin iyo Inamadeeda, Mukhtaar Ibraahim Bookh, dhamaan waxay tacsi u dirayaan Reer Sheekh Xasan Nuuriye, sidey u dhan yihiin, iyagoo ka tacsideynaya geeridii ku timi, Allah ha u naxariistee Ismacii Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday Magaalada Riyaad. Illaahay naxariistii jano ha ugu deeqo, Reer Sheekh Xasan Nuuriye iyo eheladdiisii kalena Illaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo Aamiin.
T A C S I   Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajucuun
December 15, 2007

Bahda soo saarta Somalilandhorta waxay tacsi u dirayaan eheladii,Qaraabadi, Qoyskii Iyo Guud ahaan Shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana reer Berbera, iyaga oo ka tacsiyadeynaya Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Maayarkii Gobolka Saaxil Marxuum Siciid Daa’uud Cilmi oo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2007 oo ku geeriyooday Shil baabuur. Waxa uu mar labaad si gaar ah Tacsidaa ugu dirayaa Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunku, waxaana uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo - Ameen!.


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].