|
|
NEWS
|
|
|
Madaxweyne Rayaale Oo Amray Dhaqan-gelinta Xeerka Ka Hortegida Ku Tagri-falida
Hantida Qaranka Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa December 31, 2007
Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin,ayaa maanta soo saaray go’aan
ku saabsan dhaqan-gelinta xeerka ka hortegida ku tagri-falida hantida Qaranka
iyo la dagaalanka muquqmaasuqa.
Madaxweynuhu go’aankiisaa uu ka soo saaray Madaxtooyada Somaliland waxa uu ku
saleeyey ogolaanshihii uu ka helay Golihiisa Wasiirada iyo go’aankii ay hore
Wakiillada Somaliland hore ugu an-sixiyeen xeerkaas..
Go’aankaas oo ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ahna la taliyaha
arrimaha Saxaafada Md. Siciid Cadaani Mooge waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynuhu isaga oo tixraacay ogolaanshihii Golaha Wasiirada iyo go’aankii
Golaha Wakiilada Somaliland uu hore ugu ansixiyeen [ka hortegida ku tagri-falida
hantida Qaranka iyo la dagaalanka muquqmaasuqa.],waxaa uu go’aansaday in uu
dhaqan-galo xeerka No.302/2007,oo la xidhiidha ka hortegida ku tagri-falida
hantida Qaraka iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa. Xeerkaas oo waafaqsan qodobka
75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaa
tahay in go’aankaasi si rasmi ah u dhaqan-galo loona fuliyo.”
Go’aanka Madaxweynuhu ku armay in lagu dhaqan geliyo Xeerka ka hortagida ku
tagrifalida hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku soo beegmay
wakhti uu wadanku ku jiro Sixir barar, isla markaana uu dhaqaalaha wadanku liito.
Dadka siyaasada odorada ayaa diirada ku hayan dhawaaqa Madaxweyaha ee wakhtigan
iyo waxa uu soo kordhindoono, lama saadaalin karo waxa Xeerkani inuu Xakamayn
karo oo uu dawo inu noqon karo Musuq maasuqa baahay ee ka jira wadan.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|
|