NEWS

Meydkii Faarax Garam Garam Oo Galabta Lagu Aasay Degmada Dayniile Ee Magaalada Muqdisho
December 31, 2007


Meydka Marxuum Faarax Cabdulle Gacal (Garam Garam) ayaa galabta lagu aasay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Sarkaalka ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka.

C/fataax Shaaweeye oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Gobolka Banaadir ayaa uga tacsiyadeeyay eheladii uu ka dhintay Faarax Garam Garam oo ka mid ah ahaan jiray horjoogayaasha Maleeshiyaadkii Hogaamiye Kooxeeyadii.

C/fataax Shaaweeye ayaa ku eedeeyay dilka Faarax Garam Garam Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, isagoo falka lagu dilay ku tilmaamay mid fool xun.

Saaka ayay aheyd markii Miino kursiga hoostiisa loo geliyay Faarax Garam Garam lagu qarxiyay, xilli isaga iyo Ciidamo uu hogaamiyo ay ku sugnayeen Isgoyska Bakaaraha.

__

Source: Jowhar

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].