|
|
NEWS
|
|
|
Booliiska Oo Howlgal Ka Bilaabay Laascaanood Iyo
Maxaabiis Berito Maxkamada La Soo Taagi Doono
December 31, 2007
Ciidamada booliiska magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa bilaabay howlgalo
ay dadku soo qabqabteen howlgalkaas oo wali ka socda magaalada.
Ciidamada booliiska ayaa qabqabtay Dad boob u gaystay qaar ka mid ah meheradaha
magaalada laascaanood xiligii dagaaladu ka socdeen agagaarka magaalada dadkaas
oo in mudo ah ay booliisku ku raadjoogeen, waxaa kaloo iyana gacanta lagu dhigay
Dhalinyaro La sheegay inay haysteen isgaadhsiinta Fooneeyaha Loo yaqaan kaas oo
ay u adeegsan jireen Waxyaabo lidi ku ah amaanka guud ee gobolka sida uu
Afnugaal. com saaka u xaqiijiyey Taliyaha ciidamada Booliiska Xuseen Taarwale.
Sidoo kale waxaa ay ciidamada Booliisku Soo qabteen wariye C/casiis Saleebaan oo
hada ku jira xabsiga dhexe ee magaalada laascaanood, wariye C/Casiis oo berito
maxkamada la soo taagi doono isaga iyo eedaysanayaal fara badan ayaa ku eedaysan
sida booliisku sheegeen faafin warar aan sal iyo raad toona lahayn iyo iska
horkeen bulshada reer Somaliland iyo tan gobolkaba, eheleda wariyaha xidhan oo
ka codsatay ciidamada Booliiska in la siidaayo Wariyaha isla markaana ay
damaanad qaadi doonaan waxii khalad ah ee danbe ayay usuuroobi wayday waxaana ay
booliisku ku wargaliyeen inay maxkamada horgayn doonaan maalinta berito ah.
Ciidamada Amaanka Laascaanood ayaa shaqadooda labanlaabaya waxyar ka dib markii
la dhamaystiray dhisida maxkamada gobolka iyo tan degmada laascaanood oo iyagu
hada si toos ah ushaqaynaya.
Ugu danbayntii Hogaanka ciidanka booliiska Laascaanood Col Xuseen Taarwale ee
Somaliland ayaa uga digay warbaahinta wararka aan salka iyo raadka toona lahayn
ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada, Col Taarwale ayaa intaasi ku daray in
ciidamada booliisku fasax u haystaan soo qabashada cidkasta oo nabada deegaanka
lidi ku ah isagoona ku baaqay dadwaynaha in booliiska gacan buuxda la siiyo si
loo qabqabto danbiilayaasha.
__
Source: Somaliland Org
Printer Version
| |
|
|